JILIBKA NUUX ISMAACIIL OO KULMIYE KU TAAGEERAY $10, 000 ISLA MAANTANA GUDOONSIISAY CHEQUE

 

Xaflad lagu muuujinaayo tageerada xisbiga kulmiye ee Jilibka Nuux Ismaaciil ee Beesha Sacad muuse ayaa maanta ka dhacday barxada hore ee huteelka Crown ooh ore loo odhan jiray Huteel Araweelo kadib markii ciidanka Police ka hor joogsadeen in xafladaasi lagu qabto gudah Huteelkaasi .

Xaflada taageerda loogu muujinaaye xisbiga kulmiye ayaa waxaa ka qayb galay dadwayne badan oo ka tirsan jilibkaas oo isug jira aqooyahan iyo dhalinyaro iyo dumarka jilkaas Nuux Ismaaciil ee beesha Sacad Muuse taas oo ay kala qayb qaateen xafladaad dadwayne kale oo hore uga tirsanan jiray xisbigaas kulmiye iyo waliba madaxda iyo masuuliyiinta xisbiga kulmiye oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyha xisbiga kulmiye muj Ahmed Mohamed Silaanyo .
Xafladaad oo ay dadkii ka soo qayb galy ay ku muujiyeen tageerada ay u hayan xisbiga kulmiye iyo wali waxa kale oo ay ku muujiyeen in ay ka xunyihiin sida ay dawladu ugu diiday in ay shirkooda ku qabsadaan huteelkaasi .

Gudoomiyaha Jilibka Nuux Ismaaciil Ahmed Xaaji Nur ayaa hadal uu ka jeediye xafladaasi ku sheegay tageerada uu jilibkiisu u hayo iyo wali ka beel ahan taas oo ay goansadeen in ay si buuxda ay taageraan xisbiga kulmiye, waxaan hadalisi ka mid ah “ waa kaasoo waar aragtaaan oo dalkii wax uu ka qabtay ma jirto waxa yaalaha dhaliilaha ee ay leedahay na waad wada ogtihin oo wax aynu maanta dib ugu noqonayo ma jirto wa wax aynu wada ognahay oo horteena yaala dawladeenana waxaynu ka doonaynaa waa cadaalada waa cadaalad waa cadaalad dadwaynaw maxaynu ka doonaynaa ……. Idinmaan maqale maxaynu ka doonaynaa cadaalad …… cadaalad……. Cadaalad wax kale oo aynu ka doonaynaa ma jirto cadaalada hadii la waayono nabad gelyada waa la waayaayaa” kuwaasi waxay ahaayeen hadalii gudoomiyaha jilibka Nuux Ismaciil ee Beesha Sacad Muuse .

Waxaanuu kale oo uuu gudoomiye Ahmed X.Nuur ku gudoonsiiyey masuuliyiinta xisbigaasi $10,000 (tobankun oo dollar) taas oo uu sheegay in ay ka jilib ahaan ugu deeqeen xisbiga kulmiye , waxaanuu yidhi gudoomiyuhu
“ xisbigu waxa uu u bahan yahay tageero hadalka oo kaliyna uma baahnee taageeroba waa u bahan yahay iyo wax tar waxaa loo bahan yahay in xisbiga dhaqaale lagu taageero oo waad ogtihiin waxa la inagula dagaalamayo waa dhaqaale ciidaa ka badan oo meelo badan ka yimid waa lacagteenii inana xoogaga aynu haysano waxaa inagu waajib ah in aynu ku taageeno xisbiga ta la inaga doonayaa waa taas taa horta ha lagu dadaadl , Check gan waa jeeg dadka Nuux Ismaaciil ee rag iyo dumarba ah ee xisbiga kulmiye ku jiga ayaa ku deeqay waxaan u dhiibayaa oo aan gudoonsiinayaa Maxamed abdi Iskeerse Xoghayaha dhaqalada ee xisbiga kulmiye “

xoghayaha dhaqaalaha ee xisbiga kulmiye Maxamed Abdi Aadan (Iskeerse) ayaa ka gudoomay lacagtaasi deeqda ah isla goobtaasna kaga qaday jeega ay ku qornayd lacgtaasi waxaanuu bixinta deeqdaa lacageed taas oo uu sheegay in ay tahay beeshii ugu horaysay ee taageeda iyo tabarucadkii ay xisbiga ugu talagaleen goobkaliya ku wada bixisa waxaanuu yidhi “ reerka meesha lagu soo dhawaynaya waxa ay ka mid yihiin reerihii ama aasay Haragaysa waxayna ka mid yihiin xuduntii hargaysa maanta ayaa la leeyahay ma hadli kartaan oo waxba kama noqon kartaan oo shir kuma qabsan kartaan Hargaysa hadaba waad aragtaan oo intaas ayaa idiinku filan Kulmiya waa xisbi shacbiya waa xisbi ku shaqeeya taageerada iyo tabaruca ay siyaan tageerayaashiisu waxaanu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa oo karii u horaysay na soo gadhay beel (Jilib) reer Somaliland ah oo intay xisbigii u timaado tidhaahdna waakan tabarucayagii waa reerkii ugu horeeyey gobonimona waa u dhalasho


Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay dad aad u tiro badan isug jira odayaal iyo siyaasiyiin waxaa ka mid aha siyaasiyiinta meeshasi ka hadashay Dr Gaboobis oo ahaa gudoomiyihii xisbigii la aqoon san waayey eek u biiray xisbiga kulmiye waxaanuu yidhi “ anigu waxaan arkaa in ay dawladan hadhaaga ahi ay noo hiilisay, waxay noogu hiilisay qol xidhan inaynu ku shirno ayay inoo diiday oo dibada ayay inoo soo saartay Geed walba waa qol, Banaan waliba waa qol,markaa guul baan taagan nahay.

 

Waxaan mahad u celinayaa abaabuleyaasha shirkan oo markii albaabka laga xidhay aan kala tagin ee ku dhacay oo dibada iskugu keenaan yeedhay, Waxaanan dhawaan rajaynaynaa inagoo xaafad walba ka nimid aynu meelo ka waaweyn iskugu nimaadno halkan,waxaan idiin sheegayaa oo sharciyadii dalkan lagu tuntay, oo aanay xukuumad sharci ahayni ka dhisnayn wixii ka dambeeya 6-da April , waliba iska 6 April riyaale maaha madaxweyne ee waa gudoomiyaha xisbiga Udub hadii ciidmadu anay u dhaqmid sida la doonayo oo aanay masiibooyinka ka hor tagin waxa ay uu noqonaya ciidamadu xisbiga udub uu hubaysan ” kuwaasi waxay ka mid ahaayeen hadaladii Gaboobse.


Sidoo kale badhsabka gobolka Hargaysa Cali Xasan maxamuud ayaa amar ku bixiyey waraaqona u qaybiyey huteelada waayeyn ee golka Hargaysa taas oo uu amar ku bixiyey in aan lagu qabsan karin habayaraatee xafladaasi.
 

 


Togaherer