Kelitalisnimada
iyo Shaagga Taariikhda
Ina Yusuf teg, Ina Muuse teg, In Riyaalana waa inuu tagaa.
Taariikhdu waa sida shaagga wareegaya oo kale, qofkii ka horyimaada
xilliga ay maraysana waa uu jiidhaa. Maanta waxaa lagu jiraa qarniga
21aad waana laga soo gudbay xilliyadii xukun milatari, xukun
kelitalisnimo iyo xukun qabiil ku tagrifala awoodda dawladeed iyo
hantida ummadda ka dhaxaysa ee loogu talagalo horumarkeeda. Waxaa
loo gudbay xilliga xukunka dadka ee ummaddu ku soo doorato marba
cidda maslaxad u ah danteeda iyo dalkeeda. Dadku waa batay waxna waa
bartay, xuquuqdiisa waa fahmay, xukunkana inuu leeyahay ayuu ogyahay.
Dhawaan waxa shaagga taariikhdu jiidhay Cabdullahi Yusuf iyo Cadde
Muuse ka dib markii ay ka horyimaadeen xilliga taariikhdu marayso
kuna dhaqmeen xukun kelitalisnimo iyo qabiil laga soo gudbay. Daahir
Riyaalana waxaa shaagga taariikhdu jiidhayaa doorashada soo socota
ee dhacaysa 29ka March, 2009 waayo waxa uu ka horyimid isna xilliga
taariikhdu marayso.
Cabdullahi Yusuf waxaa si fool-xun shaagga taariikhdu u jiidhay
markii laga eryay Somalia dhammaadkii Dec. 2008 ka dib markii uu ku
kacay 5ta arrimood ee kala ahaa:
1. Ka goyntii Puntland Somalia iyo u soo doonashada xukun Muqdisho.
2. Ku soo hoggaamintii iyo ku geliddii Somalia cadowgii soo jireenka
ahaa ee Itoobiya.
3. Mataanayntii Ciidamada Itoobiya iyo miliisiyada Puntland si loogu
sandulleeyo
Muqdisho xukun qabiil.
4. U geysashadii dadka Muqdisho xasuuq iyo bara-kac weyn.
5. Ku sifoobid kelitalisnimo iyo dhisidda dawlad qabiil (Xukun
Majeerteen).
Cadde Muuse waxaa isna shaagga taariikhdu jiidhay markii uu dhawaan
waayay xukunkii Puntland ka dib markii ay dhacday 3da arrimood oo
kala ahaa:
1. Burburka hammigii Majeerteeniya ee dhul-ballaarsiga ku salaysnaa
isla-weynida iyo
ku xad-gudubka xuduudda Somaliand.
2. Puntland oo noqotay hoyga budh-cad badeedka caddena ku fashilmay
xallinteeda.
3. Ku sifoobid kelitalisnimo iyo xukun ku salaysan xigtanimo iyo
hanti-boob.
Daahir Riyaalana waxaa isna si weyn shaagga taariikhdu u jiidhayaa
doorashada soo socota ee madaxweynaha ka dib markii uu ku sifoobay
7da arrimood ee k ala ah:
1. Ku sifoobid kelitalisnimo, abaal-ka-dhac iyo ku xad-gudub
shuruucda dalka iyo
nidaamka dimoqaraadiga ah isaga oo raacay jidka macallinkiisii,
Siyaad Barre.
2. Ku tumashada xuquuqda muwaadiniinta iyo cabbudhinta saaxafadda
xorta ah,
isagoo sharcidarro xabsiga u taxaabay siyaasiyiin,suxufiyiin iyo dad
caadiya.
3. Ku tagrifalka hantida qaranka iyo musuqmaasuq xad-dhaaf ah.
4. Curyaaminta dhaqaalaha dalka iyo adeegyada bulshada.
5. Hurinta colaadii Beelaha Somaliland ka heshiiyeen isaga oo
askarta Boorame keenay
Hargeysa si uu iskaga horkeeno ummadda.
6. Ku adeegashada danaystayaal iyo damiir-laawayaal dhiig-miirato ah
oo aan dadka iyo dalka dan ka la hayn.
7. Jiritaanka mad-madow ku gadaaman siyaasadda arrimaha dibedda iyo
aqoonsiga
Somaliland lana tuhmayo in kelitalisnimada uu kula dagaallamyo
aqoonsiga dalka.
Marka la eego dhibaatooyinkaas laxaadka leh, Riyaale iyo kooxdiisu
marnaba ehel uma aha dadka iyo dalka sidaas awgeedna looma
nisbaynkaro qabiil ama beel. Waa koox maafiya ah oo halis ku haysa
nabadgelya, qaranimada iyo danta guud ee Somaliland, khatarna ku ah
nolosha iyo mustaqbalka qof kasta, qoys kasta iyo beel kasta oo ka
tirsan Somaliland isla markaana caqabadweyn ku ah horumarkeeda iyo
aqoonsigeeda.
Iyada oo awalba ummadda Somaliland ka rajo dhigtay xukunka Daahir
Riyaale ayaa waxay ku sii quusatay markii uu Xisbiga Udub dhawaan ku
burburiyay kelitalisnimo kana dhigay xisbigii Siyaad Barre ee la
odhanjiray: Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Somaliyeed ka dib markii
uu makasto iyo guulwadayaal ku uruuriyay Hool ku yaal Hoteelka
Mansoor ee Hargeysa kuna magacaabay “Shirweynaha Labaad ee Xisbiga
Udub.” Waxaa Riyaale goobtaas ka jeediyay khudbad la mid ah
khudbadihii macallinkiisa, Siyaad Barre, ee ku dhisnaa
munaafaqnimada iyo beenta ka arradan xishoodka iyo damiirka
wanaagsan. Shirweyne ku sheegan waxaa loo diiday intii damiirka
lahayd ee ka damqanaysa dhibaatada uu Maamulka Riyaale ku hayo dadka
iyo dalka kana soo horjeeda kelitalisnimada uu ku dhaqmayo.
Ilaahay waxa uu Quraankiisa ku yidhi, “Qoom aan iyagu dhibaato
isu-keenin Ilaahay uma keeno.” Dhibaatada uu maanta Riyaale iyo
maamulkiisu ku hayo ummadda malaha waa ciqaab uu Eebbe ku ciqaabayo
ummadda doorashadii ay Riyaale u dooratay madaxweynaha sannadkii
2003 iyada oo ogayd inuu ka qaybgalay dhibaatooyinkii cuslaa ee
dalka ka dhacay sannadihii u dhaxeeyay 1986-1990 dabadeedna ay
dhabarka u jeedisay halyeeyadii ka badbaadiyay halistii weyneyd ee
soo food-saartay jiritaankeeda.
Ummaddu waa inaanay marnaba aqbalin in doorashada madaxweynaha dib
loo dhigo. Waa in doorashada la qabtaa xilliga loo qorsheeyay oo ah
29ka March, 2009 waana in si wadajir ah cod loogu rido Daahir
Riyaale. Haddiii ay dhacdo in doorashada madaxweynaha si sharcidarro
ah dib loogu dhigo (Sidii ay Guurtidu hore u samaysay laba jeer una
horseeday dhibaatada maanta taagan) ama Riyaale iyo kooxdiisu
abuuraan xaalad khalkhal siyaasadeed, nabadgelyo xumo iyo dagaal si
doorashadu dib ugu dhacdo ama doorashada inta la qabto ay Riyaale
iyo kooxdiisu boobaan natiijada waa in markaas xoog lagu rido (KACDOON)
si looga badbaado halis ka weyn ta maanta taagan oo uu Maamulka
Riyaale gayeysiiyo ummadda iyo qaranimada Somaliland. Axsaabta
Mucaaradka ah, Xoogagga Is-bedeldoonka ah, Golayaasha Qaranka,
Dhallinyarada iyo Ciidamada (Xoog iyo Boliisba) waa inay si wadajir
ah iskaga kaashadaan badbaadinta dadka, dalka iyo qaranimada
Somaliland.
Waa in xaaladahan loo sii diyaargaroobaa loona sii tabaabulshaystaa
inta aanay dhicin si looga guulaysto. Kelitalisnimadu waa dullinimo,
dib-u-dhac iyo halis markaas lama sii daawankaro nabadgelyo-jacayl
aan sii jiridoonin awgeed maadama kelitalisnimada laga dhaxlo
nabadgelyo xumo iyo burbur. Ina Yusuf teg, Cadde Muuse teg,
Riyaalana waa inuu tagaa. Guul Somaliland.
Ibrahim Hassan Gagale
Ibrahim_hg@yahoo.com
February 5, 2009
|