Khilaafkii KULMIYE Oo Soo Laba Kacleeyey, Kulan Saddex Ge esood Ah Oo Xalay Saleebaan-gaal Siidhi-wade Ka Noqday Iyo Muuse Biixi Oo Ku Gacan Saydhay Qodobo Oo Ay Soo Bandhigeen

 


Kulanka iyo doodaha labada dhinac ayaa muujinaya in aan weli xal loo hayn qabashada shirweynaha xisbiga Kulmiye



Hargeysa (TNN):-Kulan xaasaasi ah oo xalay Albaabada Laysugu xidhay ayaa lagaga hadlay xiisad da is huursan ee uu ku jiro xisbiga talada haya ee KULMIYE, kadib khilaaf ka dhashay tallaabooyin xagal daaciyey rejadii Qabsoomida shirweynaha ay qaadeen Guddida qabanqaabada lamagacaabay.

CapGuddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan MAxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo Siidhi-wade ka noqday dhexdhexaadinta khilaafkan ayaa kulan albaabadu u xidhan yahay oo xalay uu isku soo hor fadhiisiyey labada garab ee utintu dhex martay, waxa uu go’aamo aan la mahadin uu ku xalliyey qaddiyaddii oo qorshihiisu ahaa in uu ku bakhtiiyo dabka huraya.

Kulankan oo aan saxaafadda loo ogolaan ayaa dhex maray Gudoomiyaha Guurtida Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE Iyo garabka taabacsan Wasiirka Maalliyadda Somaliland.

Ka Sokow Saleebaan Gaal iyo Muuse Biixi, Kulankan waxaa xubno ka ahaa sida Wargeyska HUBAAL ku helay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha guud ee KULMIYE XAsan Siciid Yuusuf iyo Muj. Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye. Dhinaca kalena waxaa xubno dhegeystayaal ah ka ahaa oo madasha ka qayb galay oo Wasiir Cabdicasiis Samaale Wehelinayay xubno kamid ah Taageerayaasha Taabacsan Siyaasaddiisa oo ay kamid ahaayeen wasiirka Xanaa nada Xoolaha Cabdi Aw daahir Cali, , Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Xildhibaan Cab dillaahi Black-i iyo iyo Cabdikariim Axmed Xinif. Sidoo kale waxa kulankaa goob joog ka ahaa Wasii rka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Xubno kale.

Kulankan oo Gudoomiye Saleebaan labada dhinac dhegeystay, ayaa warku xusay in doodo kulul laysku weydaarsaday, isla markaana lagaga hadlay qodobo ay tunka ku siteen kooxda taabacsan Wasiirka Maaliyada kuwaas oo biyadhacoodu lix ilaa Toddoba Qoddob ku suntanaa, nuxur ahaanna dalbanayay siyaasad ay ku dabrayaan hanka Guddoomiyaha KULMIYE maadaama oo uu ku guulay stay geedna iskaga xidhay in Musharraxoodu (Samaale) kula tartamo Kursiga guddoomiyenimada. Qoddobadaas ayaa waxa kamid ahaa:

1. In Guddida Fulinta ee dhawaan la buuxiyey tiradii ka dhinnayd lagu daro xubno uu wato Cabdic asiis M. Samaale.

2. In Gudidii muranku ka dhashay ee qaban qaabada shirweynaha sideedii loo daayo

3. In Golaha dhexe Sidiisii loo daayo

4. In guddida Fulinta oo aan wax is bedel ah lagu samayn.

5. In Aan lagula tartamin Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Musharraxnimada Shirweynaha marka la gaadho

Hase yeeshee dood dheer iyo falanqayn ka dib waxa laysku mari waayay qodobadaa marka laga reebo in Wasiir Samaale lagu daro gudida fulinta ee xisbiga, taas oo ay aqbaleen Hoggaanka Xisbi gu. Balse waxay ganafka ku dhufteen dhammaan qodobada kale ee ay kooxda wasiir samale wate en, waxayna ku doodeen Hoggaanka Xisbigu in aanay macquul ahayn in wax walba sidoodii loo daa yo oo ay dhamaan arrimahaasi yihiin sababta loo doonayo in doorasho dhacdo, ama xisbigu noqdo mid waafaqsan nidaamka dumuqraadiyada ee ay Somaliland qaadatay.

Sdioo kale sida ay sheegayaan xoggaha ka soo baxay kulankaasi, waxay debecsanaan ka muujiye en qodobka gudida qaban-qaabada shirweynaha oo ay sheegeen in haddii sidoodii loo deynayo la mariyo nidaamka dasuuriga ah oo ay si xor ah isaga doortaan hogaan.

Wararka la xidhiidha kulankaa waxay intaa ku darayaan in markii saacado badan laysku mari waa yay qodobada Wasiir Samaale iyo kooxdiisu wateen lagu kala kacay iyadoo aan waxba lagu heshii sin, isla markaana labada dhinac qabsan inay muddo kale kulan laysugu yimaado.

Kulanka iyo doodaha labada dhinac ayaa muujinaya in aan weli xal loo hayn qabashada shirweyna ha xisbiga Kulmiye oo ah xisbul xaakimka, kaas oo dhowaan markii la magcaabay gudida qaban-qa abada shirweynaha xisbiga muran iyo khilaaf ka dhashay loolan ka jira xisbiga gudihiisa oo u dhexe eya Wasiirrada awooda badan ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Hoggaanka xisbiga.

Si kale haddii loo dhigana werwerkan waxa ku siyaado ah Iyadoo xilligii loo muddeeyey qabsoomida shirweynaha ay ka hadhsan tahay oo keliya 30 Habeen oo keliya, taasoo qorshuhu ahaa in intaan layska soo gaadhin xilliganba qabto hawlo badan oo sugaya dhammaanba xubnaha Xisbiga.

Siyaasadaha hadheeyey Xisbiga iyo Murankan is huursan ee in dhawaydba xisbugu la dhutinayay ayaa Odoros badan oo immika ka hor lagu sameeyey lagaga digay cidhib xumo ka dhalata sharciya dda xisbiga iyo qaanuunka u yaalla dalkaba, sidaasi oo ay tahay shuruud keliya ayaa samatabixin karta jiritaanka xisbiga, taasoo ah in xal degdeg ah laga gaadho khilaafkan iyo loollankan ka dhex eeya xisbiga dhexdiisa isla markaana culays layska saaro in shirweyanaha xisbigu ku qabsoomo xi lligii loo muddeeyey oo ah 25ka bishan inagu soo fool leh ee December, iyadoo natiijo farxad gelisa xubnaha xisbiga iyo taageerayaashiisaba ay dawo u noqon karto Aayaha dembe ee xisbul xaaki mka, haddii kale waxa xalku noqon doonaa sidii hore looga deyriyey oo qaraxa ka yeedhaa waxa uu sababi doonaa in rukunnada uu ku taagan yahay xisbigu ay kala daataan




Xigasho: Hubaal