JAWAAB: NINKA DUUR XULKA KU YIDHI: "RAG WAAWEYN OO MIMBARADA FADHIYA AYAA.."

 

Maxamuud Xaashi Cabdi
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland


Haaraanka iyo faanku waa hibo aadamaha badhkood Ribi ku manaysto, waa hanti baadia ah oo nin waliba inta waadaantiisu qaado ayuu hijiyaa; xisaabtana haba yaraatee malaha maba laha.

Bal hadda wasiirkan gacmaha kor u seydhinaya ee ganafkana kor u taagay; daruuraha dul heehaabaya an dareensiino in uu indhaha hoos u yara jeediyo oo dulka iyo hareerihiisana u yara fiirsado.

Sacaadat-ul Wassir, yaa saaxib-ul macaali: Markaad weerar iyo dagaal u heensaysato, wa rankaaga soyaan samaydiisu yey noqon mid maraaro leh oo riddadiisu adiga ku dib kuu ma kasho. Halyeyga aad hadalada ku duraysaa iyo inta MADASHA WADA TASHIGA IYO TOOSI NTA QARANKA ku bahowdey, waa muwaadiniin qaranka Somaliland ugu suntan taariikh la ma illaawaan oo baal dahab ah ayey kaga jiraan sooyaalkii dib u xoreynta dalka. Cid isku dhererin karta iyo cid hawaysan karta milgaha ummadooda ay ka mudan yihiin midna ma jirto.

Haddaan gaar u soo qaato Muj. Ibrahim Cabdillahi Husseen waa sooma jeestey naftiisana u huray in uu ummaddiisa ka xoreeyo hororkii Afweyne Siyaad iyo huwantii la halmaashay; waa haldoorkii duhur dharaareed qori caaradii ku muquuniyey ciidankii Afrikada madow u gu awooda badnaa. Taariikduna waxay ka markhaati furtey siday xaqdarradii iyo xasuuqii uga guulaysteen.

Haddaan hoos ugu dego hadalada wasiirka Duulista ka soo yeedhay xafladdii furitaanka Egal International Airport, ereyga Tuug sida wasiirku sheegay xag Alle iyo xag aadamaba wuu culeys weyn ayuu ku leeyahay oo waa in uu markhaati yeeshaa. Dib-u-dhiska madaa rada Hargeysa iyo Berbera waxa innaga kaalmaysay Dowladda Kuwait adduunkaasi oo warbaahintu ku qiyaastay US$10.00 Milyan! Waxa intaa dheera laba lacagood oo mid ay bixisay Hay'adda ICAO- International Civil Aviation Organisation ee saldhigeedu yahay ma gaalada Montreal ee dalka Canada, iyo qeyb kale oo ka timid hay'addii maamusha Hawada dalkii la isku odhan jirey Somalia ee fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi oo sida wara xog ogaal ihi sheegayaa nin Kenyaati ihi qandraas ku heysto markii laga soo wareejiyey Addis Ababa!

Waxa muuqata in dhismaha dhabada dayuuraduhu ka haadaan ee Hargeysa aanay haba yaraate fadhiisan karin wax dhaafsan diyaaradaha yaryar een rakaabkoodu ka badnay 50 qof!

Yaa Sacaadat-ul wasiir, yaa saaxib ul-Fakhr wal ictisaas xisaab xidhku isma daboolayee hal kay xisaabtu ka qaldantahay? Xajmiga sarta daamurka iyo dhagax jajabka 6ta santimitir ihi ma xamili karaa diyaaradaha rakaabka ilaa 150 qof?

Midna wasiir ha iska indha tirin, lacagta dowladda Kuwait inagu caawisey dowladdii kaa ho reysey ayaa bilowday oo markaad taladay xukuumada aad ka tirsantahay la wareegto we y dhmmaystirnayde ee mar qudha bal adiga afkaaga inta ha laga helo.

Derejada ciidamada qaranka waa mid lagu faani karo oo waa horumar la gaadhay, hase ah aate may qumanayn in guddi rayid ihi ka talo bixiso. Hoggaamada ciidamadu waayo arrag nimo, karti iyo hufnaanba shaqadooda wey u leeyihiine iyaga ha loo daayo oo kalsooni ha lagu qabo maadaama ay yihiin saraakiil xilka loo igmaday aqoonteedii leh.

Mida bedelaada lacagtii Giimbaarta ahayd ee Togdheer laga isticmaali jirey bal an dowr su' aalood wasiirka ka weydiiyo: Maxaa sababay in shan iyo toban sannadood ka dib ay isticm aalka lacagta Somaliland ka hirgasho Togdheer? Lacagtu waa astaamaha qarannimo, miyaan qarannimada Somaliland magaalada Burco lagaga dhawaaqin? Sida u dhacday in lac agtii qaranku dhaafiweydo luuqa Qoyta-Sheekh, Berbera, Hargeysa, Gabiley iyo Tog-Waja ale? Bedelaada Giimbaarta maxa lagu sar-jaray ee lagu qiimeeyey? Shan iyo Tobanka Sann adood dalku ma wuxu ka koobnaa labada Gobol ee Saaxil iyo Maroodi-Jeex? Ganacsato kum anaan ah oo labadaa Gobol ka soo jeeda ayey lacagtii cusbayd ee Somaliland galaafa tay? Muwaadiintaasi miyaan xaq u lahayn magdhow hantidoodii ka luntay iyagoo taageeraya qa rannimadooda? Mise sheekadu si kale ayey ahayd?

Jawabaha su'aalaha waxaynu ka sugi wasiir Maxamuud Xaashi.

Ta wasiirku yidhi Biriishkii Hargeysa ayaanu hawshiisa boqolkii shan iyo todobaatan xukuu maddii idinka horeysey ayaa dhammaysey ee marka wax la sheegayo ka kaa horeyeyna intiisa yaan lagaga masuugin illayn milgaha iyo sharafta dowladnimo ayey ka mid tahay.

Gebogebadii:

Bahada Madsha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranku ma aha qaar lagu sifayn karo niman d alka burburinya oo iyaga ayaa cid walba uga laxejeclo badane taana maanka ha lagu hay. Talo maroorsi iyo xukun boob midna ma aha ee bal ugu yaraan lix iyo tobanka qodob ey so o bandhigeen jawaab ha loo helo. Haddii ay dhabtahay oo xukuumaddu ogoshay toosin iyo talo wadaag maxaa xukuumaddii ku kalifay in ay weji-ku-macaash miciin moodo?
 

 



Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

August 20, 2013