Jibaadka Xukuumada siilaanyo iyo Jalashada
Hantida qaranka:

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacbiga reer Soamalailand
meelkasta oo ay joo gaan, salaan kadib, mudo hada laga joogo 5sano ka
hor intii aanu kulmiye talada dalka qab an madaxwaynaha hada xukunka
haya ee Mudane Siilaanyo waxaa caado u ahayd ina uu ku eedeeyo madax
waynihii xiligaa Mudane Daahir Rayaale hanti boob qaran waxa uu
Mad axwayne Siilaanyo aad uga guban jiray shacbigana ku guubaabin
jiray inay meel uga soo wada jeestaa hantida ay leeyihiin ee
xukuumada Riyaale boobayso sida arxan darada ah. waxaanu ballan ka
qaaday shacbiga hadii ay doortaan inuu hantidaa u ilaalin doono una
xafidi doono Qaranka Somaliland.
Hadaba Akhriste 5sano iyo bilo ayaa laga joogaa wakhtigi shacbi
waynaha Somaliland ay si kalsoonileh u siiyeen codkooda Madaxwayne
Axmed Maxamed Siilaanyo, hadaba waxaa is waydiinleh Xukuumada hada
joogtaa ma kasasabasho ayay ahayd balan qaayadii tirade badnaa ee ay
kamidka ahayd ilaalinta hantida qaranku. Umad kasta oo meel kunooli
waxay leedahay hanti iyo dhaxal u gaar ah oo ay ku dhaadato kuna
faanto, hantidaa oo ah mid lama taabtaan ah oo biri magaydo ah
jiilnbana uu jiilka kale u gudbiyo. Waxyaabaha Somaliland hatideeda
maguuraanka ah ee taariikhiga ah kamid ahaa Womens Club oo soo jiray
mido dheer haweenka reer Somalilandna ay aad ugu dhaadan jireen oo
marka laga reebo manficiisa ahaa shayga kaliya ee haweenkeena
magacoodu ka muuqdo lana odhan karo waaba meesha kaliya ee ay
leeyihiin haweenka reer Somaliland kuna dhaadan jireen ina magacoodu
ku xardhanyahay. (WOMENS CLUB) waxtarkiisa marka laga yimaado waxay
ahayd tusaale caalamka indhihiisa soo jiita maadaama ay Somaliland
aqoon raadis caalamiya rabto, waxay tusaale u ahayd waxa afka qalaad
loogu yeedho (Women Empowerment) waxay caalamd u ahayd sida ay uga
go’antahay in Somaliland haweenka tixgalin gaara siiso oo mudnaan
teeda leh. Hadaba akhriste maka siisanaa xukuumada hada joogta inay
si hawl yaraana u xaraashto goobaha iyo meelaha taariikhiga ah?
Miyaynu ko ogolaanaa ina lays hambo raaciyo dad iyo duunyo qarankan
curdinka ah ee soo koraya? Miyaynu isha ka eegnaa oo iska dhaafnaa
xukuumadan jibaadaysa inay axan iyo fide ka dhigato hantidii dalkani
lahaa? Suaalaha jawaabtoodu waa mid inoo wada taala akhristoow:
Waxaase iga dardaaarana intaan guriga madaxtooyda la iibin waxkale
ma hadhine shacab ku haka dhiidhiyo xaqdarada. Si ay xeegana xeego ku
noqoto ilkana ku nabad galaan inta doorashada la gaadhaayo oo aan
codkeena ku aarsanayno mawqikeenu ha midays naado qudhunka
qabyaalada ee shacbiga lakala dhexdhigayna halaga digtoonaado.
Hadal badan haamo lagama buuxshee waxaan kusoo koobayaa, dardaaran
kusaabsan gana csatada. Hadii aad tihiin ganacsatadii reer
Somalailand dalkan idinkaa ka hela manaafaca adka ugu badan oo ku
ganacsatada miyaanay dalka lexejeclo idinka hayn miyaydaan damiir
lahayn lacag tiini miyaanay waxba k axishoon. See ayay ugudoo dhici
kartaa muwaadin raq a nka lexejeclo kahaysaa ina uu hungureeyo oo
lacag ka bixiyo hantida dadwaynaha hadii dawladii masuulka ka ahayd
ka xishoon wayday ganacsade dawladani way tagaysaa midka lena way
kadaba iman balse oo amarka ilaahay kasokow codka shacabka ayaa haya
tagide eda iyo joogideeda adigase ganacsade ilaahay xagii mooyee cidi
kaama laha kaamana horj oogta ganacsigaaga xorta ah, waxay ahayd
inaad uga lexejeclo badnaato cidwalba ilaalin ta hantida caamka ah
oo aanad lacagtaada u quudhin meelaha goobaha dawladu xaraash ayso.
Ganacsade wax iskula hadh oo hagalin hantidaada hana ku xalaalaysan
meel qaranku leeyahay shilimadaada.
Wabillaahi tawfiiq
Abdihakin Amud Ahmed
Afhayeenka Xusbiga Waddani ee UK
London, UK
Camuud6@hotmail.com
|