Kastammada Cashuuraha Ee Kalabaydh Iyo Wajaale Oo Dakhliga Ay Qabtaan Kor U Kacay

 


Hargeysa (TNN)-Kastamada Wasaarada Maaliyada ee cashuuraha qaadka Kallabeydh iyo Tog-Wajaa le ayaa markii u horaysay,dakhligoodu kor uaga kacey intii hore tobanlaabkeed dakhliga ka soo  xero oda cashuuraha jaadka oo u dhiganta boqlkiiba afaratan.

Sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah howlwadeenada iyo masuuliyiinta kahowlagala Kastamada  Kalabey dh iyo Tog-Wajaale ee cashuuraha qaadka ,oo ka cudurdaartey in la xuso magacyadooda ayaa  shee gay in uu kor ukacay dakhliga cashuuraha ee soo gala kastamadaasi toban laab marka loo eego intoo kasoo xeroon jirtey awal hore xiligii Xukuumadii hore taas, oo maalin walba ay jirto kor-ukac tirada  g uud ee dakhliga ah, taas u dhiganta boqolkiiba afartan. Waxa kale oo ay xuseen, in ay kor ukacani  ya hey kii ugu badnaa ee noociisa ah oo dakhliga cashuuruhu kor ukaco xadi intaa leeg waxaanay, sheeg een in guud ahaanba si isku mid ah loo cashuuro ,wixii badeecooyin qaad ah ee soo mara  Kasatamad an.

Sidoo kale qaar kamid ah Shaqaalaha Baanka Gabiley, ayaa iyaguna sheegay kor ukaca dakhliga  kast amka Kalabeydh iyo Tog-Wajaale ee Wasaarada Maaliayadu ku cashuurto qaadadka ka yimaada  dalk a Itoobiya “Waxaanu kayaabnay fara badnaanta dakhliga Wasaarada Maaliyada uga soo xerooda  xil igan Kastamka qaadka Kallabeydh iyo Tog-Wajaale, oo kabadan toban jeer intii aanu ka xerayn jirnay awal hore, waxaana Kalabeydh oo kale dakhligeedu hada gaadhaa laba boqol oo milyan iyo  dheera ad”Sidaa waxa yidhi mid kamid ah Shaqaalaha Baanka Gabilay oo ka cudurdaatay in magaciisa la xuso.
Guud ahaanba shaqaalaha iyo masuuliyiinta Kasatmka Kallabeydh ayaa, siwayn uga foojigan in ay wax madmadow ahi kyimaado ,howsha cashuuraha Wasaarada Maaliyada gaar ahaan, cashuuraha qaadka oo inta badan lagu jeegareeyo Kastamka Abaarso, oo ay sii maraan laguna baadho qaadadka lagu cashuuro Kastamka Kallabeydh iyo khudaarta ka timaada dhinaca Itoobiya , oo inta badan lagu cashuuro Katamka Wasaarada Maaliyadu ku leedahey Tog-Wajaale oo kuyaala kadinka xuduuda labada dal.


Source: Hargaysastar