Khilaaf Culus oo ka Dhex Qarxay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Golaha Deegaanka Gabiley

 

 



Xildhibaan ku eedeeyey Wasiirka Daakhiliga inuu Gabilay ka raadinayo dhaqaale uu ku galo olole uu sh eegay inuu ugu jiro sidii uu Urur-Siyaasadeed u furan lahaa



“Cid Wasiirka Arrimaha Guduhu wato iyo cid Madaxweynuhu wato toona ma dooran karaan Maayarka ee anagaa awood u leh in aanu doorano, kalfadhi baanan isku iman doonaa” Xildhibaan Maxamed Mux umed Nuur (Laanloobar)



“Kalfadhiga aad dalbateen wax idinka soconaya maaha… waxa si ku meel gaadh ah xilka u sii haynasa ya maayir-ku-xigeenka Marwo Khadra Xaaji Gaydh”  Wasiirka Arrimaha Gudaha



Hargeysa (TNN)- Khilaaf culus ayaa ka dhex qarxay wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxame d Cabdi Gabboose iyo Golaha Degaanka Gobolka Gabiley, kadib markii Wasiirku shalay ku tagay magaal ada Gabiley socdaal la xidhiidha sidii uu xilka ugu kala wareejin lahaa Maayirka xasaannada laga qaad ay iyo maayir-ku-xigeenka Marwo Khadra Xaaji Gaydh.


Tallaabada Wasiirka Arrimaha Guduhu ku doonayey inuu Guddoomiye-ku-xigeenka golaha Deegaanka Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh si ku meel gaadh ah ugu sii wareejiyo xilka Guddoomiyenimo inta maayirka Gabiley Mr. Aadan Muxumed Badde lagu waayayo ama lagu helayo eedaha musuqmaasuq ee loo haysto, ayaa muran ka dhex abuurtay golaha deegaanka, iyada oo xildhibaanno ka mid ahi qorsh aha wasiirka ku tilmaameen mid sharci-darro ah, isla markaana ay iyagu xaq u leeyihiin inay doortaan Guddoomiyahooga, cid kalena aanay u yeedhin karin, kuwaasi oo sheegay inay yeelan donaan fadhi ay ku dooranayaan Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley.


Dr. Gaboose oo subaxnimadii hore ee shalay tagay xarunta Dawladda hoose ee Gabiley, Isaga oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Guduhu Cabdillaahi Xuseen Cige (Cabdillaahi Balaaki), ayaa hoolka shirarka ee dawlada hoose ku qabtay munaasibad ay Xilkii Maayarnimo ugu war eejinayeen Gudoomiye-ku-xigeenkii Golaha Marwo Khadra Xaaji Gaydh, waxaanu Wasiirka Arrimaha Guduhu sheegay in aanay waxba ka jirin,isla markaana la aqbali doonin codsi Golaha deegaanka Gabil ey ku doonayeen inay qabsadaan kalfadhi aan caadi ahayn oo ay ku doortaan Guddoomiye cusub, ma adaama Guddoomiyahooda, isla markaana ah Maayirka magaalada Mr. Aadan Muxumed Badde , laga qaaday xasaannadii uu huwanaa si maxkamad sharci ah loo horgeeyo,kadib markii lagu xidhiidhayey inuu ku lug leeyahay fadeexado musuqmaasuq iyo lunsi hanti dadweyne.



“Ma Marka uu Guddoomiyihiinii noqday eedaysane ayaad dalbanaysaan kal-fadhi aad ku ridaan oo aad ku doorataan mid kale. 10 sanno oo hore ayuu haystay oo maayir ahaaye maxaad nooga soo dalban waydeen in aanu idiin qabano Kalfadhi. Markaa kalfadhiga aad dalbateen wax idinka soconaya maaha inta ay maxkamadu ku soo cadaynayso ama ku waayeyso, isagaa ahaanaya Maayar, haddii ay Maxka madu eedaha loo haysto ku hesho waxa uu ku mutaysan doonaa Jeel, haddii wax dambi ah lagu waay ana waxa uu ahaanayaa Maayar, inta mudadaa ka horaysana waxa si ku meel gaadh ah xilka u sii hay nasaya maayir-ku-xigeenka Marwo Khadra Xaaji Gaydh,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Muxumed Nuur (Laanloobar) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Degaanka Gabiley oo Jamhuuriya u waramay, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ku eedeeyey inuu Gob olka Gabiley ka wado qas iyo olole uu ugu jiro urur-siyaasadeed, isla markaana uu si qayrul sharci ah u soo farageliyey golaha degaanka.


Xildhibaan Maxamed Nuur, waxa uu daboolka ka qaaday in ay saddexda maalmood ee sharcigu siiyey ka dib, ay dooran doonaan maayarkii xilka hayn lahaa, wixii sharcigu u oggol yahayn aanay cid u daba fadhiisan doonin.

“Waxa uu noola yimi Wasiir Gabboose, waxaannu la yaabnay oo wuxuu yidhi waxaan ku wereejiyey xil kii maayarnimada Khadra Xaaji Gaydh, arrintaasina waa mid aanay aqbalay xildhibaannada golaha de gaanku, waxaana ka imanaya isqab qabsi, balse go’aankayaga sharciga ah ayuun baa soconaya oo an agaa Maayir iska dhex dooranayna, shir baanan qabsan doonaa haddii Illaahay yidhaahdo.

Wasiir Gabboose faragelinta iyo qaska uu Gobolka Gabiley ka wadaa tan uun maaha, ee khilaafkii soo jiitamayey waxa noogu horreysey maalintii ugu horreysa ee uu Gabiley soo gaadhay, waxaannu Gab oose ku jiraa olole Xisbi, sidii uu Gobollada barigaba ka soo sameeyey, gabadhan uu magacaabaya isagaa wata oo wuxuu damacsan yahay dhaqaale uu ololaha ku galo inuu ka helo Gobolka Gabiley. Cid Wasiirka Arrimaha guduhu wato iyo cid madaxweynuhu wato toona ma dooran karaan Maayarka ee anagaa awood u leh in aanu doorano,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Laanloobar.

Khilaafka ka dhex abuurmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo xildhibaannada golaha Deegaanka Gabiley, ayaa ku soo beegmay xilli meesha laga saaray badhasabkii hore ee Gabiley Mr. Rashiid Sheekh Cumar ee xilka laga qaaday iyo Guddoomiyaha Golaha deegaanka Gabiley Mr. Aadan Muxumed Badde oo isna laga xayuubiyey xasaannadii uu huwanaa si maxkamad loo horgeeyo, balse lama saadaalin karo halka uu sal-dhigan doono khilaafkan cusubi, maadaama xildhiba annada Golaha deegaanku ku doodayaan inay iyagu xaq u leeyihiin doorashadda guddoomiyahooga, ilsa markaana ay qabsan doonaan kal fadhi ay guddoomiye ku dooranayaan, halka wasiirka arrimaha guduhuna ku doodayo in aanay xildhibaannadu qabsan karin wax kalfadhi ah oo ay guddoomiye ku do ortaan, balse ay xilka guddoomiyenimo si ku meel-gaadh ah hayn doonto Marwo Khadra Xaaji Gaydh, isaga oo xusay in haddii Adan Muxumed Badde maxkamadu wax dambi ah ku weydo uu ahaan doono maayirka, haddiise dambi lagu helo uu jeelka ku mutaysan doono.

 

 

Source:Jamhuuriya