Jaamacada Timacade oo Xalay soo bandhigtay Waxqabadkeedii Sanadkii Tagay:

 

Hargeisa (TNN)-Xuska sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay Aas Aaska jaamacda Tima-cadde University ee magaalada gabiley ayaa habeenkii xalay lagu qabtay hotelka  ma an-soor ee magaalada Hargaysa.

Xafladaas balaadhan oo lagu soo banddhigayay adeegyadii waxbarasho ee ay jaamacadu fidisay sanadkii lasoo dhaafay iyo waxyaabihii kharash ku baxay hawlahaasi wax barasho ee jaamacada iyo sidoo kale baahiyaha dhaqaale ee ay jaamacada ka jira wakhtigan.

munaasibad loo sameeyay sanad guuradaasi jaamacda Tima-cadde oo lagu qabtay hotelka Maan-soor ee magaalada hargaysa ayaa waxa ka soo qaybgalay madax iyo masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray ganacsato iyo siyaasiyiin oo ay ay ka mid ahaayeen maamulka iyo  ma alimiinta jaamacada Tima-cadde,guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada som alialnd Md C/casiis Maxamed Samaale, Badhasaabka gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheekh, maayarka magaalada gabiley Aadan Muxumed Bedde,Suldaan Ismaaciil Suldaan  C/raxmaa n,Suldan Xasan Shirre, Sh.Aaan Xaaji Maxamuud Xirsi ( Aadan siiro), iyo marti sharaf akle oo aad u tirro badan.

guddoomiyaha jaamaca Tima-cadde ee magaalada ee gobolka Gabiley Dr Cismaan Aw yuusuf magan oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ka waray aas aaskii iyo marxaladihii kala duwanaa ee jaamcadan Tima-cadde University ay soo martay kharashaadkii ku baxay muddadii ay  jirt ay iyo waxyaabaha kale ee ay jaamacadu u baahan tahay sanadkan.

Mr Magan waxa kale ee oo uu sheegay in lacagtii qaadhaan ururinta ahayd ee sanadkii hore loo sameeyay Jaamacada in ay ka dabartay dhamaanba adeegyadii shaqo ee jaamacada  si da mushaharkii macalimiinta,basaska iyo wixii kale ee adeegyo ah ee jaamacda ay  fulis o.isa ga oo xusay in ay jaamaadu sanadkana u baahan tahay in loo sameeyo qaaadhaan ururin kale iyada oo ay qaarka mid ah masuuliyiintii halkaasi joogay.

C/casiis Maxamed Samaale:- $ 2000
Sh. Aadan Siiro :- $1000
Nuur Yare :- $ 1000
C/laahi Xuseen Cigge(black):- $ 1000
Ururka wadaniga ah ee Soha:-$1000


waxa kale oo munaasibadani hadal ka soo jeediyay Sh. Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi ( Aadan siiro) oo si balaadhan uga waramay qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo sida loogu baahn yahay in markasta la dhiiri geliyo gaar ahaana da,yarta, waxa kale oo uu sheekh Aadan siiro intaasi raaciyay in jaamacada gabiley aanay ahayn tii maanta loo ururin lahaa lacag  qaadha an ah mar hadii ay jaamacadu ku taalo deegaanka ay ka soo jeedaan ganacsatada ugu  ba dan ee dalkan soomaliland iyo iyada oo uu ku yaala kastamka magaalada kalabaydh oo ah meesha labaaad ee uu ka soo galo dakhliga ugu badan dalka,balse ay taasi ugu wacan tahay isku xidhnaan la,aan u dhaxaysa dadka deegaanka,haddii se lacagta yar ee ay hadda  jaam acadu u baahantahay ay bixin karaan afar nin oo ka mid ah ganacsatada ka soo jeeda gobolka.


Sheekh Aadan siiro ayaa geba gebadii ka codsaday dawlada,gaar haana maamulka gobolka gabiley in ay kastamka magaalada kalabaydh uga qoraan jaamacada 5% dakhliga maalin  ka sta.


C/sasiis maxamed samaale oo isna munaasibadani ka hadlay ayaa ugu horayn si balaadhan ugu Mahadnaqay Maamulka jaamacada Gabiley iyo Cid kasta oo Gacan ka gaysatay aasaaskii jaamacada Timacadde oo maanta maraysay meel aad u fiican, waxa kale oo uu sheegay  C/c asiis in Ganacsatada ugu badan gabiley ee maanta hargeisa joogtaa yihiin kuwa ka soo jeeda gobolka balse meesha aanay jirin isku tiirsanaan iyo wada shaqayn ka dhaxaysay  ganacsat ada iyo Dadka ka soo jeeda Gobolka Gabiley.

C/casiis Samaale waxa uu Xusay in uu Diyaar uyahay Garab kasta oo loo fidinayo jaamacada Gabiley diyaarna u yahay in hiil iyo hooba lala garab taagnaado jaamacadu inta ay taabo  ga layso.


munaasibadani lagu soo ban dhigayay wax qabadkii sanadka ee jaamacada Tima-cadde oo isugu jirtay afur iyo casho waxaa soo qaban qaabiyay isla markaana bixiyay kharashkii  xafla daasi guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somalialnd C/casiis Maxamed Samaale.


Khadar Cabdi Muuse (Khadar Gabiley)
Timacade News Desk
Hargeisa/somaliland