Khudbaddii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ka
jee diyey Munaasibadda 56-guuradda Somaliland Ee 26-Ka June

Hargaysa (TNN) :- Ugu horreyn, waxaan hambalyo iyo boggaadin
balaadhan hawada u marin ayaa dhammaan Shacbi-weynaha Jamhuuriyadda
Somaliland meel ay joogaanba Munaasiba dda Sannad Guurada 56aad ee
Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 26 June, 19 60-kii.
Dawladda Ingiriisku waxay soo caga-dhigatay Carriga Somaliland
1887-kii, iyadoo aan xoog ku qabsan, balse ku timi heshiis ay la
galeen beel-daajiyaashii iyo birmageydadii hormuudka u ahayd
Bulshada Somaliland xiligaa.
Somaliland ma ahayn dal toos loo guumaystay sida dalalka Africa
badankooda, hase yeeshe e, waxay ahayd maxmiyad ay ilaaliso ama
maamusho ciiddeeda, boqortooyadii aan calanke eda cadceedu ka dhici
jirin.In ka badan qarni badhkii ayaa laga joogaa maalintii Somaliland
noqotay Jamhuuriyad Madax-bannaan oo leh Dawlad
iyo Dal, la aqoonsan yahay.
Halgan qadhaadh iyo hayaan dheer oo loo soo galay xaqiijinta
himilladii gobonnimo doonka, waxay Somaliland nasiib u yeelatay in
ay ku guulaysato qarannimo buuxda, isla markaana noqoto dalkii 15aad
ee Qaaradda Africa qaatay madax-bannaani, taasoo cadaynaysa in ay nu
ka hana-qaad horreynay badiba waddamada bariga iyo badhtamaha
Africa, sida; Kenya, Uganda, Tanzania, Djibouti, Somalia, Eretria,
Rwanda, Burundi, Central African Republic, Moz ambique, Zambia iyo
Malawi.
Waxa hambalyo mudan halyeyadii xasiliyey gobonnimadaa, waxaan si
gaar ah u xusayaa Xis biyadii Siyaasiga ahaa ee SNL, NUF, iyo USP oo
door weyn ka qaatay.
Sidoo kale, waxaan ugu ducaynayaa intii dhimatay, hal-doorkii
taariikhda halgankaa ku sunt anaa iyo mujaahidiintii ku shahiiday
halgankii dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Som aliland in Eebbe
naxariistii janno ka waraabiyo, fadliga bisha Ramadaanna ugu dambi
dhaafo.
Ka Sokow in aynu noqon-nay Ummadda Soomaaliyeed dalkii iyo dadkii
ugu horreeyey ee noqday qaran xor ah, waxa xaqiiq ah in Bulshada
Somaliland ay hormuud ka ahayd hammigii lixdankii ee salka ku hayey
in la abuuro qaran weyn oo ay shanta Soomaaliyeedba ku dhan tahay.
Jibbadii iyo Soomaali jacaylkii quluubteenna jeexay, wuxuu keenay in
shan cisho ka dib aynu deg-deg ugu biirno dalkii Soomaaliya ee
Talyaanigu gumaysan jiray shuruud la'aan, isla ma alintii uu
gobonnimada qaatay 1-dii July, 1960.
Inkasta oo uu ahaa il-duuf siyaasadeed oo ina dhaxal-siiyey dhibaato
badan, haddana dhin aca kale, waxaan la dafiri karin inuu ahaa go'aan
geesinimo leh oo ay qaadan karto oo keliya ummad gob ah oo garasho
dheer lihi.
Midowgii dhex-maray labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu
noqday madhalays aan la mahadin.Nasiib darro, waxa laga dheefay oo qudha nacayb, Niyad jab iyo naxli
la dhex dh igo Ummaddii Soomaaliyeed ee isu haysay hilowga iyo
kalgacalka.
Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda "Daayeerow Qadhaab ka waran? wuxuu
yidhi, Tunkayga iyo Tagoogayga ka eeg". Sidaa darteed, waxaan
leeyahay Shacbiga Somaliland soddonkii sanno ee ay ka mid ahaayeen
dal weynihii Soomaaliya ma jiro wax faa'iido ah oo ay ka dhax leen
haba-yaraatee.
Marka la barbar dhigo 25-kan sanno ee aynu la soo noqonnay madax
bannaanideenna, waxa inoo kordhay ayaa ka badan boqolkiiba sagaashan,
iyadoo aynaan helin taageero luxdan iyo aqoonsi caalami ah toona.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaannu xasuusinaynaa Dalkii aannu ka go’nay ee Soomaaliya, Dalalka
Midowga Afrika, Mi dowga Yurub, Maraykanka, Jaamacadda Carabta,
Ururka Islaamka iyo dhammaan Dalalka ku Midoobay Jamciyadda
Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-
1)-Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26
June, 1960-kii Dawlad dii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana
midawnay 1-dii July, dalkii Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray.
2)-Shacbiga Somaliland waxay si cad u diideen June, 1961-kii,
aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu
midoobay ee la magac baxay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan
meesha ka baxday.
3)-Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay
ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada
Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo
ujeeddadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee
luntay.
4) Somaliland rubuc qarnigii u danbeeyey kama qayb qaadan shirarkii
kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.
Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku
midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay,
isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map-ka) ay ku
dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.
5) Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May
1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax-garadka
Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco go’aan
midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo
noqdaan.
6) Shacbiga Somaliland waxay bishii May, 2001-dii kalsooni cod buuxa
%97 ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuriyadda
Somaliland iyo Qadiyadda Gooni-isu-taaga dalka.
Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda
Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay
tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani
qaatay.
Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo
rabitaanka Shacbiga Somaliland.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan leeyahay marnaba u dulqaadan mayno cid kasta oo fad-qalale
iyo fara-gelin ku samaysa ciidayada iyo calankayaga. Xaqa aayo ka
tashiga iyo xuquuqda aasaasiga ah ee dalkayga iyo dalkayga, iyo
Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland dhammaan waa lama taabtaan aan
lagu xad gudbi karin.
Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Xukuumadda aan madaxda ka ahay waxay diyaar u tahay ambaqaadka iyo
sii wadista wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.
Haddaba, si looga gun gaadho wada hadallada labada dal u dhexeeya
natiijo wax ku ool ah, waxaan ku baaqayaa in gogosha la ballaadhiyo,
dalal laysla gartayna ay goob joog ka noqdaan.
Dhinaca kale, waxaannu soo dhaweynaynaa dedaallada Beesha Caalamku
ugu jirto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabbaali lahaa, isla
markaana dawlad adag loogu dhisi lahaa dabayaaqada sannadka 2016-ka.
Hasa-yeeshee, waxaannu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal
madax-bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay
Nidaamka Federaalka.
Mar labaad, waxaan ku celinayaa Jamhuuriyadda Somaliland ma meteli
karaan shakhsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag
iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan
shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran.
Baaq Nabadeed:
Nabaddu waa aasaaska noloshada aadamaha, waana waxa aynu ummad ahaan
ku soo cawo iyo caano maalnay. Sidaa dateed, aniga oo munaasibadan
ka faa'iidaysanaya, waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha
ah ee dhibtu ku dhexmartay deegaanka Dharkeengeeye iyo Dhumay.
Waxaan leeyahay, walaalayaal colaad wiil baa ku dhinta ee wiil kuma
dhasho.
Dhinaca kale, waxaan filayaa in aad waayo arag u tihiin madhaxa iyo
milalka ay colaadu ree bto. Haddaba, waxaan madax-dhaqameedyada iyo
waxgaradka labada beelood ugu baaqa yaa inay joojiyaan dhiiga
daadanaya iyo dhagarta dhexdooda ah.
Waxa kale oo aan ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan, isla markaana
gacan siiyaan Ciidam mada Qaranka ee ku kala dhex jira iyo Ergooyinka
nabadeed ee gurmadka ugu tagay dhex-dhexaadintooda.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ergada isugu jirta
Salaadiinta iyo Xubnaha Golaha Guurtida Somaliland ee gurmadka ku
tagtay deegaannadaa mashaqadu ka dhacday, iyo cutubyada ka tirsan
Ciidammada Qaranka ee nabad ilaalinta u jooga deegaannada Koonfurta
Laascaanood.
Waxaan ku guubaabinayaa in ay dedaalka halkaa ka sii wadaan, kana
daalin hawsha islaaxa ah ee ay ka shaqaynayaan. Waxaan Eebbe uga
baryayaa in uu ka abaal mariyo shaqadaa wanaagsan, miisaanka
xasanaadkoodana ugu biiriyo.
Ugu dambayn, waxaan Shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay meel uga
soo wada jeestaan difaaca qarannimadooda, adkaynta midnimadooda iyo
ilaalinta amniga Eebbe ina siiyey.
Qof kasta oo muwaadin ah, waxa waajib ku ah in uu gacan siiyo
Hay'addaha Amniga Qaranka u xilsaaran ee hadh iyo habeen u adeegaya
ilaalinta danaha guud.
Mar labaad, waxaan shacbi-weynaha ugu baaqayaa in ay ka qayb-qaataan
xaqiijinta himilo oyinka iyo hayaanka aynu ku hiigsanayno horumarka
dalkeena, kaas oo yool iyo abbaar u ah xukuumadda aan gadh-wadeenka
ka ahay.
Waxaan u digayaa dadka ku hawlan inay carqaladeeyaan mashaariicda
horumarka ee dalka ka socda, waxaanan leeyahay dawladi indho
qudhaanjo ayey leedahay.
Si aynu u helno deeq iyo dambi dhaaf Alle, waxa lagama-maarmaan ah
in aynu ummad ahaan isa-saamaxno, isla markaana isu-uur samaanno.
Waxaynu ku jirnaa bil barakaysan oo khayr badan, waxaan ILAAHAY
Subxaanahu Watacaa laa ka baryayaa in uu innaga iyo dhammaan ummadaha
muslimiinta u dambi dhaafo, Soonka, Sekeda iyo Salaada inaga aqbalo,
isla markaana cadaabkiisa inaga xorreeyo Aamiin......Aamiin........Aamiin.
Guntii iyo Gabegabadii,
Waxaan jecelahay in martida sharafta leh ee kala duduwan ee
Mudanayaal iyo Marwooyinba leh aan uga mahad-celinayaa ka soo
qayb-galka munaasibaddan qiimaha badan.
|