Jidka Halbawlaha ah ee Caasimada Kala Badha oo la Dhag ax dhigay Qaybtii Labaad Lana sii Wadi Doono ilaa 2KM

 



Waxaa Wada DHagax Dhigay Maayarka Caasimada Hargeisa iyo Xoghayaha Dawlada Hoose.........


Hargeisa (TNN):- Maayarka Caasimada Hargeisa C/raxmaan maxamuud caydiid (Soltelco) iyo Xoghaya Dawlada Hoose ayaa manta Dhagax Dhigay Qaybtii labaad ee jidka halbawlaha u a h Caasimada Hargeisa ee Hor mara Aqalka Madaxtooyada.

Jidka oo Qaybtiisi koowaad la sameeyey 18kii may ayaa Lagu Joojiyey Badhtamaha Suuqa ,B alse Maayarka ayaa manta Dhagax Dhigay jidkaasi oo aad u dheer 2 KM oo ka mid ah jidkan oo laga sii ambo qaado halkii markii hore uu Joogay ee Suuqa loona sii wado Dhanka Bariga Magaalada Hargeisa .

Waxaa ugu horeyn dhagax dhigaasi hadalo kooban ka jeediyey xog hayaha dawlada hoose Mawliid Waris Cabdillaahi ayaa isagu ugu horeyn bulshada reer hargeisa ugu baqaay in wixii cashuuro ah la bixiyo si iyaduna ay wax ugu qabta oo waxa uu sheegay hadii cashuur la bixin waayo in aan waxba la qaban karin.


Sidoo kale maayar hargeisa mr Soltelco oo isaguna hadalo kooban ka yidhi goobtaasi oo uu ku dhagax dhigayey wadadaasi ayaa bulshada kala duwan ee guryaha dhulalka ganacsada iyo meel wal oo cashuur leh la bixiyo cashuurta si wixii lagu qaban karo loogu qabto oo cash uurtu ay tahay ta umada iyo bulshada wax u qaban karta hadii la bixiyo .


Gabogabadii waxa uu maayarka iyo xog hayaha dawlada hoose ay halkaasi si wada jir ah ugu dhagax dhigeen jidkaasi 2km oo ka mid ah jidkan halbawlaha u ah caasimada hargeisa bilicdeedana wax ka tari karta hadii la sameeyo intaasi.

 



Jimcaale Dayib Aw-cali
Timacade News Desk
Hargeisa ,Somaliland