Kansarka
Mindhicirada

Ugu
horeyn inta aanaynu u gonda degin mawduuceenan waxaan door biday
inaynu bal horta isla fahano waxa uu yahay Kansarku iyo halka uu
salka kuhayo sharax koobana kabixino Wejiyada kala duwan ee uu soo
maro,waxyaalaha dhaliya iyo doorka ay kaciyaaraan Unugyada
Jidhkee nu kasamaysan yahay. intii Ilaahay laga helo.
Kansarku wuxuu kudhici karaa qaybkasta iyo Xubin kasta oo Jidhkeena
kamida,Unug kasta oo Halbowlayaasheenu kasamaysan yihiina wuxuu
takhasus kuyahay waxyaalo gaar ah oo ku kaydsan,oo sheegaya wax
qabadkooda,hab dhaqankooda iyo koriimadoodo,Unugyadaasoo ay
kadhexayso hab war isgaadhsiineed oo ay ku xidhiidhaan ama kuwada
shaqeeyaan,Waxay kaloo xambaarsan yihiin
qaab-dhismeedkeene,hab-dhaqankeena,dabeecadeena iyo weliba dhaxalkii
awoowyaasheen oo ay soo gelayso kumanaan wax oo aanaynaan hadeer
halkan kusoo koobi karin, hadii uu markaa meesha kabaxo hidihii uu
xambaarsanaa unugaasi ama xidhiidhkii udhexeeyey Unugyadu qabsoomi
waayo waxaa markaa aan sidii loogu tala galay u qabsoomayn Shaqadii
loo igmadey unugaa s,taasoo markaa kalifta in koriimadii Unugu
noqoto mid aan xad lahayn oo khal-khal kuyimaado majaruhuna
kahabaabo
Inta Unug isu bedelayo Kansar waxay badiyaa qaadataa Sanado,waxase
jirta in mar walba unugyo kamida jidhkeenu yeeshaan qaab-dhismeedkaa
aan dhamays tirnayn ee gabay shaqadoodii inaga oo aan dareemin,
nasiib wanaag waxa inta badan ogaada Imunesystem-keena oo ah Taliska
guud ee dusha ka ilaaliya Unugyada kamarin habaabay wixii shaqadoodu
ahayd kanadhiga mid aan khatar geysan iyagoo baabi'ina
ya,hadiise Imunesystemkeenu awoodi waayo inuu dilo unugaa ridoobey
waxa meesha imanaysa inuu Unugaas oo kaashanaya qaar kale oo
noociisa ahi isu rogaan waxa loo yaqaano Kansarka.
Hadaba inuu Unug ama Unugyo kamida qaab-dhismeedka Jidhkeenu gabo
wixii markii hore shaqadiisu ahayd ama uu xafido wixii ku kaydsanaa
sidoodiina u dhaqan geliyo waxaa keeni kara waxyaabo badan oo
saama yn dibadeed iyo mid gudeedba kadhalan kara,hadaynu qaar kamida
halk an kusoo qaadano waxa kamida
Xidhiidhka wada shaqayneed ee kadhexeeya Unugyada laftooda oo ciladi
soo wajahdo Isticmaalka waxyaalaha hoos ku qoran ee dhalin kara
Kansarka noocyadiisa kala duwan (siiba kan aynu hada kawaramayno)
Gen-defekt jahada kalumisa oo kutimaada Unuga laftiisa Mid aad ka
hido raacdo Awoowyaashaa ama mid kamida Ehelkaaga dhow oo aad kahido
raacdo Xanuunka oo Unugan ku kaydsanaa Muruga kaala soo derista Qof
aad jeclayd (Waalid,Walaal iyo Wehel) oo aad weydo sidaasna Ciladu
kutimaado.
Waxaaynu sidoo kale kasheegi
karaa waxyaalaha dibada kaaga yimaada ee dhalan rogi kara Unugyada
jidhkaaga sida waxyaalaha sii daaya Radio-active-ka
Iskusoo wada duuboo Unugyadan aynu kahadlayno ee dhalan rogma
Kansarkana isu bedelaa waa kuwa curdinka ah ee markaa abuurmay
a,aalaana madhacdo in Unugyada qaan gaadhey majarahabaabaan hadii
aanay ku iman wax kaxoogbatay.

1:
Caloosha
2:
Mindhicirka-weyn (Colon)
3:
Mindhicirka-yar (Jejunum / Ilium)
4:
Dhamaadka-mindhicirka (Rektum)
5:
Qabsinka Appendix vermiformis)
6:
Mindhicirka laba iyo tobanlaha (Duodenum)
Guud ahaan Kansarka waxa loo qaybiyaa laba
nooc oo kala ah:
A: Mid fiican iyo
B: Mid xun
Iyadoo lagu kala saarayo Xubinta unugani kasoo bilaabmay iyo inta ay
le'egtahay dhalan roganka Unuga laftiisa
Kan hore wuxuu ku ekaadaa meesha uu kasoo ifbaxay isaga oo aan u
gudbin Unugyada kale ee kuxeeran waana sidaa sababta loogu bixiyey
mid fiican.maadaama ay fududahay in wax laga qaban karaa.
Nooca labaad (Metastasen) kuma ekaado Unuga uu markii hore ka
bilaabmay oo qudha ee wuxuu markiiba weeraraa unugyada kale ee
kuxeeran burburiyaana,intaasoo qudha kuma ekaado dhibaatadiisuye
wuxuu sitoosa uraacaa Dhiiga oo ah gaadiidka Jidhka isagoo sida ugu
dhaqsaha badan kugaadhe Unugyo kale oo hor leh kuna baahsan qaybaha
kala duwan ee Jidhka kuna abuuraa Unugyo cusub oo hor leh
Cuduka,sidaasaanuu kula baxay Magaca Mid xun.
Noocan dambe aad bay u adagtahay
xakamayntiisa iyo in xal loo helo,maadaama uu kufidayo xawli
sare.ilaa xataa lagaran waayo Xubinta uu asalkiisii hore kasoo
bilaabmay.Qaliin lagu sameeyaa makeeno badiyaa guul laga soo hooyo
maadaama uu sixawli ah ugu faafayo qaybaha jidhka.Qaabka keliya ee
noocan loo waajahaa in lagula dagaalamo Shucaac lagu gano meelaha uu
saldhigtay iyadoo larajaynayo in lagu dhimo ugu yaraan xawaaraha uu
ku fidayo iyo in sijoogto ah baadhitaano isdaba jooga loogu sameeyo
qaybaha kale ee Jidhka.
Hadii la ogaado inta uu yaryahay Unuga Kansarku ka bilaabmay waxay
horseedi karaa in laga midha dhaliyo daaweyntiisa
Hadii Unuga Kansarku kabilaabmay dhexroorkiisu kaweynaado hal
sentimiter (1cm) waxay u badan tahay inuu mar horeba u gudbey Unugyo
kale oo hor leh marka laga hadlayo Nooca xun (inkasta oo aanay mar
walba sidaa u dhicin oo Tumorada qaarkood si dhaqso ah u dal
balaadhsadaan,halka qaar kalena qunyar socod yihiin).
Hadii la ogaado Xubinta uu
asalkeedii hore kabilaabmay nooca xawliga kufida Metastasen (nooca
xun) waxaa daraasado lasameeyey lagu ogaadey in lagu saadaalin karo
Xubnaha cusub ee uu weerarkiisu kusoo maqan yahay ,boqolkiiba Todoba
ayaa ah noocyada Kansarka xawliga kufid,nasiib darose mar hadii
Cudurku kasoo gudbo Unugii uu kabilowday lana ogaado goor uu ku
habsadey Unugyo hor leh oo noqon kara waax kastoo Jidhka kamida
waxaa adkaanaysa in lasaadaaliyo Organada uu kusoo fool
leeyahay,arintaasoo mugdi gelisa rajadii laga qabey kaguulaysiga
Cudurkan halista ah.
Kansarka Mindhicirka:

Mindhicirka Caafimaadka qaba
Kansarka-mindhicirku wuxuu aad ugu badan yahay Wadamada qaniga ah
iyo kuwa Wershedaha hore uga maray.
Kansarka mindhicirku wuxuu ka soo
baxaa Mindhicirka weyn. Wuxuuna sida qaalibka ah ka billawdaa Buro
yar oo ka soo baxda Mindhicirka oo loo yaqaan polyps. Muddo kaddib,
polyps-ka qaarkii wuxuu isu bedelaa kans ar.
Kansarka-mindhicirku waa kansarka gala Mindhicirka-weyn (colon),
qaybta hoose ee habka-dheefshiidka. Marka lagu daro Kansarka Futada
oo isna gala 6-da halbeeg ee ugu dambeeya ee Mindhicirka waxaa lasku
yidhaahdaa Kansarka-mindhicirka.Badiyaa Tumorada kudhaca Mindhicirka
yari ma badna boqolkiiba sagaashan baa lasheegaa inuu Cudurkani
kudh o co Mindhicirka-weyn halka kan Futada lagu qiyaaso boqolkiiba
Laba. Iskusoo wada xooriyoo qayb kasta oo Mindhicirka ahba wuu ku
dhici kar aa,waxayse ku kala tagan yihiin nooca Xubinta
haleelay inuu yahay mid xun iyo mid fudud.

Sawirka Mindhicir kansar ku dhacay
Calaamadaha lagu garto:
◙Dhiig
lagu arko Saxarada
◙Mindhicirka
oo majiirma
◙Shuban
iyo Calool istaag isu kaa bedela
◙Isbedel
kuyimaada sidii aad u saxaroon jirtey
◙Dibiro
soo noq-noqota
◙Xanuun
ama Xumad
◙Saxarada
oo silama filaana usoo dhaafta qofka
◙Miisaanka
Qofka oo si lama flaana isu dhima
◙Appetite-ka
oo kaa luma,
◙Daal,
◙Wahsi
◙Uur
kujirta oo si ladareemi karo kuu adkaata
Maadaama isbedelka Kansarka-mindhicirku yahay mid soo gur-guurta
waxay sababtaa in badiyaa la ogaado goor dambe,calaamada ugu horaysa
ee lagu gartaana waxay tahay marka Saxarada lagu arko Dhiig.
ps:Adigoo badsada waxyaalaha ay kubadan yihiin Vitamins-ka siiba
Vitamin D iyo Vitamin C waxay wax weyn katartaa kahortaga
Kansarka-indhicirka.
Sida Loo Baadho:
Farsamooyinka lagu daahfuro laguna ogaado Kansarka-mindhicirku waxay
kukala duwan tahay hadba inta ay jirto masaafada uu gogosha dhigtay
Kansarku.Rubuc kamida Cudurku wuxuu sababo aan lagaranayn kudhacaa
15-ka cm ee udambeeya Mindhicirka waxana badiyaa dhakhaatiirtu u
adeegsadaan qalab la'aan iyagoo Fara kutaabasho isticmaalaya (Faraha
ku cadaadinaya qaybta ugu hoosaysa Mindhicirka).
Meelaha ama Gobolada halkaa kasii durugsan waxa lagu hubiyaa
baadhitaanka nooca (Rektoskopie)-ga loo yaqaano.Marka gebi ahaan
Mindhicirka wayn si hufan loo baadhayona waxaa loo adeegsadaa
baadhitaanka loo yaqaano (Koloskopie)-ga (Tuubo afka hore kuwadata
Kamarad iyo Maqas halmar lagu wada samaynayo baadhis iyadoo weliba
meesha laga shakiyo qayb yar oo kamida lasoo jarayo si baadhis
dheeraada oo Labor loogu sameeyo debeda (Biopsie) )
Adeegsiga baadhitaanka (Koloskopie)-ga

Adeegsiga baadhitaanka (Koloskopie)-ga
Sidee looga hortagaa:
◙Cunida Khudradaha iyo midhaha siiba
kuwa Qamadiga iyo wixii dhigooda ah
◙Kaluunka iyo Hilibka Baaleyda (Digaaga)
oo lagu doorsado Hilbaha kale
◙Kawaantoga Cabida Aalkohoolka .
◙In laga dheeraado waxyaalaha dadku u
isticmaal inay kahelaan Energy aan dabiici ahayn
◙Badsiga dhaq-dhaqaaqa Jidhka sida
Isboortiga .
Marxaladihiisa khatarta ah:
Marka uu Kansarka-mindhicirka qaan gaadh noqdo gaadhona Unugyada
kale ee kuxeeran ama Tumorku noqdo mid aad u kobcay ama yahay mid
dhiigbax badan samaynaya waxaa Qofka ku iman kara dhiig la'aan.
Hadii Tumorku aad u weynaado wuxuu sababaa inuu adkeeyo
soobixitaanka Saxarada ama mararka qaarkood isba hortaagaa,taasoo ay
qasab tahay in sida ugu dhaqsaha badan qaliin deg-deg ah qofka loogu
sameeyo.(sida sawirkan hoose kamuuqata)

Mindhicir uu ooday Tumorkii Kansarku
Waxaa dhacda in cadaadiska
koritaanka Tumorku sababo daloolinta Gidaarka Mindhicirka,wixii
Mindhicirka kujireyna kusii daayo Uurkujirta taasoo keenta ama lagu
garto xanuun aad u daran oo si dhaqso ah Qofka ulasoo dersa,intaa
waxaa dheer in marxalada noocan oo kale ahi geyeysiisaa Qofka
kusugnaanshaha halista nololeed meesha ugu saraysa iyo weliba in
fatahaadii Mindhicirka dalooshamay Kansarku uga sii gudbo
Halbowlayaal kale oo hor leh Sida:Sambabada iyo Beerka iyo weliba
isagoo bur-buriye Xubno kale oo muhiimad weyn ugu fadhiya nolosha.
Waxyaalaha laga dayriyey:
◙ Cuntooyinka Duxdu kubadan
tahay kuna yartahay waxayaalaha Dhirta kasoo jeeda
sida:Salaadka,Khudrada iyo Midhaha
◙
Waxyaalaha ladubey,aadka loo moofeeyey(ilaa ay yeesheen dhibco mad-madow)
◙ Cuntooyinka Milixdu kubadan tahay
◙ Cabitaanka Aalkohoolka
◙ Qiijinta Sigaarka
intuba waxay u sii gogol xaadhaan Kansarka-mindhicirka
Wa Allahu Almuwafaq.
Hersi
Osman
Frankfurt am
main/Germany
osam71@hotmail.com |
|