KALFADHIGII
TOBNAAD EE GOLAHA WAKIILADA SOMALIND OO MAANTA FURMAY
Hargeysa (Timacade News)-Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta uu
u furmay kalfadhigii tobnaad ee golaha asi taas oo loo
qaybiyey xubnihii golaha wakiilada ajandaha kalafadhigan .
Golaha wakiilada oo baryahan ku maqnaa fasax kana soo laabteen waxa
ay yeesh een kalfadhigan loogu qaybiyey ajanaha kulankooda ,
sidoo kale waxa uu shaaciyey shirgudoonku in ay inta ay hawsha
dhismuhu ku socoto dhimaha baarlamaanka ay si kumeel gaadh ah ugu
sii qabsan doonaan kalfadhiyadooda xarunta golaha Duqaytida
Somaliland ,
Ajandahan loo qaybiyey xubnayha golaha wakiilada ayaa qodobadii
nuxurkoodu ahaa ee ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa
Xeerarka bankiyada
Biyaha
Macdanta
Caasimada
Dowladaha hoose
Telcomunicationka
Iyo in loo yeedha oo wax la suaalo masuuliyiinta xukuumada
Ajandahan uu gudoo miyuhu u gudbiyey xubnaha golaha wakiilada
ayaa sidoo kale waxaa ku xusnaa Hawl galinta gudiyadi hoosaadyada
golaha wakiilada iyo ansixinta xeeraka ka soo laabtay golaha
duqaytida Somaliland .
Sidoo kale waxay warbixin ka dhagaysan doonaan xubnaha baarlamanku
shirgudo onka golaha oo iyagu qaybinaayey gudi hoosaadyada, sidoo
kale waxaa ahmiyada la saari doono sidii loo ansixin lahaa
masuuliyiinta qaranka kuwaas oo ilaa hadan aan la ansixin.
Sidoo kale waxaa maalinta baritoole ah u amababixidoona magaalda
Adiss Ababa ee xarunta dalak Ethiopia Gudoomiyaha golaha wakiilada
Cabdi Raxmaan Maxamed Cab dilaahi iyo Kuxigeenkiisa Cabdi
Casiis Samaale halkaas oo ay ka heleen marti qaad rasmi ah
Baarlamaanka dalka ethiopia, iyaga oo ay kaga qayb gali doonaan
munaa sibad uu leeyahay barlamaanka faderaalka dalka Ethiopia iyo
waliba sanadguuradii boqol iyo labaad ee asaaskii magaalda Diridawa
oo ah caasimada labaad ee dalka Ethiopia , waxaanay sidoo kale
kulamo la yeelan doonaan shirgudoonka Baarlamanka Ethiopia iyo madax
kale oo ka tirsan dalka Ethiopia.
Source:
Togaherer
|