JAWAAB KU SOCOTA GABILEYNET

 


Marka hore salaan guud oo ku socota dhamaan dadweynaha reer Somaliland, iyo shabakadaha mad ax banaan. Inta kadib waxa aan la yaabay ninka qoray maqaal maanta oo bishu tahay 27/11/13 ku soo baxay shabakada Gabileynet oo ku sabsanaa xidhitaanka Jaamac Oomaar.

Waxa aan la yaabay eedeenta cadaanka ah ee maqaalku ku eedeeyey in Wasiirka Arimaha Debeda S omaliland ku lug leeyahay xidhitaanka Oomaar. Hadaba malaha ninka qorey maqaalku waxa isaga khal dan maamulka labada dal Jabuuti iyo Somaaliland. Haddaba saaxiib han kuu kala saaro ee Mahamed Biixi waa Wasiirka Arimaha Debeda ee Soomaliland shaqana kuma laha maamulka dowlada Jabuuti. Xidhitaanka Jamac Oomaarna waa arin khuseeysa Dowlada Jabuuti oo kali ah.

In arinta dowlada Somaalilaand ka hadasho waa arin meesha ku jirta. Wax se khalad ah in laba Wasiir oo ninka xidhan la qolo ah la yidhaa idinka ayaa la qolo ehe taga Jabuuti oo kala soo hadla Isamacil C umar Geele Arinta iyada ah ayada oo aan waxa talo ah laga weeydiin Wasiirka Arimaha Debeda, iya da oo ah run ahaantii shaqadiisa. Taasina waxa ay u muuqataa meelkadhac lagu sameeyey Wasiirka Arimaha Debeda. Hadaba ninka maqaalka qorayoow ka fiirso waxa aad qoreyso iyo eedeeynahn aad sameyneeyso. Adiga oo aan hayn wax lataabankaro oo cadeeynaya eeddeeyntaada.
 

 


Qore: Cali Axmed Sh Musa
Email: Golwaraabe@yahoo.co.uk
27 / 11 / 2013