Jaamacadda ADMAS Oo Kaalinta 1aad Kagashey Qiimeyn Lagu sam e eyey Jaamacadaha Ethiopia Shaaciseyna Iney Deeq Waxbarasho S iineyso Wasaarada Waxbarashada Somaliland+Shaadooyina La G udoonsiiyey 133Ardey Oo Kaqallinjabiyey Nidaamka Loomaamula Bananka islaamka .




 


Hargeysa (TNN)-Jaamacada Admas ayaaXaflabad Balaadhan oo shahaadooyin gudoonsiisay 133 Ardey oo ka qallinjabiyey Course Mudo socdey oo ah nidaamka loomaamula bananka islaamka{Is lamic Banking}Ku Qabtey Hotel Maansoor Ee Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale Jamaacada Admas waxay Shaado sharaf ay Gudoonsiisey Gudoomiyaha Hayada Wada niga ah Ee ODHA.Dugsiyada Sare ee SOS.ILEYS,NURADIIN IYO 26JUUN.

Munaasiabdani oo si heersare ah loosoo agaasimey waxaa kasooq ayb galley Wasiirada Wasaara da Hawlaha guud Iyo Guriyeynta Prof.Ismaaciil Muumin Aare iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr Ax med Xaashi Nuur Odey.Agaasimaha Wasaarada Cadaalada Md Galeydh.Masaliyiinta sare sare ee Jaamacada Admas,Maamulayaasha Dugsiyada sare ee Dalak Qaarkood,Walidiin,Martishar .ardey iyo dadweyne kalla duwan .

G/kuxigeenka Qaybta Akadamiga Ee Jaamacada Admas.Md Axmed Xasan Xaaji{Axmed Naasir}.Oo Xafladaasi ugu horeyn kahadley ayaa waxaa ii sharaaxd kabixiyey sida au ushaqeeyaan ban giyadu Islaamiga ah iyo Waliba Sida Wakhtigan xaadirka ah ay dadbadani oo Dunida ahi ay uaami neen nidaamkan Bangiyada Islaamiga ah,

Md Axmed Naasir Waxaa sidoo kale uu kahadley sababaha keeney in Jaamacada Admas Qaybtee dan Somaliland lafuro waxaanu yidhi{Bilawgii hore ee ay jaamacadani ay imaneysay waxaa keent ey baahi aad uweyn oo looqabey in lahello shahaadooyin la Aqoon san yahey,Shahaadooyinkaas la aqoonsaney yahey ee Degree ah waa baahidaasi badan ee looqabey waa mid ay dareen san yihiin ardeyda wadanka gudihiisa waxkubarataana ,dadka intabadan dibada joogaana ay aad u ogyihiin dhibta ay leedahey ,Hadaan intaan arkeysoo qaato waxaanu marka meelo badan dibada ha ah ku arki jirey ardey badan oo Somaliland Ka Yimid oo sita shahaado degree ah oo hadan bil aabi kara lah Master ama coursooyin kalle maxaa yeeley degreega ay sitaan ayaanan la aqoons aneyn ,Sidaadaa daradeed ardeyda waxay ku qasbi jirtey iney Degree labaad diyaariyaan,Sa babtuna Waa Shahaadadisa ayaan la ictiraafsaneyn.sabababaas iyo kuwo kalle oo badan ayaa sababey in Jaamacada Admas Qaybteeda Somaliland La Yegleelo}.



Axmed Xasan Xaaji oo faahfaahin ka bixinayey qiimayn lagu sameeyey Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee Ethiopia oo ADMAS kaalinta koowaad ka gashay ayaa waxa uu yidhi “Labadii sanadood ee ugu dambeeyey waxa Ethiopia ka socday, qiimayn lagu samaynayey Jaamacadaha gaarka loo leeyahay, qiimayntaasi mudday socotay waxa samaynayey (the higher educational authority on education relevant), waa guddi u gaar ah tacliinta sare ee Ethiopia ayaa qiimayn ku samaynayey Jaamacadaha gaarka ah, Jaamacadahaas waxa ay u kala saarayeeen qaybo, qaybahaasi ay u kala saarayeen waxa ka mid ah qaar Grade A ku baxa, qaar Grade B ku baxa oo digniin la siiyo iyo qaar meesha laga saarayey saddex ka mid ah ayaa jaamacadahaasi Grade A ku baxay oo ay Admas ugu saraysay, Waa ADMAS, UNITY Iyo SANTAMARI University, saddexdaa Jaamacadood ayaa ku soo hadhay, waxaan doonayey markaa in aan wasaarada waxbarashada ee Jamhuuriyada Somaliland aan u soo jeedino inay iyaguna ka faa’idaystaan fikradahaasi oo ay qiimayn ku sameeyaan waxbarashada sare iyo ta gugsiyadaba ee Jamhuuriyada Somaliland, cidda ka faa’idaysaana waa dadka iyo dalka Jamhuuriyada Somaliland” ayuu Axmed Xasan Xaaji.

Sidoo kalee waxaa uu kahadley Md Axmed Naasir Deeq Waxbarasho oo Scolarship ah oo ay siinayaa Wasaarada Waxbarashada Somaliland iyagoo ugu tallo galay in Wasaaradu uqaybiso dhamaan dalka oo dhan waxayna Maamulka Jaamacada ADMAS ay sheegen in deeqdaa waxbarasho oo dhan 15 Qof ay ugu talla galeen lixda gobol ee Somaliland Iney Wasaaradu Kasoo xusho ardeydii ugu sareysay .5 Ardey Gobolka Maroodijeex.halka 10 ardey ee kallena 5 Gobol ee kalle ee Somaliland In Ardeyga Ugu Sareeya Iyo Ardayada Ugu Sareysa lagasooq aato ayaanu ugu tallo galney.Jaamacadu Waa Jaamacad U helan kor uqaadida iyo horumarinta Waxbarashada sare ee Somaliland.



Maamulaha Dugsiga sare ee Ilays Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Cabdi oo isagu halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u faahfaahiyey diinta islaamku siday u soo dhawaysay aqoonta nidaamka bangiyad a islaamiga looga shaqeeyo, isaga ooJ aamcadda Admasna si weyn ugu amaanay inay noqoto jaa macadii ugu horreysa ee aqoontaas bixisay.



Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin Mahad Maxamed oo sina xafladaasi kahadley ayaa hambalyeey ey Ardeyda coursekan dhameysatey waxaa uu umahadnaqey Jaamacada ADMAS isagoo ku dhe eraadey qiimaha ay leedahey waxbarashadu.



Agaasimaha Caddaalada Mr. Galaysh, ayaa sheegay inuu ka mid ahaa ardeydiika qallin-jebisay Ja amacadda Admas, waxaannu tilmaamay in ardeyda Jaamacaddan ka qallin-jebisa ay door muhiim ah ka qataan horumarka dalka, taasina ayuu yidhi ay muujinayso Tayada Tacliinta ay Jaamacad ani Bixiso.



Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr. Axmed Xaashi Oday, ayaa isaguna si weyn ugu dhiirigeliy ey ardeyda ka qallin-jebisay nidaamka bangiyada islaamiga ahi u shaqeeyaan, una hambalyey ardeyda, waalidiintooda iyo macallimiintii wax soo bartay. Waxaannu u soo jeediyey aqoontooda inay dalkooda ugu shaqeeyaan oo aanay sugin cid shaqo u raadisa.



Wasiirka Hawlaha Guud Prof. Ismaaciil Muumin Aare, ayaa isaguna ka waramay qiimahay waxbar ashadu leedahay iyo doorka horumarineed ee dalka waxbarashadiisu maraayo, isaga oo si gaar ah u tilmaamay in isbeddelka aqooneed ee Jaamacadda Admas dalka ku soo kordhisay uu yahay mid qiimo weyn leh.



Ugu dambayntiiWasiirada Hawlaha guud iyo guriyeynta iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta ayaa Shah aadooyinkii courseka ay dhameeysteen ku gudoonsiiyey ardeydii ka qallin-jebisay nidaamka Bang iyada islaamka looga shaqeeyo ,,Sidoo kale waxaa Shahaado Sharafyo Lagudoonsiiyey Marwo Fa adumo Siciid Maamulayaasha Dugsiyada sare ee Ilays, Nuuradiin ,SOS Iyo 26 JUUN..

 



Axmed Maxamed Shaqalle

Shaqalle02@gmail.Com
Hargeysa Somaliland