Khubarro Wata Askar Ilaaliya oo si Rasmi ah u Bilaabay Hawsha Kala-shaandhaynta Diiwaangelinta
 

Khubarrada iyo ilaaladooda oo maalin kasta gelinka u dambe u dhoofa Addis Ababa, subaxdiina Hargeysa ku soo laabta



Xogo dheeraad ah oo ka soo baxay shimbiraha wax basaasa ee Maraykanku Hargeysa keenay



Hargeysa (Timacade News)- Khubarro ka socda shirkadda Ingiriiska ah ee ku guulaystay qandaraaska kala-shaandhaynta diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland oo wata askar shisheeye oo ilaalo u ah, ayaa si rasmi ah  Salaasa dii toddobaadkan xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Hargeysa uga bilaabay hawsha kala-haadinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee  door ashada madaxtooyada u dabran tahay.

Khubarradan oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa xarunta  K omishanka Doorashooyinka, balse aan la shaacin waqtiga ay dalka  yimaadde en iyo inay weli wax hawlo ah bilaabeen, ayaa sida ilo xogogaal ahi  Jamhuuri ya u xaqiijiyeen waxa wehelinya oo ku lammaan ilaa afar askari ajnebi ah oo ku hubaysan hubka fudud, kuwaas oo si weyn ula socda gebi ahaanba  dhaq dhaqaaqyada dadka iyo gaadiidka ee gudaha iyo dibedda xarunta Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Waxa kale oo ilahaas tibaaxeen in khubarrada Ingiriiska ah maalintii  Salaas adii bilaabeen oo dib u hawlgeliyeen mishiinka seerfarka ee kala  shaan  dha ynaya diiwaangelinta, si ay u ogaadaan in tayadiisa waxqaba tahay mid ku filaan karta hawsha iyo in la beddelo.

Warku waxa uu intaa ku daray in khubarrada iyo ciidanka ilaalada ah ee la socdaa sababo dhinaca ammaankooda ah maalin kasta gelinka dambe ugu duulaan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya oo ay habeenkii u hoydaan, subaxdiina uga soo shaqo tagaan Hargeysa.

Haseyeeshee, ilaa hadda ma jiro warar rasmi ah oo Komishanka Doorashoyi nka iyo xukuumadda Somaliland midkoodna ka soo saareen khubarrada  Ingi riiska ah iyo ciidammada shisheeye ee dalka ku sugnaa saddexdii casho ee u dambeeyey.

Weriyeyaal ka tirsan Jamhuuriya oo shalay booqday xarunta Guddiga  Doora shooyinka, laakiin ciidammada ammaanku ka horjoogsadeen inay gudaha  g alaan, ayaa halkaa ku arkay mid ka mid ah askarta ilaalada ajnebiga oo  taa gan bannaanka dhinaca beri ee dhismaha Komishanka, gaar ahaan halka ay yaallaan kaabadaha lagu jaray jidka hormara xarunta, kaas oo si mug leh  in dhaha ula raacayey dhaqdhaqaaqyada gaadiidka iyo dadka lugaynaya ee  m araya waddada laamiga ah ee hormarta hudheelka Imperial.

Inkasta oo aanay sarkaalka caddaanka ah ee jidka taagnaa oo ku lebbisnaa shaadh iyo surwaal isku eg oo kaaki ah aannu ka muuqan hub la arki karo, haddana wax laga dareemayey inu ahaa askari aad u tababaran oo hayey hawl muhiim ah.

Tan iyo intii ka dambeysay qaraxyadii argagixiso ee Somaliland ka dhacay 29 October 2008, waxa jirtay cabsi xoog leh oo soo foodsaartay shisheeyaha dalka ku sugan iyo kuwa booqashada ku yimaad, gaar ahaan xubnaha  muh iimka oo badankoodu sababo dhinaca ammaanka ah uga baqa inay Hargeysa u hoydaan, degdegna ugu laabtaan magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa oo ay habeenkii seexdaan.

Geesta kale, waxa soo baxaya xogog dheeraad ah oo ku saabsan shimbirro la aamisan yahay inay ku rakiban yihiin qalabka loo adeegsado hawlaha  basaas idda oo saraakiil ka tirsan ciidammada Maraykanku Khamiistii toddobaadnki hore diyaar ku keeneen caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ay ilaa  had da ku sugan yihiin.

Warka la xidhiidha labada shimbirood oo diyaarad ciidammada Maraykanka ee la-dagaallanka argagixsada Geeska Afrika ee saldhigoodu yahay dalka Djibouti kaga tageen Hargeysa oo uu wargeyska Jamhuuriya daabacay  cad adkiisii Jimcihii la soo dhaafay, isla markaana dadweynuhu ka bixiyeen  daree nno shaki leh iyo faallooyin kala duwan, ayaa waxa soo baxaya xogo  dheera ad ah oo ku saabsan ujeeddada Maraykanku ka leeyahay shimbirahaas iyo hawlaha dhinaca sirdoonka ee laoo adeegsanayo.

Labada shimbirood ee ciidammada Ameerikaanku keeneen Hargeysa oo la rumaysan yahay inay la nooc yihiin shimbiro Maraykanku u adeegsanayey hawlo basaasnimo oo dhowaan lagu qabqabtay dalka Iran, ayaa sida xogaha cusub tibaaxeen waxa loo tababaray oo ay awood u leeyihiin inay ogaadaan aaaaoao au riyaan meel kasta oo lagu diyaarinayo walxaha gacmaha lagu sameeyo ee kooxaha argagixisadu u isticmaalaan qaraxyada iyo goobaha lagu kaydiyo baaruudda hubka iyo miinooyinka, kadibna dul fadhiistaan, iya goo ciidammada Maraykanku dhaqdhaqaaqa shimbirahaas basaadidda loo tababaray si toos ah ugala soconaya qalabka aad u yar oo ku rakiban  shimb iraha ay sirdoonka u adeegsanayaan.

Xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha ammaanka qaranka ayaan iyagu ilaa hadda ka hadal sababaha saraakiisha Maraykanku shimbiraha shakiga badan abuuray u keeneen Hargeysa iyo ujeeddada ka dambeysa toona





Source: Jamhuuriya Online