Jamaal Cali Xuseen Oo Hargeysa Lagu soo Dhaweeyay Kana Hadlay Qodobada Uu Ka Dhashay Khilaafka Garabyada UDUB

 



Jamaal Cali Xuseen oo shalay si diiran loogu soo dhaweeyey Caasimada Hargeysa oo taageeray aal tiro badan iyo xubno ka tirsan ( Daawo Sawiro)


Hargeysa (TNN)-Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay khilaafka garabyada u kala qaybiyay Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, waxaanu sheegay in la isku hayey laba fikradood, balse aanay wax qabyaalad ahi jirin.
Jamaal Cali Xuseen oo shalay si diiran loogu soo dhaweeyey Caasimada Hargeysa oo taageerayaal tiro badan iyo xubno ka tirsan Guddida fulinta ee xisbiga UDUB, waxaana loo gelbiyey Hotel Maansoor , halkaas oo loogu qabtay Xaflad balaadhan oo soo dhawayn ah .


Jamaal Cali Xuseen oo xafladaasi hadal ka jeediyey ayaa u mahad celiyey taageerayaasha sida diiran ugu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, waxaa kale oo uu sheegay in uu ka xun yahay khilaafka xisbiga UDUB soo kala dhex-galay, waxaanu yidhi “Waad la socotaan waxa qaarada Afrika ka socda dhaq-dhaqaaq aad u xoogan oo xaga dhaqaalaha ah isbadaeyn baa ka socda, dad badan oo afrikaana oo dibadaha ka yimid ayaa wadamadoodii dib ugu soo noqdey oo wadamadoodii wax u tarey oo wadamadoodii aad u hagaajiyey, markaa waayo aragnimadeydii aan anigu wadamadaa afrika iyo caalamka ku wareegayay markaan arkey dadkaas wadamadoodii ku soo noqdey oo hogaankii siyaasada ka qeyb qaatey iyo hogaankii siyaasadeed oo isbedaley ayaa fikiray inaan fadhiga ka kaco oo aan is tusay in wadankeygii hiil iiga bahan yahay,”

Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay sababta ay u kala jabeen xisbiga UDUB, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi yidhi “Anigu horeba waan u sheegay oo meesha lacag umaan soo doonan ee waxa weeye inaan wadankayga wax u taro oo dhalinyarada dhinacooda aan ka galo, waad la socoteen oo waanigii geedi socodkeygii siyaasadeed aan kabilaabay waa tii ay dhibaatooyin fara badan gudaha xisbiga u ka bilaabmey iyo xurguf fara badan kala jabiyey waxaana laysku hayay laba fikradood ee meesha qabyaaladi ma jirin.”

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sidoo kale ka hadlay qodobadda xisbigoodu isku hayaan, waxaanu yidhi “Labada fikradood waxay ahayeen qolo xisbiga ka tirsaneyd oo leh Doorashadii Madaxweynaha waa tii si xun la inooga guuleystey, markaa waxaan u baahan nahay in aynu Jiil cusub iyo Siyaasad cusub la nimaadno iyo guruub kale oo leh waar anaga ayuun baa meesha joognee hadana waa nakan mar kale, figradahaasi laysku khilaafay waa tii la ogaa halkii laysla marey waana ayaan darro in xisbigu Maxkamad laysla galo.”


“Runtii anigu wax aan rabay mey’aheyn isqabqabsi meesha umaan iman waxaan doonayay jiil cusub waji cusub iyo xoog cusub oo waxaan is lahaa odayaashii hore oo marka xilkoodu ka dhamaado in badana ay xisbiga joogeen waa markii ay ogolaan lahayeen inay dadka xisbiga dardar cusub galinkara”
 


Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland