Jaamacadda Hargeysa Oo Ka Qayb Gashay Shirka Caalamiga Ah Ee Waxbarashada Iyo Xalinta Khilaafaad Ee Koonfurta Asia, Africa Iyo Bariga Dhexe Oo Lagu Qabtay Jordan

 

 

C:\Users\abdirashed\Downloads\DSCF0090.JPG.jpgC:\Users\abdirashed\Downloads\DSCF0118.JPG.jpg


Jordan (TNN)-Gudomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xusen A. Bulhan & koox uu hogaaminayo oo ka tirsan jaamacada Hargeysa ayaa ka qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada iyo xalinta khilaafaadka oo ay qaban qabisay Jaamacadda Nabada ee qaramada midoobay (University for Peace) kaasi oo ku qabsoomay wadanka Jordan.


Waxaa shirkan lagaga hadlay muhiimada & kaalinta waxbarashada ee xalinta khilaafaadka iyo  doo rka ay ku leedahay jaamacada nabad ee qaramada midoobay. Shirka waxaa ka soo qayb galay  ja amacadaha dalalka Jordan, Iraq, Egypt, Indonesia, sri Lanka, Somaliland, India, Pakistan, Nepal, Ke nya, Sudan iyo Costa Rica iyagoo matalayay 16 Jaamacadood ku kala yaala dalalkaasi, iyadoo  Som aliland na ay ka matalaysay Jaamacadda Hargeysa.


“Ujeedada guud ee aynu isugu nimi shirkani ee ay jaamacadda Nabada ee qaramada miday  abaabu shay waxa weeye in aynu kor u qaadno isku xidhnaanta iyo wada shaqaynta ku wajahan sidii loo xalin lahaa wixii khilaafaad ah iyadoo la adeegsanayo waxbarashada iyo kaalinta ay ku leedahay x alinta khilaafaadka” ayuu yidhi madaxa jaamacada UPEACE, Rector John Maresca.


Wuxuu intaasi ku daray John Maresca “Waxaanu diyaar u nahay in meel walba nalaga helo caalam ka si aynu u xakamayno khilaafaadka, taasi darteedna waxanu xidhiidho iskaashi la samaynay  jaa macadaha dalalkan aad ka socotaan, kuwaasi oo aanu tabobarnay aqoonyahano dalalkiina ka hir galiya waxyaabihii ay ku soo barteen Jaamacada UPEACE ee Costa Rica iyo xarumaha kaleba”


Jaamacada Hargeysa waxay xidhiidh wada shaqayneed la yeelatay sanadkii 2008 dii jaamacada  q aramada midoobay ee UPEACE & Jaamacada Eastern Menonite si loo hir galiyo macadka xalinta  khi laafaadka iyo nabada ee jaamacadda Hargeysa, macadkaasi oo ah hada ka qalin jabiyeen arday taradoodu kor u dhaafayso 35 arday oo u badan madaxda dalkan Jamhuuriyada Somaliland.

 Waxaa sidoo kale tabobaro ilaa shahaadada masters ah ku soo qaatay Jaamacada UPEACE ee costa Rica 4 professor oo ka tirsan jaamacadda Hargeysa.


Shirka waxaa Jaamacada Hargeysa uga qayb galay , Gudoomiyaha Jaamacada Dr. Bulhan, Mohamed Abdikarim Hirsi (Director IPCS), Adem Haji Ali (Lecturer), Osman Awaleh (Dean, Faculty of Educaiton).