khilaafka aniga iyo itoobiya guntiisu wuxuu
ahaa aqoonsada Jamhuriyada Somaliland
Cabdillahi Yuusuf
C/llaahi Yuusuf Axmed oo 29-kii
December ee sanadkii hore iska casilay xilka Madaxweynimo ee
Soomaaliya kadib markii la sheegay in uu cadaadis kaga yimid beesha
Caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya, ayaa
mar uu kulan la yeeshay Odoyaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Putland
waxa uu ka hadlay sababihii uu isku casilay, isagoo faahfaahin dheer
ka bixiyey, waxa uuna sheegay in arrimo fara badan oo ka soo
wajahday Beesha Caalamka uu isku casilay, isla markaana uu Caalamku
gacan-siin waayay dowladdii lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii
2004.
Odyey ka mid ah Odoyaashii ka qaybgalay kulankaasi oo soo gaaray
Magaalada Muqdisho oo diiday in magaciisa la sheego ayaan wax ka
weydiiyey halka uu gaarsiisnaa xiriirka u dhexeeyey Itoobiya iyo C/llaahi
Yuusuf Axmed, waxa uuna sheegay in xiriirkaasi uu markii hore aad u
wanaagsanaa hase yeeshee markii dambe uu gadaal ka xumaaday sababo
soo baxay awgood, Odeygu waxa uu sheegay in C/llaahi Yuusuf uu uga
waramay waxa ay isku qabteen isaga iyo Itoobiya, waxa uuna yiri C/llaahi
“Khilaafka guntiisa hoose haddii aan idiin kaga waramo waxa uu salka
ku hayay markii ay Itoobiya ii soo jeedisay in Dowladda Federaalka
ay aqoonsato maamulka Somaliland, arrintaasi oo aan ku diiday,
waxaana si cad ugu sheegay madaxda Itoobiya in arrintaasi aan labo
jirkeygii ka soo horjeeday haatanna aniga oo 80 jir ay adagtay sidii
aan ku ogolaan lahaa aqoonsiga Somaliland”, waxaa kale oo uu intaa
sii raaciyey C/llaahi “Haddii aan dooneysaan in aan aqoonsado
Somaliland adinka Itoobiya ah aqoonsada kadib ayaan aqoonsanayaa”.
C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in Itoobiya ay dooneysay in marka ay
Dowladda Federaalka aqoonsato Somaliland in shacabka Soomaaliyeed ay
ku kacaan Dowladda oo ay sidaas ku burburto Dowladda , waayo
Dowladda Itoobiya ma dooneyso in Soomaaliya uu ka dhamaado khilaafka
ayna yeelato Dowlad sal-adag.
C/llaahi Yuusuf oo ay saaxiibo isku dhow ay ahaayeen Itoobiya ayaa
maalmihii dambe waxaa soo baxay khilaaf aad u adag, kadib markii ay
Dowladda Itoobiya si cad ula safatay Ra’isul Wasaare Nuur Cadde,
isla markaana C/llaahi Yuusuf ay ku eedeeysay in uu yahay caqabad
hor taagan dib u heshiisinta Soomaaliya, sidoo kalana uu mas’uul ka
yahay wax qabad la’aanta Dowladda Federaalka, iyadoo Wasiirka
Arrimaha dibadda Itoobiya uu sheegay in Dowladda Federaalka u soo
tababartay ciidan gaaraya 15 kun, si ay mustaqbalka u hantaan
maamulka Soomaliya, balse waxay Itoobiya sheegtay in uu taasi
burburiyay C/llaahi Yuusuf Axmed.
Odeygan ayaa hadalkiisa sii daba dhigay “Dadka Soomaaliyeed ayaa
intooda badan aaminsanaa in khilaafka madaxda Dowladda uu ku yimid
kadib markii Nuur Cadde uu xilka ka qaaday guddoomiyihii hore ee
Gobolka Banaadir oo haatan u xiran ciidamada Itoobiya Max’ed Dheere
iyo arrimaha dib u heshiisinta ee uu waday Ra’isul Wasaare Nuur
Cadde, hase yeeshee markii C/llaahi Yuusuf uu ka dhawaajiyey in
khilaafku uu ku saleysnaa arrimo ka dhex aloosnaa isaga iyo Itoobiya
oo ah in la aqoonsado Somaliland, runtii aad ayaan uga naxnay ma
fileyn in Itoobiya arrimahaasi ku kacdo, waayo Itoobiya iyadaa
Dowlad ah, iyada ayaana laga rabay haddii wax la aqoonsanayo in ay
aqoonsato .
Somaliland, inkastoo aqoonsiga uu ka yimaado Qaramada Midoobey waxaa
muuqatay in Itoobiya aysan marnaba daneynayn in xal loo helo
arrimaha Soomaaliya, waayo haddii ay Somaliland la dooneysay in ay
aqoonsi hesho waxay uga ololeyn lahayd ururada Caalamiga ah sida
Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo wixii la mid
ah.
Xuseen Caydiid ayaa hadda ka hor markii ay soo galeen Ciidamada
Itoobiya waxa uu ka dhawaajiyay hadal ay dadka Soomaaliyeed si aad
ah uga gilgilsheen kadib markii uu yiri “Itoobiya waxaan nahay dal
saaxiib ah, waxaana dooneynaa in aan xuduudda isku furano, lacag
qura aan wada yeelano, Baasaboor qura aan wada yeelano, haddii aan
nahay Somaaalia ”, inkastoo Xuseen Caydiid uu cudur-daar ka muujiyey
haddana shacabka Soomaaliyeed arrintaasi waa ay u cuntami waysay,
Itoobiyana waxay dooneysay in marka uu C/llaahi ku dhawaaqo
aqoonsiga Somaliland oo uu halkaasi ka dhasho ismaanfhaaf dadka
Soomaaliyeed dhexdiida ah, waxaana sidoo kale dadka arrimahaan u
dhuun daloola sheegeen in Itoobiya ay dooneysay in ay tijaabiso sida
ay u hirgeli karto arrintaana, loona badinayay in Itoobiya ay
damacsaneed qorshayaal kale oo fog oo ay dib u dhiganeyso oo la
xiriira arrimaha Soomaaliya.
Amiin Yuusuf Khasaaro
Muqdisho,Somalia
|