Khilaaf Dibadda u soo Baxay oo
ka Dhex Oogan Badhasaabka Gobolka iyo Maayirka Gabiley
Nuxurka khilaafka soo kala dhexgalay labada masuul + amar uu bixiyey
Badhasaabku oo fashil may iyo asbaabaha loo tirinayo
Gabiley (TNN)- Khilaaf dibadda u soo baxay ayaa toddobaadkii u
dambeeyey ka dhex oognaa Badhasaabka Gobolka Md. Cali
Adan Meecaad
iyo Maayarka Degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Geydh, kadib markii
laba masuul isku maan-dhaafeen qorshe lagu doonaayey in lagu kala
wareejiyo Jaamacadda Gabiley iyo dugsiga sare ee Qalax oo isku meel
ku yaal.
Guddoomiyaha Gobolka Gabiley iyo Maayirka khilaafkan soo kala
dhexgalay, ayaa ka dhashay amar uu
Badhasaabku ku bixiyey in
dugsiga
sare ee Qalax si rasmi ah looga raro goobtii hore ee uu ku yaali
jiray, waqtigana ay ardeydu waxbarashadooda ku qataan, kadib markii
dhaw sannadood ka hor halkaas laga hirgeliyey Jaamacadda Tima-cadde,
balse waxa qorshahaas si buuxda ugu biyo-diiday
Maayar Khadra Xaaji
Geydh iyo maamulka dugsiga Qalax, iyada oo arr intaasina laba masuul
ka dhex abuurtay khilaaf si weyn looga dareemay guud ahaan Gobolka
Gabiley, gaar ahaan bahda waxbarashada.
Wariye ka tirsan Jamhuuriya oo booqday Gobolka Gabiley ayaa la
kulmay Badhasaabka Gobol ka Gabiley Mr. Cali Aadan Meecaad si wax
looga waydiiyo khilaafka ka dhex aloosan isaga iyo maayirka, ayaa
gebi ahaanba afka ka xidhay, isla markaana si cad u diiday inuu wax
tafaasiil ah ka bixiyo khilaafkaas dibadda u soo baxay u dhexeeya
masuuliyiintaas.
Maayar Khadar Xaaji Geydh iyadana dhinaceeda Jamhuuriya khadka
telefoonka kula xidhiidha y, ayaa ka gaabsatay inay wax xog ah ka
bixiso rrintaas, balse waxa noo suurtagashay inaan u khilaafkan wax
ka waydiino Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Gabiley Mr. Maxamed
Mu xumed Xadi oo isagu sheegay in aanu wax khilaaf ah oo
masuuliyiintaa ka dhex jira war u hay nin, laakiin waxa uu uu
tilmaamay qorshuhu inuu ahaa in dugsiga sare ee Qalax loo soo raro
go ob suuqa ku dhaw ee waqtigan Jaamacadda Tima-cadde duruusta ku
bixiso, isaga oo xusay in tallaabadaasna bulshadu ka soo horjeesatay.
Mr. Xaddi waxa uu intaa ku daray in in aanu khilaafku u wanaagsanayn
waxbarashada, ardey da dhiganaysa Jaamacadda iyo dugsiguna reer
Gabiley wada yihiin, waxaannu ugu baaqay bul shada reer Gabiley in
waxbarashada laga ilaaliyo siyaasadda, khilaafna laga dhex abuuro.
Maamulaha dugsiga sare ee Qalax Mr. Maxamed Maxamed Aw Saleebaan
(Aws) oo isagana kh adka telefoon aanu ku waydiinay waxyaabaha
khilaafkan sababay iyo siday u arkaan amarka badhasaabka, waxa uu
yidhi; “Way jirtay arrinkaas badhasaabku soo bixiyey in halkii uu
dugs liga sare ee Qalax ahaa laga soo raro, balse
waxay ka socon
wayday dhinaca bulshada, gaar ahaan ardeyda, macallimiinta iyo
waalidiinta, duugsiguna wuxuu halkan ku yaallay ilaa 1957kii,
waxaanay bulshadu leeyihiin annagaa dhisannay, madaxweynihi hore ee
Daahir Rayaalena ma rkuu dugsiga Jaamacadda Tima-cadde dul kenaayey
doorashada ayuu ku galayey.”
Mr. Aws oo la waydiiyey in uu jiro heshiis maamulka dugsiga iyo
jaamacaddu ku galeen inay is beddelaan, waxa uu ku jawaabay “Ma jirto
oggolaansho aannu oggolaanay in marnaba jaam acadda halkan loo soo
raro.”
Guddoomiyaha Jaamacadda Gabiley Prof. Cismaan Yuusuf Madar oo
isagana Jamhuuriya waxa ka weydiiyey khilaafkaas, ayaa sheegay in
shir ay dhawaan galeen maamulka dugsiga, Guddoo miyaha waxbarashada
iyo maamulka gobolka la go’aamiyey in maalintii Sabtida ee la so
dhaaf ay la kala wareejiyo dugsiga iyo jaamacadda, waxaannu
iftiimiyey in waqtigii la sugaayey in ka la wareejintu dhacdo lala
kulmay macallimiin iyo waalidiin ka soo horjeeda qorshahaas.
“Waxaannu ku heshiinay shir aannu wada yeelanay maamulka gobolka,
waxbarashada iyo maa mulka dugsigaba in qorshahaas la fuliyo, balse
markii la fulin lahaa ayaa loogu tegay dad isugu jira macallimiin
iyo odayaal xuma-ka-talis ah oo damacsan inay dadka kiciyaan oo
diiddan qors hahaas.
Annaga waa isugu kaaya mid jaamacadda iyo dugsi oo labaduba waa
goobo waxbarasho, bad hasaabkuna wuu ku mahadsan yahay go’aanka
dawladnimo ee uu qaatay, fulinteeduna waxay u taal Wasaaradda
Waxbarashada iyo dawladda, mana aha in mar walba xumaan iyo rabshad
la dhex keeno goobaha waxbarashada,” ayuu yidhi Mr. Cismaan Yuusuf
Madar.
Source: Jamhuuriya
|