Ka-qaybgalka Dawladda
cusub ee Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo shuruud lagu xidhay

Hargeysa (TNN)-Xoghayaha guud ee
Xisbiga talada la wareegaya ee KULMIYE Mr. Keys e Xasan Cige, ayaa
ka warbixiyay kulamo ay yeesheen hoggaanka sare ee Xisbiga KULM IYE
iyo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, isla markaana wuxuu
sheegay in Mada xweyne Siilaanyo aqbalay soo-jeedintii Guddida ee
qaab-dhismeedka Dawladda.
Mr. Keyse Xasan Cige oo xalay Khadka Telefoonka ugu waramay
Wargeyska Ogaal, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay
saami-qaybsiga Beelaha Somaliland iyo tirada xilalka Wasaaradaha ee
loo jeediyay Madaxweynaha, damaca siyaasadeed ee ho ggaanka Xisbiga
ka haya in ay Dawladda cusub ka mid noqdaan iyo kulamo ay
hoggaan ka Xisbigu ka lahaayeen arrintaas.
Ugu horrayn, Mr. Keyse oo aanu wax ka waydiinay jiritaanka warka
tibaaxaya in Madax weynaha la doortay uu hoggaanka Xisbigooda ku
wargeliyay in aanu ku darayn Dawlad da cusub, ayaa wuxuu ku
jawaabay oo uu yidhi, “Horta, wax War ah oo cad oo ku saab san
in Hoggaanku uu ku hadhayo Xisbiga oo ay isla gaadheen Xisbiga
hoggaankiisu ma jiro, oo dee hoggaanku go’aan buu gaadhi lahaa oo
wuxuu odhan lahaa hoggaanku ha hadho, balse wax go’aan ah oo ilaa
hadda laga gaadhay ma jiro.
Hase yeeshee, kollayba wuu
jirayaa dareenka ah in aan Xisbiga marnaba madhnaanin o o aanu
cidla noqonaynayn. Qof kastaana aragtidiisa ayuu qabaa. Gole Wasiir
oo la soo saaray oo aad ka dhex arki karto cidda ku jirtaana ma
jirto ilaa hadda. Markaa waa saa daal iyo male-awaal uun. Hase
ahaatee, arrintaasi waa arrin laga doodayo oo ilaa hadd a hoggaanka
Xisbigu ka wada hadlayo oo aan laysla meel dhigin.
Mar la waydiiyay sababta keentay in laga doodo arrintan ay
macnaheedu tahay in mas uuliyiinta u sarraysa Xisbiga KULMIYE ay
dhammaantood qabaan damac siyaasadeed oo la xidhiidha inay ka mid
noqdaan Xukuumadda cusub ee la dhisayo, ayaa wuxuu ku jaw aabay oo
uu yidhi, “Dabcan, bani’aadamku kollayba way leeyihiin aragtidiisa,
damaciisa iyo hiigsigiisa, waana wax qof walba u gaar ah. waxase
iyana jirta arrintii guud ee Xisbi nimadii, taladii guud iyo
hoggaankii guud ayaa jira. Markaa in laga wada hadlo sidee ay aa wax
loo maarayn karaa, meeshay ku jirtaa. Laakiin, qof kastaa damac waa
leeyah ay.”
Sidoo kale, mar aanu waydiinay in ay jiraan kulamo ay arrintan ka
yeesheen shalay iyo waxyaabaha gaar ahaan lagaga hadlay, ayaa wuxuu
ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta, siyaasadda KULMIYE lagu yaqaanaa
waxa weeye in uu wax dhegaysto oo qof waliba wu xuu doono
odhan karo, waxyaabaha aanu Xisbiyada kale kaga duwanahayna waxa wee
ye in lays dhegaysto oo xor la yahay. Sidaa daraadeed, ilaa hadda
waxaanu aaminsana hay in uu dhegaysigii meesha ku jiro, waanaga u
bandhignay Umadda nooca dawladdu n oqonayso iyo 100-ka maalmood ee u
horreeya waxa la qabanayo.
Tan lafteeda Madaxweynuhu wuxuu
yidhi, waxa wanaagsan in aynu meel walba wax ka eegno oo aynu
Aqoonta iyo Bulshadaba eegno, maadaama aynu ballan-qaadyo samay nay
oo ay Barnaamijkeenii ku jirtay inaynu isbedel samayno, maaha in wax
walba lagu degdego ee waa in dhinac walba laga eego oo marka u
dambaysa wax nadiif ahi yimaad aan.” Waxaanu intaa sii
raaciyay oo uu yidhi, “Dabcan waa in aanu dadweynaha aragti yo
badan ka helno oo aanu aragtiyo badan eegno, waa in hoggaanka
laftiisu fikrado badan keeno; haddii aynu galno Dawladdii Xisbigu
muxuu ku dambaynayaa, haddii aynu Xisbiga ku hadhno, Dawladdu ma
inaga maarantaa. Ileen dadkan hoggaanka ku jiraa w aa ilihii ugu
waynaa ee Xisbigu lahaa ee ama hayay talada ama hayay khibradda ama
x ogta. Markaa dawladda cusub markay timaaddo, ninka cusub ee aan
Xisbiga hore ugu jirin ama aan hoggaanka ka jirin siduu u
shaqaynayaa. Sidaa darteed, mar walba waxa laga hadlayaa wax-toosin
ee yaan loo arkin khilaaf, ma jiro khilaaf.” Hase yeeshee, mar kale
oo aanu sii waydiinay in shalay kulan ay arrintan ka yeesheen, ayaa
wuxuu ku jaw aabay oo uu yidhi, “Dhawr jeer ayaanu, maantana (shalay)
waanu kulanay, laakiin, wax laysla meel dhigay ma jirto, waxaan
ahayn dooddaas guud.”
Mar uu ka jawaabayay Xoghayaha guud su’aal nuxurkeedu ahaa in haddii
talooyinka badan ee ay urursanayaan ama natiijada kulamadani ay
shuruud yihiin, isla markaana ay noqdaan in hoggaanka Xisbiga
KULMIYE aanu ka qayb-geli karin dawladda cusub ay damacaa la
noqonayaan, ayaa wuxuu yidhi Mr. Keyse, “Haddii laysla garto oo
Madaxwe ynaha iyo hoggaanka kale isla gartaan in hoggaanku uu hadho,
waa lagu khasban yah ay, waxay ku xidhan tahay uun aragtida,
jawaabaha iyo isla meel-dhigga hoggaanka.
Sideedabana, wuxuu Dastuurka
Xisbigu qorayaa in marka masuul xil hayaa uu xil kale q abto, wuu
luminayaa xilkaas. Tusaale ahaan, aniga oo Xoghayaha guud ah markaan
W asiir noqdo, waan luminayaa xilkii hore ee Xoghayenimo ee aan
hayay. Mid walbana waa sidaa, maahana wax laga murmayo. Hase yeeshee,
waxa meesha ku jira qodobka ah, w aar sidee baynu u bad baadinayaa
Xisbigii iyo Dawladdiiba, wax khasab la yidhaahdaa ma jiro. Anigu
maanta waan ka tegi karaa xubinimada Xisbiga oo Dastuurkaa ii
ogolaana ya, waanan joogi karaa oo waan ilaalin karaa Xisbiga.
Laakiin, waxa weeye sidee ayay nu xisbiga u badbaadin karnaa, ileen
labadii dhinacba waa laynooga baahan yahaye.”
Xoghayaha guud waxaanu waydiinay shakhsiyan maadaama uu ka mid yahay
hoggaan ka arrintani saamaynayso midka uu door-bidayo in uu xil ka
qabto Xukuumadda cusub iyo in uu sii ahaado Xoghayaha guud ee
Xisbigaas. “Qof waliba horta isaga ayay gaar u tahay oo waa u shaqsi,
hase yeeshee, waxay ku xidhan tahay hadba qofku meesha uu ku waxtar
badan yahay iyo kaalinta ugu wayn halka uu ka qaadanayo, ma dhinaca
Xisb iga, mise dhinaca Xukuumadda. Taasina, waxay ku xidhan tahay
dawladda imanaysa Xi lka ka bannaanaanayaa ma yahay mid aad ka soo
bixi karto oo iyana qodob kale ah, ileen xil walba kama bixi kartide.
Adigoo Suxufi ah, haddii lagu yidhaahdo Hawlaha guud baa bannaan,
maxay qiimo kuu leedahay? Markaa waa inaad joogtaa ka aad wax ka tar
ayso. Sidaa darteed, anigu ilaa iyo hadda waxaan ku jiraa uun
dooddaas oo talo-wadaa ggaas ayaan ka mid ahay oo wali go’aan maan
gaadhin.”
Mr. Keyse waxyaabaha kale ee aanu waydiinay halka ay ku dambaysay
soo-jeedintii Guddida ka talo-bixinta qaab-dhismeedka Dawladda ee
tirada iyo habka Xukuumadda cusub iyo in Madaxweynaha la doortay
aqbalay soo-jeedintaas, mar uu arrintaa ka jawaabayayna wuxuu yidhi,
“…imika tiradii Wasiirada waa la yareeyay, tallaabada labaad waxay
noqonaysaa in tiradaa yari ay noqoto kuwo tayo leh oo iyana u baahan
in loo hawl-galo, markaa Xisbigii sidii uu u ballan-qaaday
siyaasaddiisa wuu ku socdaa. Midda kale, waxa jira duruufo badan oo
markaad wax go’aamiso way jirayaan duruufo badan oo kaa hor imanaya.
Somaliland waad ogtahay oo Beelo faro-badan ayay leeda hay, mararka
qaarkood waxa jira duruufo aanad ogolaateen oo mararka qaarkood kugu
khasbaya in aad yeesho adigoo meelo badan wax ka eegaya, adigoo
eegaya rabitaankii Beesha iyo tii dadweynaha. Markaa awoodda waxa
leh Madaxweynaha oo sharcigaa siinaya, laakiin, soo-jeedintii ay
guddidu soo jeediyeen waa la fuliyay. Balse, wixii intaa ka baxsan
ee uu ka gudbayo ama tirade haddii uu kordhinayo waxay ku xidhan
tahay Madaxweynaha oo inta uu doono ayuu ka dhigan karaa oo wuu
kordhin karaa, awoodna wuu u leeyahay, isaga oo eegaya duruufaha ku
gedaaman.”
Su’aal nuxurkeedu ahaa in uu Xoghaye guud ahaan qabo in tirada loo
jeediyay Madaxw eynaha ee Wasaaradaha iyo saami-qaybsiga
Beelaha dalku is-iman karaan, ayaa wuxuu kaga jawaabay oo uu yidhi,
“Markaad dhinac ka eegto haa, waayo qasab maaha in Beeli wada
qaadato saddex ama afar, haddii la yidhaahdo Beel walibay labadaada
ama xabba ddaada qaado, way ku filan tahay oo waa la farsamayn karaa.
Ileen mar wax la eegay aa qodobkii, marna waxa la eegayaa Beeshii ee
waa in lays waafajiyaa. Haddii aan idha ahdo Beel waliba afar (Wasiir)
ayay doonaysaa, ma suurtoobayso, ma qaadayso.
Laakiin, haddii aan idhaahdo Beel
walayba mid qaado oo ay ku qanacdo, way le’egaana ysaa. Waxaanay ku
xidhan tahay hadba ogolaanshaha iyo rabitaanka. Markaa waxyaab aha
badan ee aad tixgelinayso ee meesha ku jira weeye.”
Gebogebadii, waxaanu waydiinaya Xoghayaha guud in ay jiraan kulamo
dambe oo ay u ballan-san yihiin hoggaanka KULMIYE, waxaanu kaga
jawaabay oo uu yidhi, “Ilaa hadda umaanu ballamin wakhti kale,
laakiin wuu socdaa dee ileen xilligii xilka lala kala wareeg
ayay waa 27-ka Bisha, balse, waa la wada hadlayaa oo wada-hadalku
waa furan yah ay.”
Source:Ogaal
|