Jaaliyadda Reer Somaliland Cardiff UK Oo Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen   Si Weyn Ugu Soo Dhaweeyay Magaalada Cardiff, UK:



 

Cardiff,UK (TNN):-Waxa magaaladda Cardiff ee UK ka dhacay xaflad aad u weyn oo lagu soo dhaweeyay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuse en, xafladan oo aynan u kala hadhin Jaaliyadda reer Somaliland ee Cardiff, waxaana abaa bulkeeda kaalin xoogle ka qaatay Guddiga cusub ee Cardiff ee Xisbiga UCID oo uu hogaami nayo Godoomiyahooda iyo kuxigeenadiisa iyo taageerayasha Xisbiga UCID ee Cardiff.

Xafladan waxay ahayd xaflad ay ka soo qaybgaleen dhammaan jaaliyada reer Somaliland ee ku kala nool Gobolada Dalka UK waxa laga kala yimi London, Bristol, Birmingham, Newp ort etc. Waxa xaflada hadalo qiimo leh ka soo jeediyay Odayaasha, Aqoonyahanka, Dhalin yaradda iyo Dumarka reer Somaliland ee reer Cardiff, iyagoo Jamaal Cali Xuseen u soo je ediyay dardaaran i yo talooyin ku taxluuqa musharaxnimadiisa Madaxweyne, waxa kale oo halkaa ka hadlay madaxda xisbiga UCID laanta Cardiff qaasatan Guddoomiyaha Mr.Cab dulahi Sheekh Dayaan (Kayser) oo isaguna hadalo dhaxalgal ah halkaa ka soo jeediyay. Waxa kale oo qudbado muhiim ah ka soo jeediyay musuuliyiinta Xisbiga UCID sida Xoghay aha Kalluumaysiga Mud. Cabdilaahi Shaqale, Xoghayaha Dhaqaalaha, Mud. Cabdi Daakir, Xoghayaha Qorsheynta Maxamed Mahdi Buubaa Guddoomiyaha Garabka Haweenka UK Marwo Farduus Cige Hassan, Guddoomiye ku-xigeenka UK Xuseen Bisad iyo madax kale oo dhamaantood ka tirsan Xisbiga UCID ee UK iyo Yurubba.

Ugu danbayntii waxa xafladii soo xidhay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoony ahan Jamaal Cali Xuseen oo ku nuux nuux saday qudbad aad u cajiib ahayd oo uu shaca bkii reer Cardiff ugu soo bandhigay siyaasadiisa iyo waxqabadkiisa uu maaganyahay, had ii Illaahay ku guulayo kursiga uu u sharaxanyahay, wuxu Jamaal Cali Xuseen Qudbadiisa ku soo qaatay dhibaatadda shacabka reer Somaliland ka haysata Arrimaha Bulshada iyo Cadaalada, Caafimaadka, Biyo la’aanta, Waxbarashada, Shaqo La’aanta iyo arrimo kale oo dhowr ah markaasuu faahfaahiyay sida uu wax uga qabanayo, hadii Illaahay ku guulee yo jagada uu u sharaxan yahay ee Madaxweynanimo.


Markii Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen uu qudb adii dhameeyay ayuu u fasaxay shacabkii reer Cardiff ee xafladda ka soo qaybgalay in ay waydiiyaan wixii su’aalo ah ee ay jecelyihiin in uu ka bogsiiyo, halkaasoo jaaliyada reer Cardiff ay su’aalo badan ku waydiiyeen Mudane Jamaal Cali Xuseen, waxa wax lagu faano ah Murashaxa Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waa Murashaxa qudha ee ogol in si public ah su’aalo loo waydiiyo, taasi waxay kuu cadaynaysaa kalsoonida uu isku qaba iyo ixtiraamka uu u hayo shacabka reer Somaliland ee uu Codka ka doonayo.0809

Anigoo ku hadlaya afka xisbiga UCID ee Laanta UK waxaan Jaaliyadda Reer Somaliland ee UK iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID uga Mahadcelinaynaa sida diiran ee ay u soo dhawe eyeen Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID, qaasatan Jaaliyaddaha Birmingham iyo Cardiff oo wacdaro weyn dhigay wiigan gudihiisa, waxanu idin soo gudbin doonaa xafladii Birmingham ka dhacday 10/12/2014 ee ay ku soo dhaweeyeen Jamaal Cali Xuseen, halka tan Cardiff-na ay dhacday 11/12/2014, waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay in taage erayaasha Xisbiga UCID ee UK ay maalinba- maalinta ka danbaysa ay soo badanayaan, shacabka reer Somaliland-na ay fahmeen in ay dhamaatay waqtigii qabyalada wax lagu dooranayay, maantana ay diyaar u yihiin in ay doortaan Aqoonyahanka dadayar ee shaadhkoodu cad yahay dalkana isbadal muuqda ka samaynkara.

 



Mr. Abdulqadir Mohamed (Cukaashe)
Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda
Xisbiga UCID Ee Laanta UK
warfaa_101@hotmail.co.uk