Jawaabta
Xukuumadda Somaliland ka bixisey eedeynta Puntland ee dagaalka
buuralayda Galgala.

dhawrkii todobaad ee u danbeeyay waxa soo baxayay eedeyn maamulka
Puntland ku eedeynayo in Ciidamada Somaliland ay ku lug leeyihiin
dagaalka buuralayda Galgala ku dhexmaray ciidanka Puntla nd
iyo ciidan beeleedka uu hogamiyo Sh.Atom oo ka soo jeeda deegaankaas.
1.Hogaamiyaha dawlad goboleedka
Puntalnd Mr.Faroole iyo Wasiir ka tiran dawladiisu waxay sheeg
een in dagaalkii ka dhacay buuralayda Galgala ciidankoodu cagta
mariyey ciidan beeleedkii Sh.Atom hogaaminayay ee argagixisada ahaa.
2.Waxay sheegeen in firxadkoodii galay
deegaanka Maydh,Xiis,bariga Togdheer,iyo Sool.
3.Waxay sheegeen in askartii dagaalka
ka qaybgeshay ay ku jiraan Payroll-ka ciidanka Somaliland
4.Waxay sheegeen in firxadkii kuu
dhuumanayo magaalada Ceergaabo.
5.Waxay sheegeen magacyo ka mid ah
dadka dagaalka ku jiray.
Jawaabta Xukuumada Somalliand.
Wasiirka gaashaandhigu weerarka Somaliland
lagu soo qaaday jawaabteedii muu bixin wuxuna yidhi :
1 Waxa aad nagu eedeynaysaan ma aha wax
sahlan ee ka fiirsada.
2.Manaan arrag wax firxad ah.
Jawaabta Wasiirka Warfaafinta wuxu yidhi:
1.Argagixisadu waxay nooga timaadaa
xagga Puntland,Wasiirku muu bixin wax Examples iyo sida argagixisadu
uga timaado Puntland,waxay ahay in uu fursada ka faa'iidaysto oo
bixiyo jaawab waafiya.
Maxaa habboonayd in Xukuumadda Somaliland
samayso?
Maadaama Maamul Goboleedka Puntland weerar joogta ah ku hayay
Somaliland dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay kuna eedeysay
Xukuumadda Somaliland inay ku jiraan Payroll-keeda argagixiso,fi
rxadkiina ku jiro dalka gudihiisa.Waxay ahayd in Xukuumadu sheegto
argagixisada iyo budhcadbee dka biyo dhigtay Puntland,
warbixinteedana la yimaadaan, badkana ay soo dhigaan inta arrintu
cusub tahay.
Ma jirto wax argagixiso ka weyn oo sumcada Somaliland wax lagu yeeli
karo, inta aan jawaab ku hab boon laga bixina waa nabar Somaliland
ku yaal.
Eng.Mohamed
Abdillahi
Ottawa.Canada. |
|