Jaamac Sweden oo haya
dariiqii Ismaaciil yare ku soo jabay

Hadii Laagii lagu dhacay, dhaaxo
aan ka digi jirey, dhabarkana rag kaga jabay.
Ummadda reer S/land iyo Riyaale waan isku daawanaayey beriyahan,
waxaan beri hore idiin soo qorey meelaha looga taliyo S/land iyo
shaxda loo dejiyey majarahabaabinta ummaddan iyo godka lagu ridaayo
iyadoo loo adeegsanaayo calooshood u shaqeysteyaal.
Aan idiin xasuusiyo ereyo ka mid ah qoraaladeydii dhowr sanadood ka
hor sida kii :
Waxa Riyaale dhaxley dawlad dhisan, xisbiyo qaran, guddi
diiwaangelineed, kommission shaqeynaaya oo cayimey waqtigii
doorashada, waxaan idiin sii sheegey in aad arki doontaan dadkoo
baadi doon uga jira dawlanimo, cadaalad, dimoqraadiyad, dhaqaale,
horumar, doorashooyin. Dadkuna murank iyo iska horkeen ku mashquuley
in laga dhaxlaayo Riyale. TII BAA SOCOTA.
Ismaaciilyarow inaadeer is dhowr, hadii kale waxa kuu xigta in lagu
isticmaalo, lagu bahdilo oo lagu tuuro, tii way dhacdey oo isagoo
tuug mushaharkii askarta dhacay lagu sheegey buu suuqa soo galay,
waxa u xigtey in la yidhi kumabaan aqoonee kumaad ahayd? Xisbiga
goormaad ka tirsaneyd? Inaadeerkay maanta uu ii soo noqdey, waanan
soo dhoweyneyaa, waayo immikaa miyir qab ugu horeysa, bal ta u ku
dhigo awriyaale hala ila sugo muddo yar, hadaad arki weydaan waxa ku
hoos jira garbihiisa waaweyn, hadaa ilaawi weydaan waxbadan waxba ha
i weydiinina.
Maantana waa Jaamac Sweden bal ila eega. Horta Jaamacna waa
inaadeerkey, waa ninkii reer abtigii iyo fooxleyaashii u aaminsanaa
soo dul dhoobey Awriyaale waqtigii u rabey in u kursiga
Ismaaciilyare ka dhaxlo si loogu magacaabo wasiirka arrimaha gudaha,
waa nin aaminsan fooxa, shalaadka, riyada iyo qaadka, waqtigaas wuxu
laftigiisu ku qanciyey Riyaale in u yahay nin aan ka hor imman
amarka madaxda, Riyaalena waxa u ku qancey markii hoos loogu sheegey
in u ku caanbaxay nin dantiisa ka hormareya tuwalba, waqtigaas laga
bilaabo Riyaale waxa u u calamadsadey ergeygiisa gaar ah ee
kommissionka u magacaabi doono.
Intii u kommissionka xubinta ka ahaa waxa u fulinaayey amarada
khilaafka dhexdooda, intii u gudoomiyaha noqdey waxa ka maqleyseen
doorashadii waqtigeedii baa la qabaneyaa, waxa Riyaale si gaar ah
loo kulmey habeenkii u dambeysey bisha feb 28 ee sabtida, waxa u
Riyaale u sheegey in arrimo culus iyo cadaadis kaga soo kordheen
Ingriiska loogana yeedhey, waxaanu farey in u ku dhawaaqo bisha may
si ingiriiska u ugu qanciyo iyadoo balantoodii hore ahayd in u ku
dhawaaqo bisha August in la qabanaayo, muranka ka dhashaana dhaawac
u keeno S/land.
Jaamac waxaan leeyahay goobtani ma’aha wasaaradii aad dooneysey,
waxa aad masuul ka tahay hay’ad madaxbanaan. Waar labadii arrimood
ee odeyaasheenu kuula yimaadeen in aad yeesho ama ta Riyaale ku
yidhi in aad yeesho iyamaa akhiradaada iyo dalkaaga anfacaaya. Waxa
muuqata in wixii Riyaale kuu xushey aad ku talaabsaneyso, xasuuso
waa tii lagu yidhi dadkani waa tashadey, bal adna waa inoo iyo waqti
aan fogeyn. Dadka reer S/land waxaan leeyahay dhidarkuba xabaalaha u
ma dhaadhaceenoo, kuma dhiirradeen ruux celin kara dhawaaqee, wuxu
maydka dhiiliyo dhiif iyo sidaad tidhi
dhaqdhaqaaq ka waayuu hore ugu dhawaadaba.
Riyaale oo aad
eridaan maanta rajo buuxda ayaa leedihiin, hadii kale waxaa idiin
haysta ayunbaa idiinku sii habsan.
By:
Amina Hagi Mohamoud Elmi
|