JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND
 


Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Date: 22/08/2010
 


War-Saxaafadeed


Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Xafiiskiisa ku Qaabila y Wefti saddex Xubnood ka kooban oo uu hogaaminaayo Safiirka ingiriiska u fadhiya Addis-Aba ba.

Weftigin oo u jeedada socdaalkoodu ahaa sii adkaynta xidhiidhka u dhexeeya labada Waddan  e e somalialnd iyo Ingiriiska iyo u kuur-gelida waxyaalaha ugu haboon ee ay iska kaashan karaan labada dhinac.

Madaxwaynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weftigan si mug leh ugu faahfaahiyey Siyaasada Xukuumada Cusub ee Horumarinta Dhinacyada Nabadgelyada,  Kaa bayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo wixii la mida.


Madaxweynuhu wax auu ku nuux-nuuxsaday sida ay Xukuumadiisa uga go’antahay in ay  Wada mada Deriska iyo Beesha Caalamkaba kala Shaqayso Adkaynta Nabadgelyada Gobolka iyo ka  h ortaga Argagixsada iyo Budhcad badeeda.

Waxa uu Madaxaweynuhu weftiga u xaqiijiyey in ay Somaliland u bisishahay in ay ku talaabsato Horu-marin isla markaana ay u baahantahay in ay beesha Caalamku gacan ka siiso.

Madaxa Weftiga Ambassador Mr. Norman ling oo ay wehelinayeen Matt Woods Ku xigeenka  Xo g-hayaha Safaarada Ingiriiska ee Ethiopia iyo Jonathan Hargeaves oo ah madaxa DFID ee  Nair obi ayaa Somaliland iyo Madaxwaynahaba ku hambalyeeyey Doorashadii dalka ka qabsoontay 26 June ee Sannadkan.


Safiirku waxa uu sheegay in ay Doorashadaasi Somaliland Mustaweheeda kor u qaaday isla  ma rkaana ay indhaha Caalamka ku soo Jeedisay, Dawladiisa iyo Midawga Yurub-na ay diyaar u  yih iin in ay ka teegeeraan Somaliland Dhinacyada Horu-marka Nabad-gelyada, Kaabayaasha  Dhaq aalaha, Caafimaadka, Wax-barashada iyo Geedi socodka Dimiquraadiyada.



ALLAA MAHAD LEH

C/laahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

AF-hayeenka Madaxtooyada JSL