Kii hadlaba kii kale ka daran. Aamusnaanta ayay ku roon yihiin murtibaa lagu tuhmayaaye
 



Wasiiradii tayada, aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka soo heleen qurbaha lagu soo xulay, qa ar badan oo ka mid ahi way ka qaawan yihiin wixii lagu tilmaamay iyo asluubtii dawladnimo. Afkay ku hadlaan iyo sidi, sididood wuu ka heer hooseeysaa wasiiradii beelnimada lagu soo xuli jirey ee aan qiiq la isku soo qarin jirin.

Todobaadkii hore waa taan halkan ku soo daabacay dhawr wasiir oo qiiradii beelnimo iyo xilkii  l oo magacaabay kala garan la'. Waxaa kuwii hore ka danbeeyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaarada waxbarashada oo xilkii loo doortay aan ka hadal, ee ku hadlay af aad moodo in uu xilkii kala  war eegey Odayaal dhaqameedka iyo xildhibaanadii ay beeshu u dooratay in ay danahooda gobolee d u doodaan. Waxaa ka mid ahaa hadaladiisii Suldaanimo:


“Reer Awdal/Salel Waxba Kama Maqna…Buuqa Iyo Cabasha Jooja, Ceel-bardaale Anaa  Xalkee da Haya ee ha la Sugo, Ciyaalka Xidhani Waa Bilaa Edebiin, Tolkayoow ha Lana Daayo” Nuxurka Khudbaddii Cali Xaamud Jibriil Boorama Shalay ka Jeediyay.
Goobtu hadalka ka jeedinayey waa Boorama oo lagu xanto gobol dhinaca waxbarashada  heer sare ka gaadhey marka la barbar dhigo gobolada dhigooda ah. Miyaanay meel ka dhac ku ahayn aqoonyahankii reer Boorama iyo dadka kalaba in lagu qanciyo tayadiinii waa taa, ee sidaa  biya ha ku cabba.


Dhaliil dawladeed igama ah lakiin waxaan filayey tiradii yarayd ee Madaxweynuhu ku baanay ee uu yidhi tayo ayay leeyihiin, in aanay beelmarsanaan hadalada ka soo yeedhaya wasiiradiisu. Soo beelihii iyo jilibadii laga tegey iyaguna u baahan maayaan goor dhaw inay wasiir  maqaarsa ar ah ku yeeshaan oo il gaar ah ku eega. Hadal iyo dhammaantii weligaaba duuduub dusha ubax ka saarsaar hoosadii Berberi weli halkeedii.

 

 

 

 

Hamud Duale
Email:
huluuq@hotmail.com