Jabuuti Oo Noqotay Dawladdii 1aad Ee Ka Jawaabta Baaqii Madaxweynaha Ee Abaaraha Salal Iyo Awdal
 

 

 




Saylac (TNN):-Dawlada Jabuuti ayaa markii u horaysay deeq raashin ah oo dhan afar boqol iyo konton tan (450tn) soo gaadhsiisay gobolada Salal iyo Awdal oo ay abaaro ba’ani ka ta agan yihiin.

Deeqdan raashinka ah ayaa ka koobnayd 15 gaadhi, taasi oo isugu jirtay bariis, saliid, daq iiq, bacaha guryaha lagu dhisto, deeqdaasi oo ay dawlada Jabuuti u soo dhiibtay ama soo mar siisay ururka RAMAD oo ah urur samafal oo ay ku midoobeen jaaliyada gobolada Awdal iyo Salal ee ku dhaqan dalka Jabuuti.

Masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Salal ayaa shalay deeqdaasi raashinka ah kagala wareegay magaalada Lawyacado masuuliyiinta ururka RAMAD ee deeqdaasi raashinka ah ka keenay dalka Jabuuti.

Masuuliyiin siday takulaldan ee ka socday ururka RAMAD ayaa sheegay inay haboon tahay in gacan weyn oo taageero laga geysto abarta iyo macaluusha ka taagan deegaanada hoos yimaada gobolada Awdal iyo Salal, kuwaasi xilligani gobollada oo abaaraha ku dhufatay iyada oo dad badani ay ka barakacaan degaanada iyo tuulooyinka ay daganayeen.

Waxaanay masuuliyiintaasi ka socday ururka RAMAD tilmaameen in in taageeradani ay daba socoto baaqii madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, ee ku waajahnaa in g acan caawimo laga gaysto dadka ay baaruhu ku dhufteen ee gobolada Awdal iyo Salal.

Maamulka gobolka Salal ee deeqdaasi raashinka ah ka gudoomay ururka RAMAD ayaa iyag na amaanay walaalaha Jabuuti ee ka damqaday xaaladda abaareed iyo nololeed ee ka taa gan gobolladaasi, waxaanay u mahad celiyeen dawladda Jabuuti iyo ururka RAMAD ee dee qdani loo soo dhiibay.

Deeqdan raashinka ah ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda loo qaybiyo dadka ku dhaq an gobolada Awdal iyo Salal ee ay abaaraha ba’ani ku dhufteen, iyada oo deeqdaasi loogu talo galay in la gaadhsiiyo 680 qoys oo ka mid ah dadkaasi ay abaaruhu wax yeeleeyeen.

Dawlada jabuuti ayaa noqonaysa dawladii ugu horaysay ee deeq soo gaadhsiisa dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku dhaqan gobolada Awdal iyo Salal, iyada oo ay talaabadani noq onayso mid ay dawlada Jabuuti kaga jawaabayso baaqdii uu bishii hore jeediyay madaxway na ha Somaliland ee ku waajahnaa in gacan laga gaysto abaaraha ka jira goboladaasi.

Source:Dawan