Khilaafkii Labada Garab Ee Guurtida Oo Soo Laba Kacleeyey, Garabka Muxaafidka Oo Doonaya Inuu Meelmariyo Muddo Kordhinta  Madaxweyn aha, Garabka Mucaaridka Oo Diidan

 

Ilaa Hada Lama Garanayo Asbaabaha Uu Rayaale U Cuskan Doono Codsiga Muddo Kordhinta Iyo Muddada La Filayo In Guurtidu Ay Kordhin Doonto

Hargeysa  (Longlivesomaliland News) - Khilaafkii golaha guurtidu labada garab ugu kala qaybsamay muddo kardhintii ugu dambaysay madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkaiisa 28 kii bishii march 2009, oo dib uga soo  cusboo naatay golaha guurtida dhexdiisa oo ay mudanayaashu ugu kala  qaybsa meen go’aankaasi garab muxaafida oo taageeray go’aankaasi hore ee  ko rodhsiimada oo dhamaa 42 mudane iyo garab mucaarid ah oo ka odeeyay go’aankaasi kordhinta oo ahaa 35 mudane ayaa waxa uu wakhtigan  xaa dirka ah khilaafkaasi ka dhex oogmay aloosmay muddadiimadaxweyne  Ra yaale oo ay ka hadhsan tahay muddo lix maalmood ah marka la eego  mud dadii doorashada madaxtooyada ay u cayinayd inay qabsoonto  27septe mbar 2009 iyo asbaabtii codsiga madaxweyne Rayaale uu u soo gudbin jiray golaha guurtida oo iyaduna la sheegay inaanu wali soo gudbin  asaa bta dibu dhaca doorashada madaxtooyad.

Inkasta oo aanay si rasmiya madaxtooyada iyo shirgudoonka guurtidu  w ali shaaca ka qaadin soo gudbinta asbaabta muddo kordhinta hadana  wa xay ilo xogogaal ahi noo sheegeen in muddada kooban ee ka hadhay  door ashada mataxtooyadu u cayinayd la sheegay in labada garab ee guurtida muxaafidka iyo mucaaridku uu si weyn uga dhex socdo loolan culus oo ay ugu kala ololaynayaan laba aragtiyood oo kala ah garab ku doodaya  mud do kordhin loo sameeyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo garab ka so horjeeda, oo iyagu ku doodaya inaan wax muddo kordhina loo samayn  ma daxweynaha, balse laga war sugo inta axsaabtu heshiis ka soo wada  gaa dhayaan khilaafka taagan dhamaadka xil haynta madaxweynaha.

Sida ay haatuf u sheegeen ilo u dhuundaloola arrimahan, in labada garab ee guurtidu ay maalinta Salaasada berito ku kala bixi doonaan  meelmar inta mawqifyada ay kala taageersan yihiin, taasoo tibaaxuhu sheegayaan in garabada mudanayaasha muxaafidka iyo mucaaridku uu loolankoodu marayo meel xaasaasiya.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn muddada ay golaha guurtidu u  kord hin doonaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka inta ay leekaan doonto, ayaa haddana ilo wareeedyo u dhuun-daloola Mudaneyaasha Labada garab ee Guurtidu u qaybsan yahay ayaa waxa ay noo sheegeen in garabka muddo kordhinta u ololaynaya ay qorshaysanayaan muddo ku siman 6-bilood ilaa 7-bilood, taas oo tibaaxaha ka soo baxayaana ay  xaqi ijinayaan in mudaneyaasha labada dhinac u kala ololaynayaa la filayo in fadhiga Berito ee Salaasada ay ku kala calaf qaadi doonaan go’aan ka gaadhista muddo kordhinta, iyada oo ilo wareedyo kalena ay sheegayaan in muddo kordhinta ay doorkan guurtidu samayn doontaa ay noqon  doo naan Muddo kordhin ay ku xidhan yihiin Shuruudo.

Hasa yeeshee ilaa hadda si cadd looma oga shuruudaha ay ku xidhi  doona an muddo kordhinta kuwa ay noqon doonaan.
 



Source:Haatuf