Jaamacada Timacadde oo Madal Xiiso Badan U Golleysey Aqoonyahan Jamaal Ali Xuseen iyo Ban-Dhigga Buuga Diiwaanka Qosolka Qaybtiisii Labaad.

 



“Gobolkan Gabiley waa Meel Ardayda wax ka barataa ay aad u tiro badan yihiin…”
Jamal Ali Hussein.

Gabiley(TNN):- Maamulka iyo Macalimiinta jaamacada Timacadde oo uu hor kacayo Khaalid Ma xamed Ismaaciil ayaa habeenkii xalay ahaa madal xiiso badan kusoo casuumay aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo khudbad dhinacyo badan iskugu jirta ka jeediyay iyadoo qaar ka mid ah ardayda jaamacaduna kusoo bandhigeen buuga diiwaanka qosolka qaybtiisii labaad.


Munaasibadaasi oo lagu qabtay barxada jaamacada Timacadde ayaa waxaa ku wehelinayay Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen Raxan ka tirsan Golihii Wasiirada ee Xukuumadii UDUB oo ay ka mid ahaayeen Wasiiraddii hore ee Ganacsiga Abiib Xasan Filfil, Wasiirkii hore ee Xannaana da Xoolaha Dr. Idiris, iyo Wasiir ku-xigeenkii Arrimaha Dibadda Axmed Xaashi, Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex ee Xukuumadii Daahir Rayaale, ardayda jaamacada Timacadd e, ardayda dugsiyada sarsare ee Gabiley iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badnayd.

Munaasibadaasi ay jaamacada Timacadde sida gaarka ugusoo casuuntay aqoonyahan Jama al Cali Xuseen ayaa lagasoo jeediyay Maddadaalooyin iyo Sheekooyinka Qosolka ah ee uu qo ray Qoraagani oo Dadkii halkaa ka soo qayb-galay ay qosol dartii Kalyuhu barareen Iyo Suug aan lagu dar-dar galinayo Aqoonta, taasi oo aanay ka madhnayn Maansooyin Jacayl ah oo ay soo jeediyeen Suugaan yahaniinta Da’yarta ah ee ay ka mid ahaa Abwaan Mukhtaar Xus een Yay iyo Abwaan C/raxmaan Maxamed Macalin (Baas) oo ku sugnaa Halkaa.


Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen, oo ah Musharrixii Xisbiga Udub ee dhawaan loo doortay oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay Aqoontu iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in loo guntadu in Aqoonta la kobciyo, maadaama ay ku xidh an tahay Horumarka Dalku, “Da’yarta waxaan ku guubaabinayaa inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan oo ay Aqoonta ka midho dhaliyaan, waana lagama maarmaan in yar iyo wayn Aqoo nta la ilaaliyo, sababta oo ah waxa ku xidhan Horumarka Dalka, Dal kastana waxa horumar uu ku gaadhaa kolba inta Aqoonyahankiisu leegyahay”. Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 Waxaanu ku daray Hadalkiisa: “Gobolkan Gabiley waa Meel Ardayda wax ka barataa ay aad u tiro badan yihiin, oo Sanad kasta waxa la ii sheegay in Dhawr-Boqol oo Arday uga soo ba xaan Dugsiyada Sare ee Magaalada, Laakiin Waxaan maqlay inta doonata ee Magaalooyinka kale u taga Jaamacaduhu in ay mar kasta ka badan yihiin, oo inta Jaamacadan gashaa ka yar tahay. Waxaan leeyahay u sabra Jaamacadan, maalin dhaw waxaad arki doontaan iyada oo ay Kumanaan Arday iska rijistareynayso Jaamacada oo lakala reebayo Ardayda. In kasta oo Jaamacadani ka nasiib badan tahay Jaamacado badan oo Dalka laga furay oo Saddex sano gudahood ay ku dhigtaan 260 Arday oo ay jiraan Jaamacado ilaa Shan sano aan Tirada Ardaydoodu dhaafin Boqol”. Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu iskaga sharraxay Xisbiga Udub oo uu ku sheegay inay tahay Xisbiga Udub oo ah Xisbi hore u jiray oo Magac leh, isla markaana Guullo badan keenay Dalka, waxaanu xusay in Khilaafka yare e u dhexeeya Gudahoodu yaha y mid aanu waxba u arkin oo iska dhamaan doonta, isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi: “Sababta aan Xisbigan iskaga dhex sharraxay waa Xisbi hore u jiray oo Magac leh, guullo badan oo la taaban karana u soo hooyey Dalkan. Inkasta oo Khilaaf aan badnayni na soo kala dhex galay, hadana anigu waxba uma arko oo Raggaasi waa Wallaalahay waanay iska dhammaanaysaa intaa yare e na soo kala dhex gashay”. Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Waxa kale oo Iyaguna halkaa ka hadlay Gudoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda Timacadde Dr C/laahi Cumar Cige, iyo Dhiinka Jaamacadda Prof Xasan Aw Daahir Qallinle oo Iyaguna ka wa rbixiyey Aasaaskii Jaamacadda Timacade iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, iy o halka ay maanta marayso iyo Tirada Ardayda ee lagu bilaabay iyo inta maanta dhigata iyo sida wacan ee ay u kobcayso, waxaanay tilmaameen waxoogay Baahiyaad ah oo ka dhiman Jaamacadda oo ay ugu sii muhiimsan tahay in ay helaan Hool wayn oo ay Jaamacaddu yee lato.

Jamaal Cali Xuseen ayay u ahayd habeenkii koowaad ee uu Gabiley yimaado intii uu safarada ugu iman jiray dalka isagoo markasta baabuur ku dhaafi jiray magaalada Gabiley, khudbado na kasoo jeedin jiray jaamacadaha hareeraha ka xiga Gabiley.
 

 

 


Ahmed Biito.
Timacade News Desk
Gabiley Somaliland.