Khudbad laga waayey qaala laahu tacaalaa iyo xadiith khudba ma ah

 

Hamud Duale


Ummadda reer Somaliland amma somalidu waxay leedahay hiddo iyo dhaqan u gaar ah oo aan qabyaalad ka madhnayn iyo weliba diinta Islamka oo ay la wadaagto caalamka.
Murtideeda, maaweeladeeda, madadaaladeeda, Hawraarteeda, maansadeeda, wacdigeedu iyo baanaheedu wuxuu ku salaysan yahay dhaqankeeda, hidaheeda iyo dii nteeda.


Khudbadaha iyo baanuhu, heer qaran iyo heer caalamiba xeerar bay leedahay, la adeeg sado oo Lagu kasbado quluubta, hadba cidda aad la hadlayso.
Somalidu waxay tidhaa: “Hadal nin badayey ma wada odhan, nin gaabiyeyna kama wada tegin.” Taasi oo macnaheedu tahay hadalku dheeraan iyo gaabnaan ma kala laha ee waa hadba weedhaha murtida xanbaarsan yahay, dhaxal gal ah ee ku salaysan wayaha hadeer, hadhawna nin nool halhays u noqda.


Waxba ayaan araartu ila durkine, khudbadii Madaxaweynaha ee distuuriga ahayd, waxa y ahayd alla ka kood. Mar qudha muu cuskan aayado quraan ah, oo daliila kama dhigan. Marna muu cuskan Xadiith nabawi ah oo daliil kama dhigan. Mar haddii labadaa midna la ga waayey, waxaynu ku tilmaami karaa diiniyan tororog, dal dalan iyo majaro habaabin, waxba looga aayeyn.
Haddaan taa halkaa ku dhaaf, bal suugaan ahaan maxay innagu soo kordhisey ee looga aayayaa?


La soco qaybta danbe