Jamaal Cali Xuseen Oo Si balaadhan Dalka loogu soo dhaweeyey kana
waramay Ujeedada Socdaalkiisa
"Ujeedada Socdaalkaygu wuu ka duwan yahay Socdaaladii hore ee aan
Dalka ku iman jiray......... ...."Jamaal
Cali Xuseen.....Daawo Sawiradda
Hargeysa 20 Dec 2011 (TNN) - Jamaal Cali Xuseen oo ah Aqoon yahan u
dhashay Somaliland oo ka shaqeeya Baananka Caalamiga ah ee Afrika ka
hawl gala ayaa maanta Dalka ku soo laabtay, isaga oo ka waramay
ujeedada uu Dalka u yimid.
Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ,oo ah Qoraa qoray Buugaag aad u
xiiso badan, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin Buuga Diiwaanka
Qosolka oo ay Bulshada Afka Somaliga ku hadashaa si we yn u
akhristaan kana sheekeeya Maada iyo Qosolka, sidoo kale waxa uu
yahay nin abwaan ah oo curiya Heesaha iyo Maansooyinka.
Aqoon yahanka ,oo markii uu ka soo degay Madaarka Magaalada Hargeysa
ay si weyn u soo dha weeyeen Salaadiin, Aqoon yahano, Masuuliyiin
iyo Dhalinyaro .
Jamaal Cali Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay Hutel Sumertime ee
Magaalada Haregeysa ayaa ka waramay ujeedada Socdaalkiisa, isaga oo
sheegay in ujeedada socdaalkiisu tahay sidii uu uga qa yb gali lahaa
Siyaasada Dalka, waxaanu intaa ku daray in uu u taagan yahay
Musharaxnimada Xisbiga UDUB.
Jamaal Cali Xuseen ,oo ka hadlaya ujeedada socdaalkiisa ayaa waxa uu
yidhi “Socdaalkaygan wu u ka duwan yahay Socdaaladii hore ee aan
Dalka ku iman jiray, waxaanu Socdaalkaygan la xidhiid haa Arrimo
Siyaasadeed”.
Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland
|