JAWAAB
Qormadii Farah Ali Jama: GUUBAABO IYO TALO KU SOCOTA BEELAHA
FAROOMAHA CADOWGA DEGAN

Marka hore waxa aan salaamayaa
inta nabada jecel (nabadu waa shay qaaliya, walaalaha koonfureed
baana tusaale inoogu filan hadaan nabadi jirin). Waxa kale oo aan
salaamayaa shicibka Somaliland ee xalaasha ah, diidayna in lagu
qaybiyo tolaayeey iyo qabyaalad nin kursi doonaayaa durbaankeeda
tumaayo. Waxaase isweydiin mudan marka talo faraha ka baxdo ee dabka
nacaybkee Kulmiye uu shidayaa iftiimo, cida hadhay ee uu xukumi
ayaan la garaneyn (Illaahay tooda kama dhigee).
Waxa kale oo aan salaamayaa Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Booliska
Somaliland oo habeen iyo maalinba heegen ugu jira sidii nabada
Illaahay ina siiyey dadkeenuna garteen faa’iidadeeda ay u illaalin
lahaayeen. Taas oo maanta soo shaac baxday in taageerayaasha Kulmiye
ay dhaliilba ka dhigaan maxaa ciidanka Qaranka xuduudaha Somaliland
illaa imika weli dhigay? Toloow ma in ciidanku Birjeex dhexjoogaan
baa kursi raadiskii Kulmiye taladiisii noqotay maantana?
Hadii aan u dhaadhaco dulufda qormadan oo jawaab u ah qoraal uu
qoray ninka Siilaanyo ku taageera qabiilka ee Farah Ali Jama, dabka
KULMIYE rabo in uu ka huriyo Somaliland dhexdeedana raga ugu
firfircoon ee gaasta la dabajooga ah. Waxaan filayaa in aanu maqal
gabaygii Abwaan Timacade Illaahay ha u naxariistee “Dugsi Malaha
Qabyaaladi Waxay Dumiso Mooyaane”. Dhib maaha in aad adeerkaa
Siilaanyo taageerto si uu u soo baxo doorashada soo socota, waa
hadii sharciga loo jabinayo, waayo waxa uu dhaafay dadii Dastuurka
Somaliland u ogolaa muwaadinku in uu u ordo Kursida ugu muhiimsan
dalka ee hada Mudane Madaxweyne Riyaale ku fadhiyo isaga oo haysta
kalsoonida shicibka Somaliland ee u codeeyey iyo inta nabada jecel
ee diiday dabka Kulmiye. Waliba waxa aan kuu sheegi oo kuugu
bushaarayn in codka ugu badan Somaliland uu noqondoono Hargeysa,
Saxil, Awdal, Salal, iyo Gobolkii aad codkiisa quudhsiga ugu
bedeshay ee doorashadii hore ku soo dhaweeyey waa kee
gobolkaasi waa gobolka Gabiley weeye.
Goboladaasina hadii aad riyo wax kale isu tustay, maanta waa UDUB oo
xisbiga reerka iyo odaygu iska leeyihiin ee Kulmiye codkooda ku
khasaarin maayaan.. Ta aad isleedahay dadka kala qaybi oo xukuna,
Ingiriis iyo reer Yuruba waa u shaqayn weyday aakhirkii MAGAADANA
durbaanka beenta ah mid kaa dhagaysanaysa maaha, oo beelsha aad
NABADOONKA cayda uga dhigaysaa waa beeshii codka aan odaygu bari
oodhan ka helin siisay, maanta se diyaar uma aha in ay codkeeda ku
siiso, reeraha kale ee aad rabto inaad nakala qaybisana MAGAADO
ayaanu isku nahay, dhul aad u balaadhana Illaahay baa nagu wada
beeray, in aan nabadayada iyo nabada beelaha aan Isaaqa ahayn ee
Somaliland naga wada dhaxayso ka wada shaqaynana waanu ku
qasbanahay. Min Berbera illaa Gaashaamo, min Hawd illaa Hargeysa,
min Xiis iyo Meydh illaa Ceerigaabo, min Lawyacado, Jibuuti, illaa
Dila Dusheeda, min Seylac illaa Ceel Sheekh ayaa Illaahay nagu wada
beeray. In aan nabada ka wada shaqayno maaha mid aan
iska baryayno ee waa mid aan ku qasbanahay kuligayo, waana xalka
qudho ee dal lagu dhisi karo.
Burco dabkii ka baxay waaka illaa imika Yaroowe aad ku joogto,
diidayna in aad Red Line ka aad Burco kaga dhexqaado. Qaran baa
Qabiil dhaamee heeshiisiin beelaha walaalaha ah ee Burco wada dega
ka shaqee, intaa aad dhulshishe oo aad codkiisa u baahantahay isku
dayeyso in aad dhib aan jirin ka dhex oogto. Hore ayaa looyidhi “Nin
Cod Doon Ahi Ninka Codkiisa Uurabo Waa Inuu Ka Quudaaye”, baryo
ayaad shicibka Somaliland ku leedahay ee xumaan iyo aflagaado iyo
dirediraale nimo kuma lihid. Midna in yar baan iyada kaga baxayaa;
waa ta aad tidhi Cida Caydhoobi waa Cidiina, miyaad illoowday
burburkii lagu xoreeyey Somaliland dhaqaalaha ugu badan ee ku baxay
Galbeedka Somaliland baa laga lahaa, hadana maanta qaxiibaa dhaqaale
kalifayba is odhan maysid, midaad illoobayse ee aad u baahan tahay
in aad fahanto waxay tahay hantidu waa hibo Illaahay bixiyo, xasadna
laguma waayo. Xoogsade Illaahay ha u naxariistee maanta wuu inaga
hooseeyaa, laakiin hantidiisii dadkiisii baa u hadhay oo maanta ayey
ka badan tahay maalintii Hawd ka loo qaxay, raashinkii ugu horeeyey
ee dadka soo gaadhana ninkii keenay isaga ayuu ahaa Illaahay qabriga
ha u nuuree. Baxsane waa nool yahay Illaahay mahadi ha ka gaadhee
ninkii Masaajidada Somaliland dib u wada dhisay weeye, hantida
badana illaa imika ku bixiya u adeega dadka jilicsan. Ilma Oomaar,
Ibrahim Dheere, Mulac, Fine, Ina Cawad, Ilma Jire Xusseen,
Dhiilgeel, Illma Xawaadle Madar, Marwo Suhuura gabadha qudha ee
Somaliyeed ee Diyaarada loogu magac daray (cidi uma iibine waa
hantideedii) iyo qaar kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobayna
waa noolyihiin. Markaa Illaahay mahadi haka gaadhee af qof xasada
umada loo maqlimaayo, mahadna Illaahay uun baa iska leh.
Hadaba, su’aalahaagii mid mid aan uga jawaaba iyana:
a) Cashuuraha xad dhaafka ah ee Berbera waxaad la simaysaa meesha
Boosaaso la yidhaa ee aan maamul ka jirin, oo inta ninka dekeda
haysta aad gurigiisa ugu tagto waxoogaa yar oo lacaga isaga siiso
markabka dhan aad talaata beysteenka kagala soo degayso? Berberi
Miyaanay ahayn ta KULMIYE iyo taageerayaashiisi xasad daraadeed
Illaa Boosaaso cashuurtooda cadowga Somaliland ugu geyaan? Waa
Cashuurta Askariga iyo Ciidanka Somaliland laga masruufo. Waxaas baa
muwaadinimo layidhaa.
b) Waxaad tidhi “Yaa kelifay, inay ganacsatadiinu sida
bagaashleyaasha, ay u wareegaan Boosaaso?” Waxaan u malaynayaa in
tan aan ka jawaabay, laakiin su’aasha jawaabtaada cida laga sugaaba
waa idinka KULMIYE iyo Taageerayaashiina in aad Cadowga
Majeerteeniya u adeegtaa QARANIMADII KA DOORTAY.
c) Bal u fiirso su’aashaada “Waa maxay sababta kuwa xukunka idiin
haya,” (macnaa maamulka Somaliland oo dhan kama dhaxeeyo miyaa
arinkaagu, maamulka hada jiraana idinka reer Kulmiye idiinma aha
maamul miyaa?) waad sii wadoo waxaa tidhi “waa ay mudada dheer u
hirgelin waayeen ummad mideyn” waxaan filayaa in aad is
yeelyeelayso, maanta maalin ay Somaliland ka midaysan tahay mijirto
oo Min Boorama Illaa Laascaanood dadku waa wada Somaliland iyo UDUB,
“maamul fidin” Mala Garoowe iyo Boosaaso ayaad moodaysay in ay
Somaliland ka mid yihiin? Miyaan 6dii Gobol Ee Somaliland calankii
la sugaayey aanu dushooda sudhneyn? Waxa kale oo aad tidhi “dhul
mideynta Somaliland?” waxba taa ka odhan maayo oo adiga ayaa dhulka
aan mideysneyn noo sheegi halka uu yahay.
d) Waxa kale oo aad tidhi “Waa maxay sababta ay mudada dheer
Ciidamada Qaranku u joogaan jiidaha Bariga Somaliland?” tan iyada
waxa aan kaa odhan “Ninkii Ragii Wuu Garanayaa Sababta Doqona Loo
Sheegimaayo” aniga oo in yar ka isticmaalaya khibradayda
milaterinimo waxa aan kuu sheegi, ciidanka shaqadiisu waa in uu
xuduudaha dalka illaaliyo, halka ay ku haboon tahay in lageeyaana
waa shaqo u taal taliska ciidanka oo qudha ee maaha arin u taal nin
ku raaxaysanaya Canada. Mise nimanka reer Galbeed ee Bariga
Somaliland dadka jooga la walaaloobay, la xididay, la dhaqan galay,
tusayna waxa ay meesha u joogaan in ay tahay danta umada oo kaliya,
bulshadii Bariguna u qireen in ay yihiin ciidan adag oo cadoowkasta
iska caabiyi kara, oo dadkooda reer Somaliland kula dhaqma wanaag
iyo ceeb la’aan.
e) Waxa kale oo aad tidhi “Waa maxay sababta mujtamacyada iyo
gobolada Bariga sida Togdheer, Sanaag, iyo Sool ay weli uuga socotaa
lacagtii Somalia sida Giimbaarta ureysa iyo lacagaha kale sida
Faalsada Majeerteeniya?” Su’aashan malaha dhab kaama aha
weydiinteedu waayo waad ogtahay sababta in ay ka danbeeyeen
ganacsatada taageerta Kulmiye ee Dollar ka umada Somaliland kaga
bedelan jirey Giinbaarta UREYSA ee ay kaga soo qaadi jireen
gawaadhida illamaa Kismaayo. Markaa cida ka masuulka ahi waxa weeye
Siyaasiyiin u dhashay goboladaas iyo ganacsatada ka soo jeeda
goboladaas oo lacagtaas la iska daabacdo dollarka umada kaga bedesha
si ay xaaraanta ugaga taajiraan. Mida kale xiligii Marxuun Cigaal
miyaan la idiinku taagwaayin lacagta hala idinka bedelo?
f) Waxa kale oo aad tidhi “Yaa seyladiisii Xoolaha Nool iyo
Dekediisii Berbera ee ay ka dhoofi jireen laga xidhay?” waxa aad ka
jecleyd baan filayaa markii Yemen lagu dhici jirey xoolaha
Somaliland? Ama lagaga bedelan jirey neefkoodii madaxa madoobaa
buskudka iyo caagadaha madhan? Mise dalka ayaad in badan ka maqnayd
oo xiligaa warkiisa mahaysid?
g) Waxa kale oo aad tidhi “Yaa guud ahaan ganacsigiisii iyo
dhaqaalahiisii la curyaaminaya ka dib, markii inamo yar yar mar
kasta lagu shaabadeeyo ONLF loona dhiibo Xabashiga iyadoo dalka
gudahiisa dembiga ay ka dhex falaan lagu qaadi karo laguna xidhi
karo?” Waxa aan u malaynayaa beryahan maad tegin dalkii, laakiin
shirkadaha ugu waaweyn dalka waxa ka mida dadka sheerarka ku leh
reerka aanu isu abtiga, xididka, xigaalka, ood wadaagta, iwm nahay
ee Ogaadeen. Somaliland na xumaan loogu hayo reerkaas majirto. Kuwa
aad leedahay Itoobiya ayaa loo dhiibay fayl laga soo gudbiyey
Itoobiya oo inaadeerkii Melez u gudbiyey baa Hargeysa Itoobiyaanku
la yimaadaan.. Hadii maamulka lagu tuhunsanaa khaladkaana waa arin
hore Madaxdhaqameedku u dhameeyey, maxaad u soo qodqodaysaa hadii
gaastii aan sheegayey aanad la werwereegeyn?
h) Waxa kale oo aad tidhi “Waa maxay sababta ay xukumadii marxuun
Cigaal iyo xukumadan Riyaale, ay cadaawada uuga dhex abuurayaan
Beelaha Faroomaha ee Hawd/Kilinka Shannaad iyo ONLF iyo isirka ay ka
soo jeedo?” waxaan filayaa markii ay kuu shaqeyn weyday arintii
Galbeedka ee aad hurinaysay, ayaad rabtaa in imikana aad tijaabiso
colaad aad ka dhex abuurto beelaha wada dega hawdka iyo Kilinka
Shanaad? Hortaa jiraba taas ku guuldaraysay, ee Dhaka kale keen.
Labadii qodob ee ugu danbeeyey wax jawaab istaahila mabay ahayn oo
iyaga wakhti iskaga lumin maayo.
Arinta talooyinka aad soo jeedisay bay noqotay; ninka og isaga oo
QARANKA Somaliland la yidhaa in uu lee yahay Ciidan ku filan difaaca
dalka hooyo, ee ka hadlaya in uu abaabulo ciidan beeleedyo la isu
geeyo, miyaan taladaada laga soo qaadi kari Burbur Qaran hadii
kursiga adeero ku fadhiisinayso yeelkeed? Mataladaas baa talo Qaran
lagu dhisi kara ah?
Walaalka dhexda dega ee aad sheegayso waa ka ciidanka uu hogaaminayo
ee xuduudihii Somaliland oo dhan wada gaadhay, difaac uu kaaga
baahan yahay na majirto. Kursi aad ku fuulayso qooqoobid Qaran waa
“BAABACADAAS OO TIMO KA SOO BAXAAN”. Mudane Madaxweyne Riyaalena
Qabiil baad ku diidaysay, beelaha aad ku sheegtay nabadoona waa
Qabiil waxa aad ku diidaysaa. Mid baa lagaa yidhi taas kuuma baahna
iyagu laakiin adigaa iyaga u baahan. Jabuuti bay ku biiri karaan oo
ay horeba u dagan yihiin beelahaa aad sheegtay. Gooni bay isu taagi
karaan beelahaa aad sheegtay. Airport, Deked, Dhul ku filan iyo
dhaqaale ay hore ugu maraan intaba waa haystaan. Maxaa Burco kaa soo
kaxeeyey ee Hargeysa ku keenay, hadii aan baahiyi ku hayn?
Madaxtinimadu waa hibo Illaahay bixiyo, adeerkaana Qarankani waa
diiday, ee dadkaaga dhinaca ka raac hadii dani kuugu jirto. Midna
wax yar baan kaa odhan, inta la istirinayo iyo inta tirada codka
serfarku kala saarayo sug. Gabiley hadii ay
Togdheer ka badato miyaad is deldeli?
Ururka Qaran arintiisa ayey noqotay; dadka waxba ha ku beer
laxoowsan ina ururada ayaanu furaynaa, waayo hadii taasi idinka
dhabtahay adeerkaa iyo xisbiga Feysal Cali Waraabe shandada ku sito
maydaan soo jeediseen doorashada madaxtooyada hala soo horeysiiyo,
iyaga oo Dastuurkii Qaranka u jebiyey in ay ku curyaamiyaan ururka
Qaran, baqe ay ka baqeen in midkood ama labadooduba hawada ka baxaan
awgeed. UDUB wey ku balan qaaday in ay furidoonto ururada oo dhan
marka la saxo khilaafka ku gadaaman sharciyada dalka ee ninba sida
uu doono u akhrisan karo, arintaana gudidii ka shaqayn lahayd waa
kii madaxweyne ku xigeenku soo magacaabay, car yaanay Kulmiye noqon
ka ugu horeeya ee diida talada gudigaas idinka oo danta Kulmiye ka
soo hormarindoona ta Qaranka sidii caadadu ahayd. Hadii ay kugu
adagtay in wararka wanaaga Somaliland ka hadlaya in aad akhridoo oo
idaacadaha ku hadla magaca Kulmiye oo kaliya aad warka ka qaadato
sida Horyaal, Somaliland.org, iwm,go’aanka khuseeya in la furo
ururada waxa ay si khaas ah uga wada hadleen Mudane Madaxweyne
Riyaale madaxda danaysa qadiya Somaliland ee uu ku jiro Lord Ivori,
iyaga oo isku raacay in sharciga oo lasaxaa ay tahay muhiin si
daldaloolada dhibta keeni kara ee ku jira Dastuurka dalka looga
hortago. Markii taa Kulmiye iyo Ucid ogaadeena waa kuwii ka dalbaday
heshiis dawlada in doorashada madaxtooyada la soo horeysiiyo. Markaa
keebaa diidan in ururada la furo? Shicibka aan cuqdadaysneyn ee reer
Somaliland ayaan u dhaafi jawaabta.
Waxaan ku qoslay markii aad tidhi Beelaha aad ugu yeedhay Faroomahu
ha ku biiraan Kulmiye. Dadka ma KABA QAAD baad moodaysaa, xisbi nin
inankiisa ugu wanqalay iska raacaya, waayo waa nin Isaaqa ninka uu
la ordayaana waa nin Samaroona ayaad isleedahay miyaa? “GOORMAA LAGA
TAGEY WARKAAS” Gar’adag taladii lagu soo gooyey oo aanaan goob joog
ka ahayn, shirqoolkii lagu soo maleegay QARANKAYAGA siisan mayno.
Kulmiye ma waxaad tidhi marka uu RIYADA GAR’ADAG kursiga ku fuulo,
hala burburiyo oo halagu wada biiro URURKA QARAN si ay u noqoto
QUWAD ADAG OO MUCAARIDA? Riyada markaa KULMIYE waa xisbiga talada
haya miyaa, laakiin taageero ma haystoo, sida aad tidhi
taageerayaashiisu waa in ay ku wada biiraan QARAN? Si horta aad u
hesho cid kugu mucaarida waa in sida UDUB aad doorashada ku
guulaysataa, sidee taasi u dhici kartaa, hadii la joojiyey
GAWAADHIDII dadka lagu guri jiray ee marna Burco ay ka codayn jireen,
marna Caynaba, marna Hargeysa? Miyaan laguu sheegin in cida qudha ee
loo ogol yahay in ay socsocdaan maalinta doorashadu in ay tahay
cidii nabad gelyadu khusayso, gaawaadhiga caafimaadka, ciidanka
qalabka sida, iyo komiishanka qaranka oo kaliya? Markaa codka aad ku
soo baxayso si riyadu ay Kulmiye ugu rumoowdo xageebuu ka imanayaa?
Mida kalena Jamhuuriyada Somaliland ee aad leedahay hala aqoonsado
miyaanay ahayn taa aad xataa u diidayso in beelaha kale ee aan
Kulmiye taageersanayn in aanay xukunka qabtaan? Taas hadii kuu
hirgasho soow odhan maysid nin aan xaafada ahayn magaye kursiga
hadhoowna? Hada ayaan kaa joojin ana si aan KALIDII TALIYE Siilaanyo
xukunka aanu u qaban. Mise uma haysatid Odey Adeerkaa Siilaanyo inuu
yahay Kalidii Taliye? Taa hadii aanay kuu cadayn sidii loo maamulay
doorasho ku sheegtii KULMIYE dhexdiisa ee ka dhacday Hargeysa iyo
Burco dib ugu noqo, taariikhdii SNM iyo boogaha madoow ee odaygu ku
lee yahay dib u soo baadh, hadii aanad hore u maqalna Odey Adeero
Siilaanyo waxaad weydiisa inta jeer ee uu hotel kii uu seexan jirey
hore u sii dhaafay, soona arkay ciidankii dhaxantu ku haysay Hawd
ka?
Waxa aan ku soo gebo gebaynayaa qormadan yar ee jawaabta u ah
qolya ha Kulmiye iyo Faarax Cali Jaamac, Somaliland ka weyn
Siilaanyo, Riyaale, iyo Feysal. Midkoodna Qaranka loo dumin maayo.
Kii Illaahay u qoray baa kursiga ku fadhiisan, laakiin reer kursi ku
fadhiisanayaa majiro. Hadii aydaan taas rumaysneyn taariikhda dib u
raaca oo Caro Mareexaan Somaliya dalkii la isku odhan jirey meel ka
liidatay miyey jirtay? Maanta ayey ka wanaagsan yihiin, marka la
barbar dhigo 21kii sano ee Afweyne xukumayey Somaliya. Mudane
Madaxweyen Riyaale intii uu xilka hayey wax uu gooni ugu qabtay
Boorame miyey jirtaa? Jawaabtu waa maya, kolay qolyaha Kulmiye
rumaysan maayaane haloogu dhaarto.
Marxuun Cigaal Illaahay Qabriga
ha u nuuree wax uu Berbera iyo Caro Hab ar Awal u qabtay oo gooniyi
miyey jirtey? Jawaabtu waa maya, kolay qolya ha Kulmiye rumaysan
maayaane haloogu dhaarto. Dr. Gees buugiisa uu ka ga hadlayo
taariikhda Marxuun Cigaal Illaahay naxariistii jano haka waraa
biyee akhriso, sida uu Marxuun Cigaal ugu diiday niman ay isku reer
yihiin oo doonayey warshad Kaluun in ay ka furaan Berbera, si aan
walaalaha reer Laas Qorey aanay calool xumo ugu qaadin, ayaa waxa uu
Marxuun Cigaal Illaahay danbigiisa hadhaafee ku yidhi Dr. Gees “ Dr.
Geesoow Somaliland hal warshad Kaluumaysi bay leedahay, waana ta
Laas Qorey”.
Hadal iyo dhamaantii Siilaanyo
Somaliland madax ka noqonmaayo oo inta cir ka iyo dhulku isku jiraan
bay u jirtaaye, maxaad yeelidoontaan adiga iyo inta cuqdada
qabiilaysan caloosha ay googooysey, marka Mudane Madaxw eyne
Riyaale dadku dib u doortaan?
“Baadida Ninbaa Kula Deydeyi Oo Daalna Kaa Badine oo Dooneyn Inaad
Hes haa Daayin Abidkaaye” Taariikhduna wey qori rag badan oo bari
kamaalin madaxtinimo u soo raadsan doona Somaliland.
Guul, Midnimo,Cadaalad, Ictiraaf Illaahoow adigaa weyn oo waaxid
Somaliland ugu deeq. Nabad Gelyadana Illaahoow nin kursi dhiig
muslim u daadin kara Illaahoow yaanu naga burburinin.
Sharmaarke Yussuf Muxumed
Sharmaarke52788@gmail.com
UDUB North America
|