Jamaal Ali Xuseen ma inaga hubtaan horta, saaxiibayaal !!?

 

 


Salaan sare kadib, waxaan maqli jiray "Adduunyadda nin noolow maxaa aragti kuu laaban!". Run ahaantii aad bey iigu adkaatay inaan rumeysto Jamaal ayaa Siyaasadda Somaliland ku soo biiraya isagoo Madaxweyne u cararaya, arrinkaas waan liqi waayey-Anigoo isku qancina ya mar walba-He is not crazy !!. Muxuu Somaliland u qaban karaa maanta !!?

Maalintii aan maqlay wuxuu u cararayaa Madaxwene isagoo ka sharaxan xisbiga UDUB, runtii aad baan uga naxay waanan u qaadan waayey. Nin aanu saaxiib nahay ayaa igu yidhi" Ha la yaabin ninku wuu faan jecelyahay!!". Waxaan ugu jawaabay waxa ka raaca bal waynu u wada joogi doonaa !!.

Markiiba waxa bilaabmay burburkii uu geliyey xisbigii UDUB isagoo ku hal qabsanaya Cigaal Ila ahay ha u naxariistee- markiiba waxaan diidey sida uu siyaasadda rabo inuu ku bilaabo isagoo raba inuu guri ka fuulo daaqada isagoo salaankii baal maraya- Siyaasad xumadaas uu ku bur buriyey UDUB ayuu rabaa hadda inuu ku burburiyo Somaliland- bal hadda ila eega sida uu dur ba wax u bilaabay, wuxuu wada hadal lacagi ku jirto la wataa hadda Feysal oo UCID kaadidiisa u soo cabay oo aan ogolaan doonin inay cid kale ku takri fasho, wixii uu ku soo tabcadey.

Jamaal siyaasadiisan fadhi baradka ahi waa mid qosol badan, waxa uu inta badan sheegaa in ay dad badai kula taliyeen inuu madaxweyne u cararo, iyadoon isaga weli ka so gu?in ama aan lagu arag sansaan Mucaaridnimo oo leh Yididiilo Siyaasadeed oo qorsheysan. Anigu weli ma h ayo Qoraalo dood ah ama articles Jamaal uu ku qeexayo Siyaasadda Somaliland ama Arragtidii sa waxa uu ka damacsan yahay ama waxa ay la tahay in dalkan loo qabto. Waxa lagu yidhi " you look like Egal, when he was young back in 60īs - sorry but he cannīt talk nor play the ga me like Egal !!".

Jamaal muxuu ka qaban karaa Siyaasadan Somaliland ee murugsan Bari ilaa Galbeed !?, muxuu ka yaqaan xeer dhaqameedka Soomaalida !?, Jamaal muxuu kula hadlayaa Afarta odey ee da lka ka taliya !!? Jamaal ma yahay nin gar u niqi kara laba Beelood oo cod kar ah ama Siyaasi xariif badan !!.

Maqaalkan waxaan u qorayaa Anigoo ka duulaya Arrimahaas aan kor ku soo sheegay oo aan dalkan curdinka ahi u baahnayn nin siyaasada fadhi barad ku ah.

Jamaal wuxuu sitaa saddex shay oo kaliya:

1)Heeso uu tiriyey kadib markii uu fanka ku soo biirey, oo lagu tirIyo waxyaabaha uu ku mashquulay ee uu shaqadiisa ku waayey.

2)?Buugga Diiwaanka Qosolka" - sheekoyinkii Suuqdiga ahaa oo meel la isugu keenay.

3)Shaqaale ka tirsanaan jirey "City Bank USA". That is all. Tell me if there is something I miss !!!?

Saddexdaas shay maxay maanta Somaliland ku soo kordhin karaan !!? Dadkan misaakiinta ah beenta ha laga daayo. Runtu waxay tahay Jamaal wuxuu rabaa inuu Political investment ku sameeyo Somaliland. Laakiin ma oga "Wax badso inay ku xigto wax beel".

Hadda waxa ka luntay lacag badan oo aanu ka fiirsan, tu kale oo badana waa laga sugayaa- meel uu ka keenaba Europe, Canada, USA !?

Weli ma arag hadal ama Qoraal Siyaasadeed ama mid waayo aragnimo oo aan Jamaal ugu yee dho Aqoon yahan. Haddii uu Aqoon is bidayo oo uu dalkan jacayl u hayo wuxuu ku biiri lahaa Civil societiga si uu dadka u tuso wuxuu qaban karo iyo fikradihiisa- wuxuu ka soo bilaabi lah aa hoos si loogu garaabo, laakiin wuu og yahay inaanu taas ka baxayn.

Tusaale cad oo daacadnimo ah u qaado ninka la yidhaahdo Jama Muse Jama- waa nin caqli ba dan oo xisaabta ka dhiga pisa Italy - wuxuu dhex ordaa Naadiyadda Akhriska Somaliland san nad walba isagoo salka u dhigay barnaamijyo badan oo dadka waxtar u leh, weli laguyma arag gole siyaasad lagu falanqaynayo. Siyaasadda iyo Madaxnimo ma aha mid dal soo koraya wax loogu qabanayo- dadka wax qabtaa waa dadka danyarta og ee ku dhex jirta habeen iyo maa lin !!.

Ninka Aqoonyahanka ahi maaha nin Siyaasad u hamuuma oo sacabka jecel- Wax qabadka dal kaagu ma aha inaad Madax ka noqoto- Madaxnimada laguma isticmaalo Aqoon- waa waayo Aragnimo, Af-miishaarnimo iyo dadka oo aad ka dhex baxdo adigoo xitaa hadhkaaga ka baq aya inuu ku dilo.

Hadal iyo dhamaantii, waxaan walaalkay Jamaal talo u siinayaa Waad deg degtaye dib u fiir so" You jumped before you looked !!, but you can still heal any broken bones !. Haddii sheek adu tahay nin qoyani biyo iskama dhowrana " weynu sugnaa bal halka uu webiga siyaasaddu kugu daro.

Dadka reer Somaliland waxaan kula talinayaa Jamaal yaanu Been idiin sheegin, wax maanta uu idinku hogaamin karo ma jiraan- Waa Qurbe joog siyaasadda ku soo galaya si khaldan, oo hadaladiisu iyo ficilkiisuba ay nabada dalkan khal khal gelin karaan - Fayleshii Baanka ee la bar ay wax Somaliland ay ku soo kordhin karaan Aniga iima muuqdaan.

Feysal Ali Waraabana waxaan idhi "UCID magac xumo ha u soo jiidin, dalka iyo dadkana u nax oo u jeclow sidii aad weligaaba u ahayd !"

Somaliland Waxay u baahan tahay waayo arag ruug cadaaya oo la jabay lana badhaadhay oo og waxa khaldan iyo taariikhda dalkan iyo dadkan.

Nabadeey,

 



Mohamed Caalin, UK.

hamed98@yahoo.com