Komiishanku Ha Cadeeyaan Wax-qabadkooda Hana Ka Raali-geliyaan Bulshada Diwaangelinta Iyo Doorashada Ragaadka Ee Jiitanku Galay
Komishanka waxaa marar badan Laga Maqlay, iyagoo sir iyo caadba ugu baaqaaya oo leh waxaa hubaal ah in ay doorashadii madaxtooyadu ku dhacayso wakhtigeedii ahaa 29/03/09, taas oo afka baarkiisa uunka ahayd, waxaana hadda laga maqley iyagoo leh waxba gacanta nooguma jiraan oo doorashadii waxaa ku yimid dib udhac oo aan waliba la saadaalin karin goorta la qaban karaayo, maadaama aan wali la soo af jarin shaandhaynta natiijadii diwaan gelinta, taasoo ku dhalisay bulshada oo dhan gudo iyo dibadba wel-wel, walbahaar, jaha-wareer iyo uga qaadan waa. Hadalada kasoo yeedha komishanka, waxaa loo arkaa inay yihiin kuwo mugdi ku jira oo aan sal iyo sees adag ku fadhiyin, kuna socda, sida leexo hawada sabayneysa amase heehaabaysa iyagoo aan marnaba xaqiiqada kasheegin wax-qabadkooda shaqo, lagana haynin ilaa hadda qorshe waxqabad (work plan)La raaci karo oo ay bulshadu ku xisaabtanto, wuxuuna xaalkoodu u eeg yahay mala awaal iyo hoosaasin markii la magacaabay ilaa iyo maanta oo uu wakhtiguna yahay gabaabsi, ayaa waxay ku mashquuleen ku loolanka kursiga gudoomiyanimada ee indha sarcaadka sixir ku noqday dhamaantood (magic chair), sidii uu mid kastaaba u halaabsan lahaa markiisa, waxaa layaab iyo isweydiin leh, waxa ku kalifay komishanka inay riwaayad dhalanteed ah u dhigaan asxaabta kulana kacaan marin habaabin iyagoo dhawaana ka qabtay asxaabta liisaskii murashaxiinta iyo lacagihii deebaajiga ee looga baahnaa in laga qabto 45 cisho ka hor taariikhda maalinta doorashada, iyadoo aysan jirin wax qorshe ah oo uga yaalley, waxaana nasiib daro ah in markay hortageen golaha wakiillada ka maagaan oo ka warwareegaan inay sheegaan goorta doorashada laga sugaayo qaban karaan, in kasta oo ay dadka iyo adduunkaba hore u maqashiiyeen baaq afka baarkiisa ah, kaasoo gadaal ka beenoobay. Kolkii, la dareemay jiitanka iyo cillada, farsamo ee ka dhalatay shaandheynta diwaangelinta, lana ogaaday inay dib-u-udhac u keeneyso habsami socodkii doorashada, wuxuu waajibka komishanku ahaa inay arrinta doorashada dhinac kale uga wareegaan, oo aan la sugin tan iyo inta natiijada diiwaangelinta laga soo af-jaraayo, waxayna ahayd, in lala yimaado fakir iyo hindise cusub oo bar-bar socda hawsha shaan-dhaynta oo lagu hirgelin garo doorashada la majaro habaabiyey, iyadoo la raacayo, lagana shidaal qaadanayo wax alla wixii u adeegi kara qorsheynta miisaaniyadda doorashada loogu baahan yahay-
|