Jidka Wadnaha iyo Caruurta Dibadyaalka ah
Cirkay huwadaan oo dhulkay gog,ladaan waana sidii cali qaawane
miidhan wa xaanay nolosha kala kulmeen waayo iyo duruufo
dibada ugu saaray tub ta toosan iyo nolosha dhabta ahba.
Iyaga isu saaxiib ah,oo noloshoodu isbartay,isuna keentay,xabagta la
jiido iyo caagadaha ay ku shubtaana waa la saaxiib,qaar ka tirsan
xayawaanka magaa lo joogta ah sida danyeerkana waa la saaxiib
oo dadkay ka wehesha daan iya guna dadka kale way ka
jecel yihiin,weliba caasha daanyeero oo k ale,mararka qaarna
waxay siiyaan xabagta ay cabaan markaasay u sirkhaa ntaa
sidooda oo kale.
Dawdar,darbijiif,ciyaalasuuq,xabaglayaal,dibadyaal iyo naftood
nacayaal ayey na kula baxeen nolosha ay ku jiraan.nolosha
dibadyaalka ah iyo dib jirnimadu na siday inoola yaabka
badan tahay ulama ah,siday u dhadhamiyeena waxaad mooda iyagu in ay
tani ka jecel yihiin nolosha dhabta ah.
Halkay magaalada ka degan yihiin ee ay isku uruursadeen kooxdan
caruurta ah ee dibadyaalka ahi,ayaa runtii ah meel shaaric ah,
dareeno kale duwana ku be eri karta shacabka socdaalka ku jira
ee maraya jidka wadnaha ee ma gaalada ugu shaqada
badan.(gar,gaar area near sheikh bashiir school).ma rkaad u
fiir sato sida ay yihiin caruurtani darbijiifka ahi,mar wad naxaysaa
oo waxaad ka murugooneysaa sida noloshu ugu adag tahay ee ay
rafaadka iyo dhibaatada ugu jiraan.waxase taasi ka sii daran sida
aanay cidi ugu soo jeedin gaar ahaan dadkii iyo dawladii arintooda
wax ka qaban lahayd.
Wakhtiyo badan ayaa waxan arkay iyada oo qaar bulshada ka tirsani
siyaa bo kale duwan uga hadlayaan arinta la xidhiidha caruurta
dibjirta ah magaa lada ka degtay wadada shaarica ah ee jidka
wadnaha ( wadada hor,marta from kh ayriyada ilaa
madaxtooyada).waxaan arkay iyada oo mararka qaar TV-ga laga
waraysanaayo qaarkood oo la weydiinaayo xogo ku saabsan no
losha ay had da ku jiraan iyo waxa sababay in ay sidani ku
qancaan.sido kale waxa in badan ishaydu qabatay oo xitaa qaarkood
aan dhageystay iyada oo dadyow madax banaani ay waraysiyo
duubisi la socoto ka qaadanayaan caruurtaasi dibadya alka
ah,iyaga oo rajo gelinaaya una bandhigaaya qorsh eyaal ay
rabaan in ay wax ugu qaban karaan.laakin waxaan dareemay in dh
aq,dhaqaaqaasi aanu waxba ka bedelin gedisocodka nololeed ee
caruu rt aasi dibjirta ah,in ay sii bataan moyaane,in ay ka soo
yaradaan ama mee sha laga kaxeeyaana ilaa hadda may dhicin.
Baryo,mararka qaar tuuganimo,iyo shaqaysi aan badneyn sida maydhida
b aabuurta ayeyna ku dabaraan nololmaalmeedkooda,laakin lacagta soo
gas ha inteeda badani waxay kaga baxdaa oo ay u qoondeeyaan
xabagta,oo kaga muhiimsan cuntooyinka kale.
La soco----
Abdifataah Mohamed Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com |
|