KOBCI WAYDAYE,YAA
KADEED BADAY

Marka hore halkan waxaan ka salaamayaa Timacade groub,iyo dhamaan
reer somalilan d.Marka xiga waxaan cambaaraynay nayaa Goaan kii
Guurtida iyo Afduub kii shalay.Hal kan waxaan kusoo lifaaqay ,maqaal la yidhaa KOBCI WAYDAYE,YAA
KADEED BADAY.
markaa idin koo mahadsan ila eega
Abdulkhali Ali
KOBCI WAYDAYE, YAA KADEED BADAY
CAQLIGAYNU KAGA DUWAN NAHAY XOOLAHA, ISAGAANA LAYNAGU LA XISAAB
TAMAHA AAKHIRO
Sida caadada ah, Khald ka iyo Sax ba waxay ka mid yihiin nolosha
Bani Adam ka.waxay ka mid yihiin is kaabayaasha ilaahay subxaana wa
tacaalaa ye, is garab dhigay, si ay noloshu u dhamays tiran to,
dhadhan na u yeelato noloshu, waana waxa Ilaahay Caqliga inoo siiyay,
layngu abaal marin doono aakhiro, layna waydiin doono, waxaynu ku
qabanay caqlia layna saaray, eeynu kaga duwan nahay xoolaha iyo
dhirta.
IS GARAB YAAL KA NOLOSHA:
Gaajo iyo Dharag.
Cadaab iyo Naar.
Khalad iyo Sax
Geeri iyo nolosha
Caafimaad iyo cudur
Abaar iyo barwaaqo.
ETC
Haddaan hoos uugu daadago, maqaal kayga, waxa baaryahan caado inoo
noqotay, Muddo Kordhin, ku salaysan, khalad waa hore dhacay.
Sidaynu la wada socono, ilaa 1991 kii, waxay ina soo maray, dhibaato
badan , khaladaad badan. Nasiib wanaag, intoodii badnayd waa la
saxay, ama waa la yara khafiifiyay, inkastoon la dhamays tirin wax
yaalo badani inoo hadhsan yiin, qabyo badanina inoo taalo, u baahan
Caqli, iyo aqoon wax laga qabto
Dawladaha waxa loo samays taa, inay umadda hagto, u jihayso, wixii
khaldan saxdo, nabad galyada ilaaliso,dhaqaalaha kobciso.
Kaabayaasha nolosha abuur to, inay wixii karaan keeda ah wax ka
qabato.Waxaana lagama maarmaan ah in Sharcigu dhaqan galo, cid walba
ka sareeyo.
MUDDO ORDHIN INA DAASHATAY
Mudoo kordhintu, waxay inagu bilab ma taya, 2003, sabab tay doon
taba ha lahaatee, waa laga soo gudbay., iyadoo wkhtigaas la oidhan
karo, waxay lahayd sababo la taaban karo, waayo waxa jira, DAGAAL ,
oo waliba isna ahaa, mid ula kac loo abuuray.
Waynu wada ogsoon nahay, inay ahayd khald dhacay.
Nasiib darro, halkii laga sixi lahaa khalad kaas, wuxu noqday dhaqan
dawlad nimada kusoo biiray.Wuxuu noqoday foogo inagu banaanaatay,
lana isticmaalo, goor tii loo baahdo. Taasina waa saba ta loogu sii
talo galay kordhis ka maan ta la kordhiyay.
Haddaad u fiirsataan, hadal kuu gudoomiyaha Guurtidu ka jeediyay,
laga bilaaby Airport ka maalin tuu ku soo lab tay dalka, iyo waliba
maalin tii dhawyd ee golaha guurtidu bilaabay hadal ka kordhin ta.
Waxa hadal kiisa ku qeexa, in hore na loo kordhiyay, maan tana la
kordhin doona, waana taa la kordhiyay.
Taasi waxay u muuqata, kordhin tu inay noqotay qodob ka mid ah,
dhaqan ka dawld nimo, ee Somaliland, amana jirto cid si qoto dheer
uuga hadhashay, waxay keenay kordhis ka, iyo sabab ta loogu sii talo
galo ba.
Sidaan kor ku xusay, kordhis ku wuxuu ka mid noqday habdhaqan ka
dawlad nimo. Cidii la doortaa, waxay meel sii dhigataa, mudoo
dheeraad ah, oo loo kodhin doo, Waayo kuwii ka horeeyay baa waa loo
kodhiyay, tii yoon wax sabab ah, loo raacin, sharciga hoos loo eegin.
waxa iyana ayaan darro ah, dhamaan Gole yaasheenu, way wada muddo
dhaafeen, mid qudhina maaha sharci manta. Sidaa daraadeed waxay si
dad ban uugu heshiis yiin, kordhis ka, oo dantoodu ku jirto, dantii
dalka iyo dadka mid na lays ma waydiin. Ku darsoo, waxa sii dhiiri
galiay, kordhis kaa, hab dhismeed ka dalkeena ka jira, oo ku
sdalaysan Qabiil, kaas oo isgana lagu faaiidaysto, kol ba sida
loougu baahd.
FOOGADA SHARCI EE JIRTA
Waxaynu la wada socona, in dalkeena ka jirto, foogo badan oo sharci,
inay jirto qabyo badan oo u baahan, in wax laga qabto.
Niman kaynu u igmanay, inay qabyo tiraan sharciga, waa kuwa iyagu
dantooda ka raacay tii dalka iyo dadkaba.
niman kaynu martida uuga nahay, sharciga , waa kuwaynu doonayno
inaynu badal no.
caqliga fayoobi wuxuu odhanana, nin kaad duulimaad ka ku tahay,
hadduu kuu helo, foogo, lagugu muquuniyo, tiisuu marsanaya.
Halkaa wax aka maqan kaalin tii dad waynaha, iyo shicib ka. Nasiib
darro, dad wayni hii laftiisu wuxuu u qabsan yay, qabiil, marka nin
waliba reer buu dabada galinayaa, ku taageera, SAX IYO KHALAD BA.
Waa wax laga xishoodo, gola yaashi laga sugaya, inay khaladaad ka
saxaan, inay iyagi ka hawl galaan, kuna dhiiradaan, inay daba
socdaan khalad kii dhacay 2003, cid xisaabinaysaan ma jirto.
Halkaa waxa si wayn uuga muuqata, inay naan wali u bislaan,Dawlad
nimo, arin keenuna ku salaysan yay, reer nimo, sidaas na laguma
gaadho himaladaada iyo dawlad nimo buuxda.
Arin keenu wuxu isu dhalan ragay, Qabaail wada yaala, oo mid waliba,
markiisa doonayo in la siiyoy Madaxwaynaha dalka, tiiyoon lays
waydiin yaa u qalma Madaxnimo, iyo sifaha loo raaco, ka sii darane,
halkaas na waxa usii yaala , uuna dheer muddo xilood kii loo igmada
kordhsiimo, markuu hawshiisa gabo.
Waxaan qabaa in la gaadhay, wakhtigii lala xisaab tami lahaa cid
walba, oo inoo madax ah, wax yaalo badan na dib loo eegi lahaa,
haddii kale arin keenu qabyo ka bixi maayowaligiiyay, wali maynaan
maqal, goaan odhanaya, maan taa inuugu dambaysa korodhsiimo, waayo,
cidiba isma waydiiso, hadii la diidana, waxa loo turjumayaa reer
hebel baa la diidan yay, waana godob.,Markaa waa in la helaa, sharci
lagu hor joogsado, korodhsiimada, aan geedna haysan, ee goor walba
dib inoogu celinaysa, halkaynu ka bilawnay.(BACK TO SQUARE ONE )
Suaasha aan jawaab u waayay, waxay tahay, aqoon yahan keeni, xaguu
maray?
Cilmigaynu barangay muxuu soo kordhiyay?
Goor maa laga baxayaa, Guurti iyo Geed hoos tii ?
Goor maynu ku qiimayn doona qofka, kartidiisa, iyo wax qabad kiisa,
tiiyoon loo eegin waa reer hebel ?
Goor maynu higsan doonaa, aduun ka kale?
goor maynu la jaan qaadi kari doonaa, cilmiga iyo qarnigaynu ku
jirno?
Mise arin keenu waxa weeyi, la jiifiyaana banana, la joojiyaana
banana.
Waxaan hadal kayga kusoo gabagabayna yaa,
HADDAAN LA HELIN SHARCI DHAMAYS TIRAN, OO KA SAREEYA CID WALBA, SI
DHAKHSO AHNA LOOGA BIXIN QABYAALAD DA, WAXA MAYNAAN KORODH SAN AAN
AHAYN DAAL,QABYO NA WAA HALKEEDII
Ilaahay baa mahad lah.
|