Jamaal Cali Xuseen Oo La Sheegay Inuu Dhawaan U Diga-Rogandoono UCID
 

 


Hargeysa  (TNN) – Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo bilawgii sannadkan Guddiga fulinta ee Xisbiga UDUB u doorteen Musharraxa jagada Madaxweyne ugu tartamaya Xisbigaas, balse caqabad siyaasadeed kala kulmay UDUB, ayaa la sheegay inuu Guddoomiyaha Xisbiga mucaa ridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe la saxeexan doono heshiis uu kula wareegi doono Musharraxnimada Madaxweyne ee UCID dhawaan.

Ma jiraan warar si rasmi ah uga soo baxay dhinaca hoggaanka Xisbiga UDUB iyo Jamaal Cali Xuseen toona, hase ahaatee, sida ay Wargeyska Haatuf u sheegeen ila-wareedyo lagu kal soon yahay oo ka agdhaw labada dhinac, waxa Jamaal uu u wareegayaa dhinaca Xisbiga U CID, isla markaana waxay ila-wareedyadu intaa ku darayaan in Xaflad ballaadhan Jamaal Cali Xuseen loogu samayn doono Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa bishan July badhta nkeeda, taas oo lagu shaacin doono in Jamaal ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.

Ila-wareedyadu waxay intaa ku dareen in Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha UCID Eng. F aysal Cali Waraabe ay kala saxeexan doonaan heshiis dhawr qodob ah oo dhigaya in Aqoony ahan Jamaal Musharraxa Jagada Madaxweynaha UCID u tartami doono doorashooyinka soo socda. Taa beddelkeeda waxa la sheegay inuu Aqoonyahan Jamaal bixin doono Lacag dhan Hal Milyan iyo Shan boqol oo kun oo Doollarka Maraykanka ah. Taas oo qayb ka mid ah uu ha dda bixin doono qaybta kalena bixin doono hadii ay ka soo gudbaan doorashadda golayaasha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoomaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbsiga Mucaaridka ah ee UCID iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuse en oo uu weheliyey Afhayeenka UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa bishii May ku lan ku wada yeeshay Magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, inkasta oo aan warbaahinta si rasmi ah loogu bandhigin waxay labada dhinac kaga wada-hadleen kulan koodaas arimo la xidhiidha Mustaqbalka xisbigaas iyo sidii ay si wada jir ah ugu hogaamin lah aayeen, haddana waxa jiray dareenno muujinaya inay ka wadahadleen sidii Jamaal ugu war eegi lahaa dhinaca UCID, ka dib markii uu caqabado iyo muranno siyaasadeed kala kulmay Xi sbiga UDUB oo bilawgii sannadkan 23 xubnood oo ka tirsan Guddiga Fulinta Xisbiga Mucaarid ka ah ee UDUB u doorteen in Jamaal noqdo Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas.

Musharraxnimada Jamaal ee UDUB ayaa khilaaf ka dhex-abuurtay Xisbigaas oo laba garab u qaybsamay, ka dib markii la isku maan-dhaafay Musharraxnimada Jamaal. Labada Garab ee uu UDUB u qaybsamay ayey kala hoggaaminayeen Guddoomiyaha UDUB Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland iyo Guddoomiye ku-xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin oo isna ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee dalka.

Sidoo kale Khilaafka kala qaybiyey Xisbiga UDUB ee salka ku hayey Musharraxnimada Jamaal Cali Xuseen ayaa muddo jiitamaysay, isla markaana gaadhay heer ay Maxkamad isla galaan dhinacyada Xisbigu u kala jabay. Muranka iyo khilaafka UDUB waxa ay caqabad siyaasadeed ku noqdeen hankii iyo himiladii uu Jamaal kalahaa hoggaaminta Xisibgaas, gaar ahaan Musha rraxnimada Madaxweyne-nimo ee UDUB isaga iyo Taageerayaashiisa-ba.

Inkasta oo ay caqabadahaasi Jamaal ka qabsadeen Xisbiga UDUB oo dad badani u arkayeen inuu ku deg-degay musharraxnimada UDUB, maaddaama oo uu UDUB ahaa Xisbi muddo dheer talada dalka Somaliland soo hayey, isla markaana qoomano siyaasadeed ka muuqdaan, sidoo kalena aanu ahayn mid Xisbi ahaan u dhisan ee uu ahaa Xisbi ay Xukuumaddii talada haysay isku milmeen oo aanay Rukummadii Xisbinnimo u dhammaystirnayn. Haddana waxay dad bad ani is-weydiinayaan natiijada uu yeelan karo Badheedhaha Jamaal uu UCID ugu guurayo iyo waxa uu kala kulmi karo, maaddaama oo UCID-na uu yahay Xisbigii kaalinta saddexaad aan mar qudha soo dhaafin afar doorasho oo kala dambeeyey oo ka qabsoomay Somaliland mar kasta noqonayey Xisbiga Kaalinta saddexaad galay.

Dhinaca kale mar aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino arinta Aqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen waxa jira ayaanay noo suurta galin ka dib markii uu Telefoonkiisa gacanta naga qabanwaayey.
 

source:Haatuf