Jaaliyadda Somaliland ee UK waxay u aragtaa in wakhtigan Isku xidhnaantii, wadashaqeyntii iyo midnimadii bulshada madmadow ka muuqdo

 





Kulamo goos goos ah oo Gudida Somaliland Society UK “SSUK” la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada qurbajooga Somaliland ee ku dhaqan UK: sida waxgaradka, siyaasiyiinta, haweenka, dhalinyarada iyo qeybo kaloo ka tirsan bulshada, waxaay dhamaan isku raaceen qodobadan hoos ku xusan;

UK oo aheyd bartii laga aasaasay dib u xoreyntii Somaliland, dib u dhiskii iyo kobcintii dimuqraadiy ada ka hanaqaaday Somaliland ahna xarunta dhaqaalaha ugu badan bulshada Somaliland ka hela an; in waqtigan aynu marayno isku xidhnaantii ,wadashaqeyntii iyo midnimadii bulshada madmad ow ka muuqdo. Arinkaas oo dhaawac weyna ku keeni kara ummada reer Somaliland meel kasto oy joogaanba.

In hoos u dhac ku yimi wadajirkii , wax wadaqabsigii iyo midnimadii bulshada Somaliland ee ku dh aqan UK siiba magaalo madaxda London.

In ay soo ifa baxayaan isbarbaryaac, kala daadsanaan iyo kooxo ku hawlan in dantii guud ee bul shada looga faa’iideysto dana gaar ah, oo loo baahanyahay in laga hor tago oo la xakameeyo arrimaha ay ka midka yihiin golbolaysi, kooxaysi, qabiil iyo wax allaale iyo wixii ku keeni kara bulsh ada dhexdeeda kala fogaansho iyo burbur.


In la kala saaro arimaha siyaasada, ururada maxliga ah “ community organazations” xisbiyada, iyo arrimaha horumarka ee ay ku bahoobaan bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan UK loogana danbeeyo oo loo daba fadhiisto Jaaliyada, loona daayo cid kasta halka ay bulshada kaga jirto.
In dayac badani ka muuqdo dhamaan dhinacyada bulshada reer Somaliland eek u dhaqan UK siiba dhalinyarada loona baahanyahay sidii arinkaas dhinac looga soo wada jeedsan lahaa.

Intaas iyo qodabo kale oo badan markii la isla arkay waxa guddida SSUK iyo bulshadu isla qaateen:

In loo baahan yahay kulan ay ka soo qeybgalaan dhamaan bulshada dhinacyadeeda kala duwani.
In laga soo saaro qodobo wax ku ool ah, loona gudbiyo dhamaan inta arrimahaasi khuseeyaan.
In qodobada ka soo baxa la hirgaliyo loona astaameeyo xubno dabagal ku sameeya.



Haddaba guddida Somaliland Society UK waxay ugu baaqayaan dhamaan bulshada reer Somalilan d ee ku dhaqan UK haday yihiin; oday dhaqmeed, masuuliyiin, xisbiyo, ururo, dhalinyaro, haween iyo waxgaradba in si wadaninimo, xilkasnimo iyo sharafi ku dheehan tahay uga soo qeybgalaan shirweyne lagu lafaguri doono arimahaas iyo dhamaan danaha reer somaliland UK.



Madasha iyo waqtiga shirkani dhici doono haddii Alle raali ka noqdo;



Taariikhda; sabtida 17/11/2012

Waqtiga oo noondoona 16:00 ilaa 20:00

Madasha shirka

Egyptian House,

95 Bloemfontein Road,

White City

London



Wixii macluumaad ah ama faahfaahin ah fadlan waxaad kala soo xidhiidhaan;

Gudoomiyaha SSUK

Mudane Abdala Salim

07957835578

barwaaqosoor@yahoo.co.uk