Jawaab Ku Socota hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyey waxqabadka dhalanteedka ah ee Wasaarada Caafimaadka JSL

 


Maanta markii aan daawaday hadalkii madaxwayne Bihi u jeedinayay dhalin yaro xaflad urur caafimaad salka u dhigaysay kuwaas oo ahaa ururka caafimaadka ee SAHA (SOMALILAND AMERICAN HEALTH ASSOCIATION ) dhakhaatiir kale iyo dad wax garad ah oo goobta xaflada fadhiyey dadkaasi waxay u badnaayeen dhallin ya ro Iyo dhakhaatiir .

Haddaba hadalkii uu madaxwayne muse Bihi jeediyay waxaa ka mid ahaa caafimaadka waddanka sida looga deyrinayo anigu uma arko . Sidaas darteed waa in aan madaxwaynaha jawaab waafi ah oo dhamaystiran kasiiyaa hadalka uu jeediyey .

Maqaalka waxaan ku lafa guri doonaa dadku waxay ka deyriyaan inaan waafajiyo hadalka madaxwaynaha . Mudane madaxwayne anigoo ka mid ah bahwaynta mihnadlayaasha caafimaadka waxaan si bilaa turxaan ah kuugu soo jeedin doonaa waxyaabaha kaa qarsoon ee aan daaha lagaaga qaadin sidaas darteed waad ila ca biri kartaa haddii uu kusoo gaadho maqaalkeygan .

Mudane madaxwayne haddii aan tusaalayaal gaaban bixiyo kasoo qaad caawa gurigaaga haddii ugu badnaan shan qof naqasku ku dhago kadib Hispital ka la keeno shantaas shakhsi haddiiba ay u baahdeen shan machi ne ( Machanical ventilators ) oo neefta kasoo tuura oo si ay usii noolaadaan ay isticmaalaan inta habkooda neef mareenku aqbalayo inuu neef ama oxygen isticmaalo iyo laba qof oo machines kaa si toosa u maamula oo xirfadooda gaarka ah leh . ( where is it )

Tusaale kale hooyo kasta oo uur lihi meel kasta oo ay joogto waxay u baahan tahay daryeel caafimaad kasoo qaad hooyo joogta degmada daarasallaam gobolka maroodi jeex oo hargeisa u jirta wax ka yar 30km waa ho oyo dhiig baxaysa miyey ma haysataa ugu yaraan xirfadleh caafimaad oo la tacaala si uu u badbaadiyo iyo dhamaan agabkii caafimaadka ee loo baahnaa .

Tusaalaha seddexaad mudane madaxwayne wasaarada caafimaadka jamhuuriyada Somaliland waxaa kaaga wakiil ah wasiirka iyo agaasimaha guud oo war bixinta wasaarada caafimaadka shirarka wasiirada kuu soo gudbiya ama report kooda heshaa anigu shakhsiyan waxaan aaminsanahay inaan warbixin dhamaystiran am a togan laguu soo gudbin sababta oo ah mudane madaxwayne aniga oo umadda u adeega oo og xaalada jirta iyo hadalka aan dhagaystay aad bay u kala fog yihiin .

Mudane madaxwayne ummadan adiga ayaa ka masuul ah markaa waxaan kaa codsanayaa aniga oo ku hadla ya dhamaan bahwaynta mihnadlayaasha caafimaadka ee fikirkan ila qaba inaad deyrka kugu xeeran ee inoo dhaxeeya aad soo dhaaftid oo aad in badan hoos wax u eegtid . Waxaan aad u xasuusnahay oo omer binu khadaab yidhi Awrka ciraaq ku turun turooda anigaa aakhiro lay weydiin doonaa . Mudane madaxwayne had dii aanad hoos u eegin waxa jira hooyada Taleex ama Caasho cada dhiig bax ugu dhimata adigaa lagu waydiin doonaa .

Waxaan qoraalkeyga ku soo gebo gebaynayaa mudane madaxwayne waxaanu kaa filaynaa inaad dayrkan in oo dhaxeeya ee ah musuuliyiinta wasaarada caafimaadka ee war bixinta qaldan ku siiyay aad wax ka bedel ku samayso .

 


W/Q : Dr. Abdilahi Mohamed Abdi MD , Advanced trained of Forensic Medicine