Jawaab ku socota Website-ka Laga Leeyahay Guriga Siilaanyo ee Somaliland.org

 

 
Anaga oo tix-raacayna qoraalka aflagaadada xambaarsan ee uu soo daabacay Website-ka www.somaliland.org ee uu wax kaga sheegayo website-ka Somalilandnation, qoraalkaasi oo ahaa qoraal ka baxsan Ethics-ka Saxaafada , isaga oo muujinaya madhnaanta aqooneed ee ka muuqata dadka maamulka webiste-ka Somaliland.org.

Saxaafada caafimaadka qabta way ka madax banaantahay wax cid gaar ahi hagto , ama fuliya dano shakhsiyadeed , isaga oo ka horumarinaya danta shacbiga Somaliland.

Haddaba sida uu ku caan baxay website-kani waxa la wada ogsoon yahay inuu ku hadlo afka xisbiga KULMIYE , isaga oo aan ahayn website xisbigu gaar u leeyahay , balse uu yahay Website ay leeyihiin Ashkhaas la yaqaan ,iyaga oo fuliya danaha Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, mar kastana ka hor yimaada cid kasta oo ka hadasha dhaliilaha xisbiga KULMIYE.

Waxa jirta in webste-ka www.somalilandnation.com uu ka mid yahay website-yada xorta ah ee u gudbiya shacbiga Somaliland xaqaa’iqa dhabta ah ee ka jira Dalka , isaga oo aan ahayn website cid gaar ah u adeega , balse ah website mar kasta heegan ugu jira u gudbinta wararka dalka .

Sidaa daraadeed, waxa jirtay in maqaal lagu baahiyay website-yada Somaliland uu ka mid ahaa website somalilandnation websiteyada baahiyay maqaalkaasi oo ku saabsanaa safarka uu Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ku joogo dalka Kenya, maqaalkaasi oo cinwaankiisu ahaa “SIILAANYO OO AXMADU CABDALLA KA CODSADEY SIDUU CAALAMKA UGA DHADHICIN LAHA IN LO MAGACABO M/SOMALIA”.

Haddaba, maqaalkan oo ay saxaafada u soo dirtay gabadh muwaadin ah oo u damqanaysay dalkeeda iyo dadkeedaba ayaa waxa sida muuqata ka cadhaysiiyay Somaliland.org oo aan ahayn uun looyar u dooda , balse ah website laga maamulo guriga Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE , gudbinaya afkaarta Gudoomiyaha.

Ugu danbayntii, waxa aanu leenahay dhalinyarada haybtu kala roonaatay ilaalinta danta qaranku in ay ka waantoobaan aflagaada ay u soo jeedinayaan saxaafada madaxa banana, waxaanan ilaahay uga baryaynaa in uu garansiiyo dariiqa toosan.

 

 

 



Alla Mahad leh

Maamulka Somalilandnation.com