Komishanka Doorashooyinka iyo Saddexda xisbi
oo Heshiis kala saxeexday
Komishanka Doorashooyinka iyo Saddexda xisbi ayaa maanta kala
saxeexday heshiis xeer-hoosaad ah oo lagu maamulayo Server-ka lagu
kala shaandhaynayo dadka laga diiwaangeliyey.
Heshiiskaasi wuxuu u qoran yahay sidan:
“ Qaraarka hoos ku xusan waxa loo adeegsanayaa sidii loo soo saari
lahaa liiska kama damabaysta ah ee codbixiyeyaasha iyo weliba
tiradii iska diiwaan gelisay goob walba.
1- Guddida farsamo ee diiwaan gelinta ayaa isku duba ridi doona
liiska codbixiyeyaasha iyaga ayaana qiimayn doona liiska sida ku cad
qodobka 36-aad. Dhammaan tallooyinka ka soo baxa guddida farsamada
ee diiwaan gelinta ee ka tujumaya hawshooda diiwaan gelinta waa inay
ahaadaan kuwo la isku wada raacsan yahay waana in loo gudbiyaa
tallooyinka komishinka si ay uga baaraan degaan.
Komishinka doorashooyinka waxa xil ka saaran yahay inuu darso tix
geliyana tallooyinka ay soo jeediyaan guddida farsamo ee diiwaan
gelintu, inta aan la daabicin liiska kama damaysta ah.
Server-ka:
2- Server-ka diiwaan gelinta ee ay ku kaydsan yihiin xogaha dadka is
diiwaan geliyay iyo agabka Soft ware-ka ee loogu tallo galay inuu
akhriyo xogaha waa inay ahaadaan kuwo loo ogol yahay dad aad u yar,
inay faro geliyaan amabase ay galaan qolka agabkaasi yaalo.
3- Habka lagu baadho faraha ee loo yaqaano (AFIS) ayaa loo adeegsan
doonaa sidii meesha looga saari lahaa dadka mar wax ka badan is
diiwaan geliyay ee faraha laga qaaday.
4- waxa kale oo la iticmaalyaa hab aqoonsan kara wajiga qofka si mar
kale loo hubiyo cida mar wax ka badan is diiwaan gelisay.
5- Farsamoyaqaanada qaabilsan Server-ka ayaa waxay isticmaali
doonaan Software aqoonsan kara [Kala saari kar] xogta laga soo
ururiyay goobaha, waxaanay farsamoyaqanadaasi ay soo diyaarin
doonaan shuruudo lagu kala saari doono si ay u qeexaan cidda la
aqbali doono iyo cidda aan la aqbali doonin ee la diidi doono.
Kooxda farsamo yaqaanadu waxay si wada jir ah u soo diyaarin doonaan
shuruudaha lagu kala saarayo dadka is diiwaan geliyay, waxayna
shuruudahaasi u soo u gudbin doonaan Komishinka, si ay u ansixiyaan
shuruudahaasi waa inay waafaqsan yihiin shuruucda xeerka diiwaan
gelinta codbixiyeyaasha iyo lifaaqiisii.
6- Shuruudaha uu komishinku ansixiyay ee lagu kala saarayo dadka
ayaa lagu dabaqin doonaa xogta isdiiwaan geliyeyaasha si loo qeexo
cidii loo aqoonsansanayo inay si sax ah isku diiwaan gelisay iyo
cidii laga saarayo liiska diiwaan gelinta iyo sababaha loo diidayba
[iyadoo loo cuskanayo shuruudihii lagu heshiiyay ] in dadka lagu
kala saaro].
7- Guddida farsamadu waa inay si wada jir ah u ansixiyaan liiska
kama dambaysta ah waana inay liiskaas u gudbiyaan Komishinka
doorashooyinka kuna talin doona cidda loo daabaco liiska .
8- Dadka aan gaadhin da’ada codbixinta waa in laga waaniyaa in aanay
coddayn, iyadoo loo adeegsanayo olale wacyi gelineed oo ku aadan
dadkaa iyaga ah. Arrintan khusaysa da’yarta waa inaanay noqon mid la
soo bandhigayo maalinta doorashadu dhacayso oo kaliya ee waa in loo
sii sheegaa dadka da’da yar inaanay marna coddayn karin inta ka
horraysa doorashada.
9- Iyadoo laga duulaayo dadka faraha badan ee ku noqnoqday is
diiwaan gelinta ayaa waxa lagama maarmaan ah in komishinku uu ka
qaado talaabo sharciga waafaqsan dadka ku noqnoqday diiwaangelinta,
sida ku cad xeerka diiwaan gelinta qodobkiisa 33-aad kaasi oo
dhigaya inay mamnuuc tahay in hal kaadh wax ka badan qof qaato,
komishinku waa inuu ku dhaqaaqaa wacyi gelin balaadhan, si loo
fahamsiiyo dadka ciqaabta la gudboon qaadashada hal kaadh wax ka
badan.
Somaliland.org
|