Jamhuuriyada Djibouti Oo Markii Ugu Horsay Laga Xusayo La Soo Noqoshada Madaxbanaanida Somaliland Ee Xuska 18 May

 

Magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda dalka Djibouti, ayaa markii u horaysay sanadkan lagu qabanayaa xaflad ballaadhan oo loogu dabaal degayo la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in maalinta madaxbanaanida Somaliland oo ah 18 May, 2009, sannadkan si weyn loogaga dabaal degi doono magaalada Djibouti.

Waxa ay masuuliyiintani sheegeen inay dawladda Djibouti ogolaatay inay maalgeliso munaasibadaas lagu xusayo la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland, waxaana la filayaa inay xafladaas oo ay abaabulayaan dad reer Somaliland ahi ay ka qayb gallaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumadda Djibouti, kuwaas oo ka jeedin doona khudbado la xidhiidha munaasibadda loo dabaal degayo.

Waa markii u horaysay ee munaasibadaha loogu dabaal dego madaxbanaanida Somaliland lagu qabto dalka Djibouti tan iyo sannadkii 1991-kii oo ay Somaliland xorriyadeeda dib ugala soo noqotay dalkii Somaliya ee ay la gashay midnimadii ay eedday.

Xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti ayaa tan iyo badhtamihii sannadkii hore u muuqda mid kobcaya. Inkastoo ay xisbiyada mucaaradka ee Somalialnd naqdiyaan xidhiidhka labada dawladood, haddana xukuumadda Madaxweyne Rayaale ayaa had iyo goor si adag u difaacda dawladda Djibouti iyo xidhiidhka ay la leedahay.

 



Wargeyska Geeska Afrika.