Jamhuuriyada Somaliland oo walaac ka muujisay
xaaladda Somaliya

 


Hargeysa (TNN) :-Xukumadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee ka taag gan Soomaaliya ku sheegtay in ay wer-wer weyn ka qabto dagaal sokeeye oo Soomaaliya ka dhaca iyo xasillooni da rro saamayn ku yeelata Gobolka oo ka dhalata go’aanka Muddo kordhinta iyo hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo ee xaaladda hadda taaggan.

Xukumadda Somaliland waxay ku eedaysay Madaxweyne Farmaajo kalitalisnimo iyo in aanu dhawran xuquuqda Aad amaha, waxaanay bulshada Muqdisho ugu baaqeen in ay amniga iyo xasilloonida ku dadaalan. Warsaxaafadeedka a yaa lagu sheegay in reer Muqdisho wajahayaan caqabad ah dhibta Alshabaab iyo Culay ska Kali talisnimada Farmaa jo.

Waxa kale oo ay Somaliland Qaramada Midoobay ku ammaantay in Soomaaliya lagu ilaaliyo cunaqabataynta hubka, sidoo kalena Beesha Caalamku si dhaw ula socoto in hub ama saanad ciidan u korodho Soomaaliya wakhtigan.