Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Jabuuti Oo Taageero
Aanay U Kala Hadhin U Muujiyey Urur-Siyaasadeedka WADANI
aaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Jabuuti ee
Caasimadda Jamhuuriyadda Jab uuti, ayaa si weyn u taageeray
Urur-siyaasadeedka......
Jabuuti (TNN)- Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada
Jabuuti ee Caasimadda Jam huuriyadda Jabuuti, ayaa si weyn u
taageeray Urur-siyaasadeedka WADANI oo
ka mid ah Ururr ada siyaasadda Somaliland oo uu hoggaamiyo
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxm
aan-Cirro) oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.
Munaasibad ballaadhan oo 27/01/2012, lagu qabtay Hoolka Tamarind
Bristo oo ku yaal Madaarka calamiga ee magaalada Jabuuti, taasoo ay
ka soo qaybgaleen dad fara badan oo isugu jira Rag iyo Haween ka mid
ah Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jabuuti, ayaa
ujeeddadeedu ahayd in lagu taageero Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah
ee Urur-siyaasadeedka WADANI iyo guud ahaanba Ururka WADANI, waxaana
ugu horreyn Xafladda ka hadashay Aamina Cabdi oo xubin ka ah
Jaaliyadda Somaliland ee Jabuuti , waxanay faahfaahin ka bixisay
ujeeddada ay kulankaas u qabteen ee ay isugu yimaaddeen. “Waxaynu
caawa isugu nimi oo aynu Xafladdan quruxda badan halkan ugu qabannay
haddaynu nahay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Jabuuti
inaynu taageero ugu muujinno Urur-siyaasadeedka WADANI oo ka mid ah
Ururrada siyaasadda Somaliland, ahna ururkii ugu horreeyey ee isu
diiwaangeliya Urur-siyaasadeed, kaasoo uu Guddoomiye u yahay
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ahna Guddoomiyaha Golaha
Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa ayey tidhi Aamina Cabdi.
Marwo Aamina oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi;
“Urur-siyaasadeedka WADANI waxaynu la garab-taagannahay hiil, hoo
iyo taageero buuxda, waxaanannu leenahay waddani ha guulaysto,
haddaannu nahay Jaaliyadda reer Somaliland ee Jabuuti. Sababta aannu
u taageerayno Urur-siyaasadeedka WADANI waxa weeye waxaannu u
aragnay inuu WADANI yahay Urur-siyaasadeedka kaliya ee Qaranka
Somaliland metali kara, ee maanta wadi kara dadka iyo dalka
Somaliland.” Waxaanay Marwo Aamina u soo jeedisay guud ahaanba
bulshada reer Somaliland dibed iyo gudo meel kasta oo ay joogaan
inay taageero hiil iyo hooba leh isla garab-taagaan
Urur-siyaasadeedka WADANI oo ay ku tilmaantay mid lagu aammini karo
hoggaaminta Qaranka Somaliland ee mustaqbalka.
Shugri Balayax, oo kulankaa ka hadashay ayaa halkaa ku soo
bandhigtay Buraan-bur ay ku muujinayso taageerada ay u hayaan
Urur-siyaasadeedka WADANI, kaasoo ay ku tilmaantay mid Somaliland
halka ay maanta joogto hore uga dhaajin karo haddii uu ku guulaysto
doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka dhacaan sannadkan iyo
sannadaha soo socda ee golayaasha deegaanka, Baarlamanka iyo
Madaxtooyada Somaliland oo iyadu ugu dambayn doonta oo la filayo
inay afar sano ka dib qabsoonto. Waxaanay Shugri u mahad-celisay
dadka faraha badan ee isugu yimi Xafladdaas iyo qaban-qaabiyayaasha
suurageliyey qabashada Munaasibaddaa Jaaliyadda reer Somaliland ee
Jabuuti isugu yimaaddeen kuna taageereen Urur-siyaasadeedka WADANI
habeennimadii ay Bishani 27-ka ahayd.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Md. Cabdiraxiim Cali, oo gebagabadii
Xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay
Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jabuuti, gaar ahaan
Caasimadda dalkaas ee gartay inay halkaa ka soo taageeraan Ururrada
siyaasadda dalkooda Somaliland ka ay u arkayaan in hoggaaminta dalka
iyo dadkaba lagu aammini karo mustaqbalka, waxaanu aad ugu
mahad-celiyey dadka xafladdaa isugu yimi. Guddoomiyaha Jaaliyaddu
waxa uu sheegay inay si weyn u soo dhawaynayaan Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka
ah ee Urur-siyaasadeedka WADANI iyo sidoo kale Ururka uu
horkacaya-ba, isaga oo sheegay inay taageero hoo iyo hiil-ba leh la
garab-taagnaanayaan WADANI maanta illaa maalinta doorashooyinka oo
uu xusay inay u rejaynayaan guul. “Maanta iyo maalinta doorashadaba
waannu garab-taagannahay Urur-siyaasadeedka WADANI ee uu
Guddoomiyaha u yahay Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Waxaan ballan-qaadayaa aniga oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda
Somaliland ee dalka Jabuuti inaannu hoo iyo hiil-ba la
dhinac-taagannahay Urur-siyaasadeedka WADANI, oo aannu maalinta
doorasho la gaadhana codkayaga diyaar ula nahay.” Sidaa ayuu yidhi
Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee deggan waddanka Jabuuti.
Waxaanu intaa ku daray; “Waxaannu Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka
WADANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro Illaahay uga baryaynaa inuu talada
dalka Somaliland ku guuleeysto, una fududeeyo hawsha culus ee
hoggaaminta Ururka iyo Qarankaba ah ee uu hayo.”
Waxa Xafladdaa lagu soo bandhigay Heeso cusub oo uu leeyahay
Urur-siyaasadeedka WADANI oo dadweynihii Munaasibaddaa ka qaybgalay
aad uga mafsuudeen dhagaysigooda, kuwaasoo la daaray wakhtigii
nasashada iyo sharaab-cabbidda Xafladdaas oo ahayd mid si fiican loo
soo agaasimay oo bilic iyo degganaansho badan laga dheehanahay,
iyaga oo dadka ka soo qaybgalay farxad iyo dhoolla-caddayn badani ka
muuqdeen wejiyadooda.
Timacade news desk
|