Jaaliyadaha Qurbajooga Somaliland ee EU waxaa u qorshaysnaa inay isu soo bax isugu yimaadaan Xarunta Parlamanka EU Brussell 18May2013 ee yaan laga dhicisayn

 


Gudoomiyaha Qurbajooga Somaliland ee EU Md.Abdiraxman Ali Ubaxle ayaa sheegay in qorshe mudo la ga soo shaqaynayey uu meel fiican marayo iyadoo Bishii October ee 2012 ay balan inooga samaysay x bin ka mida Parlemanka EU inaynu isu soo bax la hor istaagno xarunta Parlamanka EU ee Brusells inagoo ka dalbanayna in Wadamada EU ay tixgelin siiyaan qadiyada Somaliland ee gooni isutaaga ee ay shacab ka Somaliland aayahooda kaga tashadeen.

Qadiyada Ictiraaf raadinta ee Somaliland waa mid muwaadin kasta oo Somaliland ah waajib ku ah kaalin ta kaga aadana uu xil iska saaro, waxaase qurbajooga Somaliland ee ku nool wadamada reer galbeedk a looga baahanyahay inay heegan u ahaadaan sida ay isu barbar taagi lahaayeen halganka loogu jiro sidii aynu uga midha dhalin lahayn mawqifkeena aaya ka tashi ee gooni isu taaga Somaliland, sidaa dar teed waxaan mar kale xusuusinayaa dhamaan qurbajooga EU sidii aynu isku ogayn in Balankeenu yah ay Xarunta parlamanka EU ee Brusells 18/05/2013.

Waxaan rajaynayaa in ay inoo suuro geli doonto inaynu maalintaas muujin doono cududeena iyo wada jirkeena aynu ku doonayno inaynu ka mid noqono dawladaha caalamka, hadii aynu mudada inoo hadha y ku diyaar garoobi wayno waynu ka tasahan doona siyaabaha kale ee aynu ku xusayno maalinta qara nka Somaliland ee 18/May oo inagu leh shucuur iyo qiimo gaara, waxaa jira dalad weyn oo ay ku midoo been jaaliyadaha qurbajooga Somaliland intooda ugu badan iyadoo jaaliyadaha ama ururada dhimana aynu ka codsanayno inay cududooda iyo caqligooda ku soo biiriyaan dalada isu taga jaaliyadaha.

Waxaan ugu danbayntii jaaliyadaha Somaliland ee reer Yurub kula dardaarmayaa inay iska ilaaliyaan t afaraaruqa iyo kooxo keligood wax jujuuba si aan hadba talaabada aynu qaadaynaa inooga fashilmin si dii dhawr jeer hore u dhacday markaa waxaa ila haboon in xarunta Parlamanka ee EU la tago xiliga ku haboon ee aan la sii kala hor dhicin, ma jirto cid magac iyo manfac gaara ku doonaysa dhaqaajinta qad iyada Somaliland, markaa waa in aynu si taxadir leh uga fiirsano talaabo kasta oo aynu qaadayno iska na ilaalino cidii jecel inay si gaara isugu sawirto talaabooyinka ina horyaala ee aan laga wada tashan, akhbaar kasta oo jaaliyadahu uga baahdaan xafiiska qurbajooga xaruntiisa EU ee Birmingham UK waxa ad kala soo xidhiidhi kartaa.


Email: somalilanddiasporanetwork@hotmail.co.uk
Phone: +44 121 572 2377 ( Office )
 

 


Abdirahman Ali Ubaxle
Gudomiyaha Qurbajooga iyo Xidhidhka jaaliyadaha EU
Birmingham UK