Khadar Xassan Ali Gaas wa xubnihii KULMIYE UGU FIRFICOONA XAQNA WU LEEYAHAY INU XILKA UGU MUDAN maamulka Siilaanayo ka qabto

 


Waxan saaka halkan ka salaamaya saxaafada xorta ah inta u adeegta dimuqradeyda isla markan ku hadasha afka shacabka somaliland xalaasha..

Baryahan ba waxan runtii saxaafada ka dheeheneyay ama ka akhrisaney qoraalo tiradaa ka badan o runtii ku lidi ah xubnihii xisbiga kulmiye ugu firfircooneyd waliba aha kuwii waqti gooda qaaliga ah inta badan ugu hurey inu xisbiga Kulmiye maruun ku fadhiisto hogaanka dalka ugusareya JSLand, haddan idinso qadimo magacana mas'uulka an qalinka iyo warqad a u qaatey maanta wa Khadar Xassan Cali Gaas oo loo magacaba xil qaran oo ah maaree yaha Tviga Qaranka..

Sida ay qoraaladu isaga so wada daba dhacayaan waxad mooda in anu xaqba ulaheyn Kh adar mansabkan o kale inu qabto sida ay hadalada u dhigayaan,waxan haddaba runtii is w eydiiyay tolow ma dhawr kulmiye aya jirey o kala sareeyay, waxan markale isweydiiyay m axa inankan loo daba socda ma masabkan ba lo quudhi la' yahay oo meesha xusud ba ku ji ra, waxan haddan isweydiiyay inanka ma qabyaalad ba lagu riixaya o masabkan baan reerk iisa loo ogoleyn intaaso su'aalood ba i hortimid markii an arkey faraha baas e lagu hayo Kh adar Hassan CaliGaas..

Maalmihii u xisbiga Kulmiye dalkan taladiisa qabsaday aya la wareystay wasiirkii beeraha e dawladii madaxweyne Rayaale mudane Aden Dhoolayare o ah nin anu aad usaaxiib nahay, waxan xusuusta su'aal la weydiiyay o kusaabsan mucaaridnimada, wuxu kujawaabay ade er Kulmiye isaga mucaaridada isugu filan e ma jirto cid caaridi doonta mustaqbalka, jawaa btaasi waxay ka makhaati kaceysa maanta waxa kulmiye dhexdiisi ka taagan ninka mas'u ulka ah e mucaaridada lagu bilaabay wa xubnihii kulmiye ugu fadalacada ee geed dheer iyo mid gaaban ba u korey sidii u KULMIYE U SO BIXI LAHA, wa nasiib daro maanta haddii ay reer KULMIYE sida isugu dhuljiifeynayaan o mas'uulkii xil lo dhiibaba ka daba yuusayaan.

Waxa isku key qaban waayay o maskaxdeyda gali waayday dacaayada raqiiska ah e qora aladood ku cad mas'uulka xilka lo magacaabey e KHADAR XASSAN ALI GAAS ba lacag siiy ay Aamin Caamir si uugu samee sawir gacmeed uu ku aflagaadeyneyso dawlada somalilan d iyo beesha u madaxweynuhu ka so jeedo, ilma aha caqliga fayoobin ma qaadi karo inu KH ADAR O XIL QARAN LOO MAGACAABAY U DACAAYADA INTA LEEG U QUUDHAYO MADAX DI SO CUGATEY E XILKA SAARTEY ma filayo inu yahay shakhsi sida u fudud o waxyaalaha aso kale ku kici kara, sidaan aaminsanahey KHADAR XASSAN CALI GAAAS wuxu ka mid ya hay dhalinyarada waxgarada ah e dagan e lagu majiirto waxqabadka iyo hawl galinimad a..ru ntii maanta u sheegi maayo madaxda KULMIYE KAALINTII MUGA LEHEYD E U KA SO QA ATEY HORUMARINTA XISBIGA KULMIYE.oo iyaga iga war roon waana sababta keentey in xilka sare lo magacaabay..

Waxan kuso gababgabeynayaa qormadeydan gaaban, mas'uulkaste o xil loo dhiibo yaan l agu dagdagin ama laga hordhicin oo saxaafada lagu so qorin dacaayadiisa iyo ceydiisa ha la sugo waxqabadkiisa, been abuur iyo aflagaadan iyo xusudkuna reeban...

 

 


Omar Darood Hassan

NORWAY