Jaamacada ADMAS oo Xurun ka furatay Magaalada Burco

 

Munaasibad balaadhan oo loogu talagalay furitaankaa xaruntaa cusub ee jaamacada ADMAS,oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliin ka tirsan gobolka,Madax ka socota Jaamacada ADMS, Gudoomiye ku xigeenka Waxbarshada G/togdhee,Aqoon yanao iyo Waxgarad badan ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Barwaaqo ee magaalada Burco.

Gudoomiyaha Jaamacada ADMAS,ee magaalada Hargaysa Mr.Axmed Daahir Maxamed(Cadnaan),oo munaasibadaa ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay xarunta cusub ee jaamacadoodu ka furtay Burco waxaanu yidhi "waxaanu xafladan ku furaynaa xarun cusub oo lagu dhigan doono waxbarshada loo yaqaan "Distance learning"taasoo aanu ugu talagalnay in qofku waxbarshadiisa heer jaamacadeed uu dhigan karo,isagoo hawlihiisa kale wata,angoo agabkii loo baahnaa oo dhamaystirana keenay halkan"Ayuu yidhi.

Waxa uu intaas ku daray in Jaamacada ADMAS ee Hargaysa ay furnayd mudo laba sano iyo badh ah, waxaana wax ka barta arday gaadhaysa 1200-Araday,sidaas darteed darteed si aan bulshada ugala qaybqaadano horumarka kala duwan,Islamrkaana fursad u helaan dadka waxbarshada doonaya ee aan Xaruntii jaamacada soo gaadhi karin,ay kaga faa,iidaysan karaan Distance Learning,oo u suurta galinaya dhamaystirka waxbarsho heer jamaacadeed ah qofkii oo jooga magaaladiisii.

" Waxaanu wakhtigan xarumo ka furaynaa Magaalooyinka Berbera,Burco iyo Ceerigaabo,sidaas awgeed waa in laga faa,iideystaa fursadaa".Ayuu yidhi.

Mr.Cadnaan,waxa uu mahadceliyay Wasaarada waxbarshada Somaliland oo uu sheegay inay wada shaqayn wacani ka dhaxeyso,sidoo waxa uu xusay inay Iskaashi wada shaqayneed la yeelandoonaan Jaamacada Burco.

Gudoomiye ku xigeenka Waxbarshada Gobolka Togdheer Xasan Jaamac ayaa isaguna soo dhoweeyay Xarunta Cusub ee jaamacada ADMAS,ay ka furatay Burco,waxaanu tilmaamay inay kaalin weyn ka qaadandoonto kor uqaadida horumarkii waxbarshada ee gobolka togdheer "Waxaan rajaynayaa in dad badani fursadan ka faaiidaysandoono"Ayuu yidhi.

Waxa kale oo iyaguna munaasibadan ka hadlay gudoomiye ku xigeenka Jaamacada ADMAS,ee Hargaysa Mr.Muraad Sekeriye Maxamed,Madaxa xidhiihka jaamacada Mr.Maxamed C/raxmaan.

Magaalada Burco ayaa waxa hore uga jirtay xarun jaamacadeed,taasoo ay dhigtaan arday badani.

Jaamacada ADMAS,ayaa xarunteeda ugu weyni tahay magaalaada Adis-ababa ee dalka Itoobiya,haseyeeshee qaybo kale magaalada hargaysa ee caasimada Somaliland.

 




Togdheernews