Khalaaf soo dhaxgelay wasiiradda Maaliyada Iyo Macdanta iyo biyaha oo madaxweyne Siilaanyo xal kagaadhey..
 

 



Hargeysa (TNN)-Kulan degdeg ah oo albaabadu uxidhan yihiin oo ay wada yeesheen madaxwe ynaha jamhuuriyada Somaliland md Axmed Maxamed Maxamuud iyo Wasiirkiisa Maaliyada Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa lasheegayaa sida aan kahelney warkan ilo ku dhaw dhaw kulankaa si iyo sida uu ud hacey .



Arintani la shaaciyey ee iscasilaada Wasiirka Maaliyada Somaliland oo lasii buunbuuniyey ayaa waxay ay ka dambeysay shirkii golaha Wasiirada ee khamisitii 22/12/2011  ka qabsoomey xar unta Madaxtooyada Somaliland, halkaas oo Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaa shi uu ka soo jeediyey in kharashka cadadkiisa lagu qiyaasey $500,000 , oo ka timid laba shirk adood ee kalla ah OPHER ENERGY iyo TULLOP, oo si toos ah ugu dhacdey Acountka Wasiirka Ma cdanta iyo Biyaha Somaliland ,Md Xuseen Cali Ducaale, oo Wasiirka Maaliyadu soo jeediyey in lagu soo wareejiyo Acountka Wasaarada Maaliyada.



Dhanka kale ,Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Md. Xuseen Cali Ducaale, oo isna kulankankaasi W asiirada ka sheegey iney jirto lacagtaasi cadadkeeda kor ku soo sheegney, balse ku tilmaame y iney tahey lacag uu u isticmaalaayo kharashaadka Wasaaradiisa.
 


Sidaan ku soo xusney xaga hore ,shirka Madaxweynaha Iyo Wasiirka Maaliyada oo qaatey muddo saacado ah , ayaa gabo gabadii waxaa Madaxweynaha iyo Wasiirku isla qaateen iney kharashkaasi si toos ah loogu shubo khasnadda Dawlada si loo raaciyo miisaaniyad sanadeed ka 2012.

 




Axmed Shaqalle
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland