Jug-soo-Dhacay Wuxuu
Garaacayaa Durbaan Dagaal Wuxuu na Ku Hawlan yahay Diro Diraalayn Iyo
Colaad Hurin Loo Adeegsaday

Jug-soo-dhacay, waa Awr-Kiraale aan khibrad Siyaasadeed iyo
mid dhaqan toonna lahayn oo xishood iyo xurmaba ka guurtey, waana
camel dibeda laga soo waaridey, si loogu adeegto, looguna fushado,
inuu dagaal iyo cada awad sokeeye oo hor leh, ka dhex-rido beelaha
Togdheer iyo Sanaag ee Walaaha ah.
Waajibka indho la’aanta ah ee la siiyey, waxay tahay, inuu indhaha
umma dda ka jeediyo Xisbigiisa jarka ka sii laalaada iyo inuu sun
isugu dhiibo, isk ana horkeeno Bulsho weynta walaalaha ah, isagoo
fulinaaya siyaasadda Xisbigiisa ee ah qaybi oo xukun (Divide
and Rule) taasoo ah Siyaasadda gabowdey oo gabalkeed dhacay,
laga ilbaxay oo laga koray, inaan dib dan be laysku khuukhin Karin
oo aan magacyo loo kala yeeli Karin Dadka isku danta iyo isku
deegaanka ah ee ilaahay is-baday, meelna ku wada abuu ray,
iyagoo cid kastaba iska xiga aan siyaasad lagu kala kaxayn karo,
adiga iyo kuwa dabada kaa shuqaynayaa, toonna, iskama horkeeni
karaan ee iska naso.
Jug-soo-dhacay, isagoo aan weli loxos
go’ayn, kunna negaan kursigii sida sharci darrada ah loogu
fadhiisiyey, ayuu muujiyey inuu yahay Nin Yes Man ah oo wax-qabadkiisa
loo yeedhiyo, maadaama uu yahay Nin aan taariikhda Dalka waxba kala
socon oo muddo dheer deggenaa Jabuuti
iyo Baariis,
Baarna ku lahaa (halkii Aar ka kacay
Atoor fadhiisey).
Jug-soo-dhacay, hab-dhaqankaaga iyo asluubtaada toosi, kana
waantow (Adeer) colaadda aad hurineyso iyo suntan laguu soo dhiibey
ee aad kula wareegeyso Dadkii shaley cadowga meel uga soo wada
jeedey ee isku dhufeyska ku wada jirey, laysuna aaneynaayey, waxay
yihiin waayo-arag oo adiga iyo abbaankaa toonna iskuma diri kartaan
ee keen sheeko kale (isku dire dab naareed,
Dadka nabada kala daah ha isku dirin walaalaha).
Axmed Ali (Goodir)
Hargeysa , Somaliland
|