Kaalintii
Qurba joogu ku lahaayeen Guushii Xisbiga kulmiye iyo Saamiga laga
Filayo in ay ku yeelan doonaan Dhismaha Xukuumada Cusub.

Hargeysa (TNN)-Qurba
jooga Somaliland ayaa Dalka si baaxad leh usoo galay Wakhtiyadii uu
socd ay ololaha Doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo kaalin Muuqata ka
gaystay Taageerada iyo Guus ha uu Maanta Xisbiga kulmiye
gaadhay ama ku Naaloonayo. Qurba jooga Somaliland Waxay kaga Qayb
qaateen Tartankii madaxtinimo ee Xalaashaha ahaa ee Dalka Somaliland
ka dhacay ee maali ntii Taariikhiga ahayd ee 26-june dadka
reer Somaliland codbixinta ugu Dareereen, taasi oo ay Gu ushu
ku Raacday Xisbiga KULMIYE.
Qurba joogu Waxay Gacan taageero oo kala duwan ka gaysteen ol-olihii
xisbiga KULMIYE iyaga oo mid Maaliyadeed oo Laxaad leh mar walba la
garab taagnaa xisbiga KULMIYE Musharixiintiisa, Wax aa kale oo ay si
toos ah uga Qayb qaateen Wacyi galintii iyo Ololaha Doorashada
Somaliland oo Maanta isbeddel usoo hooyay Shacabka Somaliland.
Xisbiga Talladda Dalka ku guulaystay ee KULMIYE oo Xubnaha
Aqoonyanadda ah iyo Qurbajooga S omaliland ku badanyihiin,
dhinac walbana ka taageera.hadaba ma La filayaa inay ka Qayb qaataan
qurba joogu Xukuumada Cusub ee Dhawaan Soo dhisi doono Madaxwayne
Axmed Maxamed Maxa muud (Siilaanyo), isaga oo Mr siilaanyo
marar badan Balan Qaaday kuna cel celiyay inuu Soo dhisi doono
Xukuumada Tirro yar oo Tayo leh.
Dadka siyaasada Falanqeeyay ayaa tilmaama in Madaxwaynaha Cusubi uu
Taladda Dalka ka qayb g alin doono Aqoonyanada Dalka dibadiisa wax
ku soo bartay,kuwaasi oo Khibraddo iyo Aqoon fiican ba u leh
Hanaanka Dawladnimo,taasi oo hadii ay suuro gasho Dalka wax wayn ka
badali doona, ka na midha dhalin karta isbeddelkii ay Dadka reer
Somaliland ugu codeeyeen xisbiga KULMIYE.
Dhinaca kale Xisbiga Talada dalka ku guulaystay ee KULMIYE ayaa Soo
bandhigay buug ay ka sam eeyeen barnaamijkooda siyaasadeed ee
ay dalka ku hagi doonaan shanta sanno ee soo socda,iyo Waxa ay u
Qaban doonaan Dalka iyo Dadka Reer Somaliland, Dadkuna kula
xisaabtami doonaan W axa uu ka fuliyo iyo Waxa aanu ka fulin,
Xisbiga KULMIYE, waxaa ku jira Xubno badan oo Xilal kala duwan ka
soo Qabtay Xukuumadii hore ee madaxwayne Rayaale ee Dalka ka
talinaysay sanadihii u danbeeyay, xubnahaasi oo isugu jira Qaar
iskood isku casilay iyo Qaar xilka laga qaaday ka dibna k u
soo biiray Xisbiga kulmiye, Dad waynaha Reer Somaliland ayaa si wayn
uga Dhursugaya Xukuu mada Cusub ee la filayo in uu dhawaan soo
dhiso madaxwayne siilaanyo in uu Taladda Dalka ka qa yb galin
doono Xubnahaasi ka midka ahaa xukuumada madaxwayne rayaale hore uga
talin jiray a ma ka mid ka ahaa xisbigii laga guulaysatay ee
UDUB.
Dadka Reer Somaliland ayaa aad u saluugsanaa Hab dhaqankii iyo
Waxqabadkii qaar badan oo ka mid ahaa Wasiiradii Xukuumadii
Madaxwayne Rayaale, kuwaasi oo Maanta ku jira Xisbiga kulmiye,
Dadwayne badan ayaa Rajo la,aan ka muujiyay hadii Madaxwaynaha Cusub
wax Xil ah u dhiibo, Xubnihii horena Xilalka uga soo Qabtay
Xukuumadii rayaale, iyada oo si wayn loo Xiisaynayo Jiil Cu
sub oo Nadiif ah, oo aan ku dhex milmin Madmadawga Siyaasada
Africanka, kuwaasi oo badala Jiilkii hore uga Talin jirtay Dalka,
waxaanay Arintaasi soo noolaynaysaa, ididiilo badana Galinayaa, ka
qa yb galka dhalinyarada ee Taladda dalka, iyo Qiimihii Siyaasiga
Reer somaliland lahaa oo Aduunku ku soo hirto, lagana Dhaxlo
Waxqadka wanaagsan ee ay kaga Tagaan Dalka iyo Dadka reer
somalil and.
Qurba jooga somaliland waxa uu isugu jiraa in Dalka wax u soo
baratay oo ka nadiif qabyaaladda i yo Caadifada laga Dhaxlay
Dagaaladii sokeeye ee Dalka somaliland ka dhacay oo fahmaysa Waxa
maanta ay ubaahantahay somaliland, iyo in ka dhacsan Nolosha iyo
isbeddelka dalku galay, sidaa awgeed Inta Aqoonta iyo Waayo
aragnimadda lagu tuhmayo ee Jaamacadaha Dalalka hore u mar ay
wax ku soo baratay, waxaa Haboon in taladda Dalka laga qayb galiyo,
si ay tusaale ugu noqda an Siyaasiyiintii hore ee somaliland,
Dariiq wanaagsana u jeexaan Siyaasadda iyo Dhismaha Qaranimadda
Somaliland.
Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Timacadde News Network (TNN)
Hargeisa/somaliland
mccfuture@hotmail.com
|