JAWAAB KOOBAN OO KU WAJAHAN NINKA QORAY: "FAIZAL CALI WARAABE QIIQA AYUU ISKU QARINAYAA EE MUDO KORDHIN BUU LACAG XUKUUMADA KAGA QAATAY OO WELIGII MA DAAHIRO."

 


Ereyada cinwaanka kor ku xusan ka muuqdaa noqonmaayaan iyo nuxurka qormadu noqonmaaya an kuwo raali gelin iyo xaal midna laga bixiyo waana arrin khuseysa Xisbiga Wadani madaxdiisa iy o taageerayaashiisa gebi ahaantood; gaar ahaan Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
Weeraro iyo aflagaadooyin aan loo aabo yeelin ayaa afartii sannaddod ee u dambeeye ka soo burqanaya labada nin ee kala ah Cabdi Mustafe iyo Mukhtaar Cilmi (Ibn buushaale!) Hig tii horeba warmaha waxa lagu bilaabay wasiiro xukuumadda ka tirsan oo si gaar ah loo bartilmaameedsanayo, welina xisbiga Wadani ay labada nin u ololeeyaan arrintaa waxba kamuu qaban oo macneheedu yahay waa aragti xisbigu la qabo.
Suugaantii siinleyda hees Cabdi Adan Xaad “Cabdi Qays” tiriyey ayaa waxa midheeda ka mid ahaa:
Waa sooryo maansadu sama lagu wadaagee Sun ninkii ku darayoo aday sababi taadee
Sida xidhiidhiyahan http://www.qodaalnews.com/?p=1142 Cabdi Mustafe wuxu qoraalka ku bilaabay sidatan;
“Jamaal iyo Abdirasheed iyo Cali Gurrey iyo taageera yaashooda waxaan ka tacsi yadeynayaa dhaqan xumida Faizal Cali Waraabe kula kacay xisbigii Ucid ee uu xukuumada mudo kordhin uugu doonayo. Faizal waxay saaxiib ahaan jireen General Gani oo isba ma dafiro hadana Isaaqana dhan buu kala socday oo waa laba wejiile. Maantana tii oo kale ayuu wadaa oo madaxtooyadana waa la saaxiib hadana mucaarad baan ahay buu leeyey.”
Hadalkan ka soo yeedhay taageeraha xisbiga wadani waa sida seeftii boqor maydas ee labada af lahayd. Waranka Cabdi soo rideeyey samaydiisu wey tayo darantahay oo isagoon bar tilmaameedii gaadhin ayuu xisbiga Wadani karaamadiisiiba galaafatay oo waxa hubaal ah in badan manta taageersani in ay ka dareeri maalin aan fogayn. Mar haday hibato reemayso oo xag dadnimo, tu diineed, milgo karaamo aadamay iyo sharaf iyo ixtram midna la dhowrayn bal an waxoogaa ka iftiimiyo Faysal Cali Xuseen, Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka: Waa marka u horeysee wuxu huwanyahay xil Qaran ummaddana mid u codeeyey iyo mid aan u codeynba waxu ka mudanyahay qadarin, maamuus, iyo ixtraam.
Taariikhda aan fogayn haddaynu dib u raadraacno, dagaaladii sokeeye ee Somaliland aafeeyey sannadihii 1994-1997 wuxu ka qaatay qayb libaax oo laba sannadood iyo jarjar ayuu duurka ku jirey oo caruurtiisii iyo xaaskiisii ka maqana; halka rag manta saaxadda siyaasadda Somaliland ka dhex doobinayaan ay dabka hurinayeen shicibkiina u horseedeen kala irdhow iyo nacayb weli riiqdiisii ad mooday in ay taagantahay sida qoraalada Cabdi iyo Mukhtaar ka muuqata. Dowladdii siyaad Bare ayuu ka soo shaqeeya ama hebel iyo hebel ayey saaxiib ahaayeen wax xikmad ihi kuma jirto
Miyaanay manta noolayn rag dowladdii siyaad Bare ka mid ahaa oo intay halgankii ka geysteen aan la soo koobi Karin, hase ahaatee kuwaa qaar ka mid ah miyaan la dayrin markaynu mabda’ isku maandhaafnay.
Tan raadkeedii qoyanyahay ee dalkaba qarka u saartay burbur aan laga soo waaqsan ee rasaasta magaalada Burco la isu adeegsaday ay gabadh meheradeedii dhex fadhidaa ku nafweydey yaa masuulyadeeda lahaa oo u sabab ahayd? Xaqiiqadu wey ka fogeyd dhoob-dhoobka iyo maro saarka Guurtidu arrinta ku afmeertay
Jamaal, Cabdirashiid, Cali Guray iyo taageerayaasha Xisbiga UCID hab-dhaqanka, aklaaqda, iyo qiyamka bani-Aadamnimo ee Faysal Cali Xuseen cidda ka tacsiyadeyneysaa bal gondohooda hoos ha u yara hoomaayo.
Gebogebadii waxan leeyahay taageeraaha Wadani waar Aflagaado nabadna wey kaa fogeysaa colaadna waxba kaagama tarto; arrimaha noocan ihina in badan ayey soo jiitameey oo isha laga laliyey; maantase laga bilaabo haddu Guddoomiye Cirro degdeg wax uga qaban waayo waxay noqondoontaa ninwaliba hortay waa bannaan iyo gantaalihii BUK oo dhan walba loo afuufo. Md Cabdina waxa laga sugayaa caddyemihii qadarka lacagta ah ee Faysal qaatay iyo mulkiyada iyo meesha guriga Faisal looga dhisayo.
 

 


Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse
Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda Iyo Daryeelka, Faraciisa Dalka Kanada
December 3, 2014